XIKMADAHA JIMCAHA. BY Mohamed Musa Sh. Noor

xikmdo kooban

 WAX JOOGTA AH MA JIRAAN

Nolosha dunida oo dhan ayaaba iska ah ku meel gaar, oo ma jiraan wax joogtoobaya ama waaraya, sidaa darteed ma ahan in aad ku sirmataa xaaladaha quruxda badan ama murugada badan ee aad maanta dhex taalka u tahay.

Dhibaatada oo ah midda aadka noo xanuujisa waa in aan maskaxda ku haynaa in ay leedahay Waqti ay timaado iyo waqti ay dhamaato, sidaa darteed ma ahan in aad la wal washaa dhibaatada ku hayso, waan ogahay waana wax jira wal walka oo waa mid nalagu abuuray, balse waa in uusan saamayn ku yeelan waajibaadkeena kale ee nolosha nagu sugaya.

Hadaba wax waaraya ma jiraan si ku meel gaar ah ayaad u joogaysaa dunida, kadibna waad ka dhaqaajin doontaa, sidaa darteed is baddalka xaaladaha saamaynta ay ku yeelan karaan qorshahaaga nolosha ha yaraado.

 

 

 WAX KA WANAAGSAN MA JIRAAN  

Wax ka wanaagsan ma jiraan marka aad diyaarsato Qorshe nololeed aad muhiim kuugu ah, hadana aad fuliso adiga oo wax dhibaato ah ama ku niyad jabsha aadan kala kulmin, waxaasa kasii wanaagsan marka aysan ku cajab galin guushaas aad gaartay oo aad garato in halganka kugu sugaya waddoyinka nolosha uu yahay mid dhib badan oo aan la saadaalin Karin, sidaa darteed waa in aad u garataa guulaha aad gaartay in ay yihiin qayb ka mid ah Yabooha laguugu yaboohay Nolosha, maankana aad ku haysaa guul darrooyin badan in ay kugu sugayaan isla waddooyinkaas, lagaana doonayo in aad lahaato adkaysigooda.

 

 

  DAD WAXAA UGU LIITA

Dad waxaa ugu liita kan buuqa naftiisa kala dul dhaca dadka aan shaqada ku lahayn, hadana garan la’ halka laga haysto ee buuqa iyo dhibaatooyinka haysta ay ka yimaadeen, waa in qofku ogyahay halka laga asiibay uuna lahaadaa mar walba garashada daawada cudurka uu qabo.

Waxaa kaloo dad ugu liita kan mar walba isku mooda in uusan jirin qof Caqli ku gaara, shaqa walbana kaligiis in uu qaban karo aaminsan, dadka ku hareeraysan ee wax la wadaagayana u arko Ducufo aanan isaga gaari Karin.

Wuxuu moogyahay in qof walba dunida uu ku yimid amar Alle isla allahaasna uu yahay midka ay u wada siman yihiin dhamaatood,  qof aan wax quudan dunidan ma jiro, qof walbana wuu noolyahay sida uu doonaba noloshiisa ha ahaato, sidaa darteed waa in maanka uu ku hayaa liidanahaas aan soo sheegay in dunidan ay socotay isaga hortiis, la’aantiisna ay socon doonto.

 MAXAA KAA MAQAN?

Wax badan waxaad arkaysaa in qof ladan oo caafimaad qaba, cunaya, cabaya, xiranaya, hadana ku dhahaya nolol ma haysto, maxay tahay nolosha uu raadinayo qofkaa, xitaa Taajirka soo ma cabo, oo ma xirto, oo ma cuno, oo ma seexdo, muxuu ku dheeryahay?

Qanaacada aad naftaada ku qabto waa in mar walba ay joogta tahay, balse marka ay naftaada isku kaa tusiso in aadan waxba haysan, waa marka aad ka door bidayso adiga oo Biyo iyo badqab haysta in aad baahi iyo balaayo lugahaaga ku doonato.

Dhimashada lama hurayo, Waqti walba waa mid taagan, balse waa in aad is waydiisaa qaabka aad u dhimanayso iyo waxa aad u dhimanayso, wax ka xun ma jiraan adiga oo duni u haajiraya in aad dhimato, waa marka qiimayntaa laga sameeyo dhanka Dadk Ahlu iimaanka ah ee aaminsan Qaddarta.

WAQTIGA IYO JACYALKA

Dadka dhanka garaadka ka hor maray waxay Waqtiga iyo Jacaylka ku tilmaameen labada ugu qiimaha badan Nooloha Caqliga leh, dhabta marka laga hadlo qof walba qof ayuu u baahan yahay oo nolosheena ayaaba ku xiran isku baahni la isku baahan yahay, hadana sidaas ay tahay waxaa jira baahi qof walba si gaar ah uu isku leeyahay waa ay kaa maqantahay, hadaba dadka garaadka leh ayaga oo kala dhigay mid walbana xlliga ku haboon in la raadsho sheegaya, ayay dhaheen raadso jacaylka kaa maqan ama aad u baahantahay marka aad waqti u hayso, taas oo marka runta laga eego qof waqti haysan uusan isku mashquulin Karin in uu wax jeclaado, maxaa yeelay halka wax laga jeclaado waa qalbiga, marka waa in uu jiraa waqti uu qalbigu wax ku dareemi karo waxna ku jeclaan karo, sida taas ay ku dhacaysan ay noqon karto in qalbigu uu waqti helo, sidaa darteed waa in waqti marka la haysto la raadsadaa baahida jacaylka.

Marka aad jacaylka gacanta ku dhigtidna waxaa lagaaga baahan yahay ayaa ah in aad waqti siiso jacyalkaaga, maxaa yeelay waa wax qaali ah oo caqabada badan iyo dhibaatooyin badan oo tijaabo u ah sii jiritaankiis ay ku horgudban yihiin, hadaba waa in marka jacyl la baadi goobayo waqti la haystaa, marka jacaylka la helana waqtiga la baadi goobaa, marba mid ayaa maqan oo la baadi goobayaa.

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN