KAASI WAA WIILKAYGA Qabytii 11aad (SHEEKO XIISE LEH) Qore:Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 11aad

 

Qorshihii Hani ee maalintaas dib ayuu u dhacay, waxaa la joogay xoogaa mudo kadibna waxaa la qabtay Arooskii farxaan sidaana lagu aqal geeyay, muddo yar kadib Hani waxay u yeertay farxaan iyada oo damacsanayd in ay markan u sheegto Runta, waxayna ku ballameen markaan gurigiisa, marti qaadkana farxaan xagiisa ayuu ahaa.

Hani waxay farxaan u sheegtay in maalintaas aysan kaligeed imaan doonin oo uu la imaan doono Wiil ay isku iskool ahaan jireen muddana ay iskug dambeesay, ayna damacday maalintaas in ay ku sheekeestaan guriga farxaan maadaama munaasab aysan ahayn in Nin aan qabin ay gurigeeda gayso.

Ujeeddo ayay ka lahayd baa la oran karay hadalkaa hani, balse, farxaan ma fahmin wuuna soo dhaweeyay sidaas ayuuna martiqaadkii ku ballaarshay, Hani waxay u yeertay Cali, waxayna u sheegtay Waqtiga Ballanta iyo martiqaadka halka uu ka dhacayo, waxayna si gooni ah ugu sharaxday waxa ay doonayso iyo sida ay rabto in Arrinta Farxaan loo wajaho.

Hani waxay Cali ku tiri wiilkan maadaama aan labadeenaba dayacnay wax Xaq ah kuma lihin aanan ka ahayn in aan ogaysiino in aan waalidkiisa nahay, markaas kadib isaga ayay u furantahay una madax banaan qaabka uu noola dhaqmayo iyo halka uu na dajisanayo Mansab ahaan, micnaha haddii uu noola dhaqmayo Waalid ahaan iyo haddii kalaba, taas waa waajib labadeenaba aan mudanahay in uu na marsiiyo haddii uu doono, inagase waa in aan wada gudanaa waajibkeena ah in aan u sheegno in waalidkiis aan inaga nahay.

Waxay kaloo u sheegtay in reerka soo korsaday wiilka ay aaminsan yihiin in uu yahay wiilkooda sidaasna ay haboontahay in uu sii ahaado inagana aysan nala haboonayn in aan reerkaas soo ogaysiino in aan nahay waalidkii dhalay ee dayacay.

Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in sheekadan quseesayso sadexdeena waa Hani, Cali iyo Farxaan, in aan sadexdeena is ogaana ayaa muhiim ah, Dadka kale in ay ogaadaan wax aan dhib ahayn noogama soo siyaadayo, Cali ayaa hadalka qaatay kuna yiri Hani khalad hore ayaan galay mana doonayo in aan kusii celsho khaladkaas, qalbiyo badana gadaashaada waan sii dhaawacay, mana doonayo in aan dhaawac kale sii gaysto.

Cali isaga oo hadalka sii wato ayuu yiri “waa Arrin adag Wiil aad dhashay isku sheeg kadibna wax shuqul ah haku yeelan, balse waan aqbalay wax walba oo aad dalbatay waana runtaa farxaan ayay ku xirnaa doontaa habka uu ula macaamili doono waaldkiisa dayacay ee dhabta ah”

Waxaa lasoo gaaray xilligii loo madlanaa martiqaadka farxaan gurigiisa micnaha loo balansanaa, waxaa meeshaas lagu cunay wixii uu diyarshay farxaan, is barasho kadib iyo is marxabayn dhex martay Farxaan iyo Cali waxaa la guda galay Sheekada, waxaa hadalka bilaabay Hani oo ahayd jilaha koowaad ee filimkan dhabta u dhacay, balse dadka qaarkii ay dhalanteed u qaadan karaan.

Hani waxayn hadalkeeda ku bilowday “Farxaan soo dhawoow walaale waa sida aad ii taqiin waligaa, Erayga walaale soo iima aqoon waligaa? haa ayuu ku jawaabay farxaan, waxay tiri farxaan in aad ogaato waalidkaaga dhabta ah Baahi intee la eg ayaad u qabtaa?

Wuxuu yiri Baahi aan la soo koobi Karin, waxay waydiisay waxa u qorsheesan haduu ogaado waalidkiisa dhabta ah? wuxuu farxaan ku jawaabay Hani maxaa keenay Su’aalahan aad maanta I waydiinayso? waxay ugu jawaabtay jawaabta aad ka bixiso Su’aal walba oo aan ku waydiiyo waxay saamayn dhab ah ku yeelan doontaa noloshaada.

Wuxuu ugu jawaabay Qorshe hadda meel ii dhigan ma jiro, balse waa fiicnaan lahayd in aan ogaado waalidkey su’aalo badana waan waydiin lahaa? waxay waydiisay isaga aduunyada muddo waa kusoo noolaa khalad badana wuu galay in uu doonayo in uu khaladaadkiisi hore dib u saxo iyo in kale?

Wuxuu u sheegay in uu dooni lahaa in uu saxo khaladkiisa, waa hadii waqtiga u saamaxo, waxay waydiisay sababta uu khaladaadkaa u sameeyaye? wuxu ku jawaabay in uu sameeyay, balse sababta uu u sameeyay uu ka fahmi karo in ay khalad ahayd uuna ka shallaysanyahay khaladaadkaas hadda, doonayna in uu dib u sameeyo hadii Jaanis loo siinayana uu sixi lahaa isla hada.

