Qolo maad tahay Q2aad

 

Qolo maad tahay Q2aad

11041783_1557311204518348_3443372813761974198_n

Xaliimo arrinkii reerkoodu doonayey way ka aqbashay go,aankii aabbaheed waa fullisay, siday iyaguna rabeena waa yeeshay oo waxay gudoomatey iney ducadooda bay qaadatay.

Waxaana iyagoo kala maqan laysu mehriyey wiilkii reerkoodu u doorey ee Xayir iyo Xaliimo.Muddo ka dib markii loo dhisay wiilkii ina abtigeed iyada oon ku faraxsanayn guurkaasi.Arrinku sidii loo filayey ma noqon oo reerkoodu waxay u maleynayeen, iney uun xishoodkii iyo suurihii gabdhaha ka tahay oo is beddeli doonto, una diyaar garoobi doonto,   hanashada qoyska cusub, balse, ma dhicin.

Ma jiro xidhiidh wanaagsan iyo is fahan ka dhaxeeya iyada iyo wiilka loo guuriyey, sidoo kale wuxuu isaga ka dhaadhacsan in   gabadh uu qabo iyo xaas jecel oo ku qanacsani u joogto meel, marnaba ma uusan weydiin, sida dareenkeedu yahay iyada iyo reerka midnaba, waxayna taladiisu tahay inuu yimaado, muddo laba billood ah ka dib.

Jabba waaka danbeeyee, Xaliimo, waxay noqotey, goonidaaq habeen iyo maalin qof foorara oo hoos u hundhura, farxadii iyo nayaayirkii lagu yaqaanayna wuxuu ka guurey toban geedi, Xaliimo waxay gashay xabsi aan cidina ogeyn, waxayna go’aan ku gaadhay inay noloshan dhibkeeda ka jeclaatey inay iska dhimato.

Xaliimo waxay weyday midkii wadnaheedu ku xasili lahaa ee ay gaclootey, Xaliimo waxay la soo baxday, dabeecad aan horre loogu aqoon oo cadho iyo karoox ah, waxay guud ahaan beddeshay, wixii lagu yaqaanay, farxadii, bulshadii ay ku dhex jirtey, kaftankii, xidhiidhkii asxaabta,   waxay sidoo kale ka go’dey Cunto cabitaana hadalkiisa daa, xarago iyo lebiskii gabadh aynigeeda lagu yaqaanay waa ka guurtey.

Maalinba maalinka ka danbaysa muuqaalkeedu wuu isbaddalayaa jidhkeedii quruxda badnaa waa qayirmay, qosolkii badnaana qiiraa bedeshay, waxaad moodaa qof inta Duumo( Malariya) ku dhacdey muddo ay diif ku reebtay.Hurdo way kala dhaqaaqeen, habeenkiina waxay wehel ka dhigatey, werwer iyo tallan, haddana talo gacanta uguma jirtoo, waa marwo nin qabo, waxay go’aankaas ka beddeli kartaa ma jiro.

Dhanka kale Xamse oo ah wiilkii ay is waayeen ee calafku kala geeyay, isaga laftiisu madhaamo oo nolosha waxa u dhaanta geerida marka loo eego qaabka uu u dhaqmo isaga oo noqday qof aan nolosha dhana ku tir sanayn hadaad aragto qaabkiisa waxad is odhanaysaa qofkan ma murugada iyo dhibaatada ayuu la dhashay misa nasiib darada lasheego ayaa ku dhacday.

Xamse wuu gabay naftiisii, waxaana ku dhacdey filanwaa, Xamse, wuxuu u arkaa iney Xaliimo ka dal doorsatay oo ay ka doorbidey mid ka dhaqaalo roon oo dibadda u kaxaysanaya, waxii ka dhaxeeyeyna ay ahaayeen, been iyo afka baarkiisa, waxaa u dheer murugada jacaylka, ciilka iyo cadhada, wuxuu had iyo goor dhegaystaa, heesiba heesta ay ka calaacal badan tahayn, mararka qaarkoodna waa la qaadda.Cuno iyo cabid midna ma daneeyo,   oogadiisana waxaa ka muuqda diif, uma dhalan Xasan arrinkan waxaase badey duruufta, mararka qaarkood baad arkaysaa isagoo laaban gurigooda, geed weyn oo ku yaalla, oo aad moodo qof loo sheegay goorta ay heddu u imanayso.

 

 

lasoco qaybaha kale

W/Q Umalkhayr Jaamac

SHEEKOOYIN