Waa meesha ay rabtay Hani , waxay tiri hadaba halkan waxaan maanta isugu nimid in aan wada saxno khaladaadka aan wada galnay kuligeen qof walbana uu doonayo in la saamaxo ,sababta khaldkaas loo suubiyayna ay ahayd khalad dhacay sababtiisana aan halkan lagu sharrixi Karin, waqtigana uu maanta noo saamaxay in aan saxno khaladkeeni hore.

Hadalka waa sii wadatay hani oo waxay ka dhawaajisay inay tahay hooyada dhabta ah ee Farxaan ku hammin jiray in uu mar arko, aabaha uu doonayana uu yahay ninkan hor fadhiya ee Cali, maantana ay meeshan u wada yimaadeen in ay ku ogoysiiyaan oo kaliya halka aad ka timid.

Farxaan oo amakaagsan yaab iyo fajicisana indhaha la taagaya ayaa damcay inuu hadalka ka dhex galo, balse, hani ayaa tiri waxaan meeshan u nimid in aan si fiican u kala warqaadano adigana aad ogaato wax aadan horey u ogayn ee I sug aan dhameeyo sheekada kadibna waxaad rabto ka dheh.

Hani waxay sharaxday sababta ku kaliftay in ay farxaan galiso Nolosha uu kusoo koray min bilow ilaa dhamaad, inta ay sheekada waddayna farxaan indhihiisa ilmo ayaa ka qubanaysay, hanina Diifka iyo Illinta kala joogsi ma lahayn, oo marada garbasaarka ah ee ay wadatay waa buuxsantay Diif iyo Illin ha dhihin.

Waxaa hadalka qaatay Cali, isagana sharaxaad ayuu galay balse wuxuu sheegay In uu khald galay doonayna hadda in la cafiyo, sababta uu halkan u yimidna ay ahayd in waxa farxaan Xaqa u leeyahay ee ah in uu ogaado waalidkiisa dhabta ah uu qayb ka qaato, go’aankana uu ku xiran yahay farxaan, wax walba oo uu go’aamiyana ay diyaar u yihiin in uu ku dhaqmo.

Hani ayaa damacday hadal oo soo bandhig qorshihii kale ee u dagsanaa ogaashaha faraxaan kadib, ayuu farxaan soo booday oo yiri “labadiinaba waa hadasheen qaybtan aniga yaa leh ee fadlan I dhagaysta, si aan isku fahanno”

wax walba oo dhacay waa dhaceen wuxuna si gaar ah ugu mahad celshay Hani sida ay qayb uga soo qaadatay barbaarintiisa iyo dhisidda qoyskiisa, wuxuu kaloo ugu mahadcelshay Cali in uu kusoo dhiiraday in uu meeshan yimaado uuna isku sheego wiilkiisa.

Farxaan mahadnaq kadib wuxuu yiri “waan idin gartay hadda wax aan idinku eedaynayo ama idinku haystana ma jirto, aniga si fiicana ayaan usoo koray wax walba uu heli lahaa Wiil asaagayga ahna waan helay doodna ma qabo, balse waxaan idinka codsanayaa in aad ahaaataan sida aad aheedeen, micnaha aan la ogaan in aan helay walidkeyga.

Arrintan is barashada ahna ha ku koobnaato sadexdeena, sababta aan sidaa u leeyahayna waxay tahay waxaan leeyahay hooyo iyo aabo wanaagsan oo sida Wiil ay dhaleen oo kale iisoo korsaday, xitaa maalkooda I dhaxalsiiyay, mana doonayo in ay dareemaan wax Niyad xumo ah, iyaga ayaan wiil u ahay una ahaan doonaa, idinkana waan ku faraxsanahay in aad noloshayda qayb ka aheedeen hadana aad ka tihiin, wixii Waalid iyo wiilkooda mucaamalo ahaan u dhex mara waana dhex marayaan insha allah, sidaas ayuu Farxaan hadalkisa kusoo gunaanaday.

Hani ayaa qaadatay hadalkeeda aadna ugu faraxday hadalka farxaan, waxayna u balan qaadday in sida uu codsaday ay wax walba ahaan doonaan, muhiimaddana ay ahayd ogaashiyo oo kaliya ee aysan ahayn in ay si kale saamayn ugu yeeshaan noloshiisa, maadaama billowga noloshiisaba aysan qayb ka ahayn.

Cali ayaa kadaba hadlay mana uusan badin hadalka oo wuxuu kusoo gunaanaday in uu ku faraxsanyahay wax walba sida ay u dhaceen cafintana ay tahay farxaan xagiisa, balse ayagu aysan Xaq u lahayn in ay Cafis dalbadaan meeshana aysan taas u imaan, ee ay ahayd in ay ogeesiiyaan wiilkooda waalidkiisa dhabta ah.

Sidii ayaa la isku af gartay laguna soo gunaanaday arrinkii maalintaa loo madlaana, qof walbana isaga oo qanacsan ayuu meesha ka tagay, Farxaan oo ahaa ninka martida loo ahaana aad ayuu ugu mahad celshay sida ay uga qayb qaateen labadiisa waalid helitaanka baadida ka maqnayd ee uu noloshiisa oo dhan baadi goobayay.

Dhamaad

Waxaan idinkaga mahad celinayaa aqriska aad aqriseen sheekadan iyo Bahda dadaalka u gashay in ay sii gudbiyaan, dhamaantiin Allaha idin dhowro ayaan idin leeyahay, insha allah sheekooyin kale oo dhab ahna waan idinla wadaagi doonaa.

Waxaan ka cudur daaranayaa haddiiba ay jiraan Erayo aan si khalad ah u iri ama u isticmaalay iyo haddii ay jiraan wax la igu dhibsaday. Dadaal ayey iga ahayd uun ee wax ku dheel isma lahayn, guul wacan ayaan idiin rajaynayaa

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN