Akhriso Maansadii dhashay Silsiladii Siinleey “Saxarla” Iyo Qalinkii abwaan Hadraawi..

Saxarla’ waa heestii ibofurtay silsiladdii maanseeddii caanbaxday ee dal iyo dadba maanshaysay. Waa silsiladdii Siinley oo si dadban u weeraraysay taliskii Soomaaliya ka dhisnaa ee uu Maxamed Siyaad

hoggaanka u hayay. Mar kale, waa hees kale oo ka mid ah heesaha ugu caansan ee uu ku luuqeeyay Alle ha u naxariistee hoobalkii Soomaaliyeed ee Maxamed Mooge Liibaan. Waxay ka mid ahayd riwaayaddii “Aqoon iyo Afgarad” oo ku sinnaan 1971kii iftiinka aragtay. Waxa halabuuray Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi). Codka iyo naaxiyadda waxa ku ladhay Mulaxanka ambabaxay ee Cabdikariin Faarax Qaarrey (Jiir).

Waxay tidhi heestii:

Ku-sinnaan dharaartii,

La sar-gooyay dunidee,

Rabbigay sameeyee,

Cirka sare u taagee,

Xiddigaha siraatiyo,

Dayax suudi-meeriyo,

Lagu sugay cadceeddee,

Sagalkiyo daruurtiyo,

Lagu xidhay sitaacee,

Dhulka gogol la seexdiyo,

Sabo lagu negaadiyo,

Laga dhigay sin-dadabkee,

Buuraha la saaree,

Dhirta samayda ciiddiyo,

Salka loogu joojee,

Saddex-laab bad iyo webi,

Lagu yidhi sabbeeyee,

Dabadeed la saanyee,

Qofba meel siiyee,

Sal-dhiggeedu qaydnaa,

Cidi uma sinnaynoo,

Dadku ruux sabooloo,

Saranseer ku raagiyo,

Guryo-samo nin yaalloo,

Sidka dhalay ku maaloo,

Hela seer-ma-weydiyo,

Laba kala sed roonbaa,

Subax noolba joogee!

 

Waan soo socdaa kow dheh,

Waxna waan sidaa laba dheh,

Samir yeelo weligaa,

Saxar-laay ha fududaan,

 

Sal-fudaydku Xaawuu,

Jannadii ka saaree,

Ruuxaad sugaysoo,

Maqan waa la saadshaa,

Sahan waa la dhawraa,

Ha sahwiyin, ha selelin,

Salka dhaban ha noqonin,

Ha saluugin qaybaha,

Qalinbaa saxeexee,

Waxaan Saatir kuu qorin,

Ha u suul-dahabaalayn,

Kala saar run iyo been,

Kala garo sir iyo caad,

In salaaddu weligeed,

Kala tahay sunniyo faral,

U ogow sax iyo maan!

Inaad saama-jiiddiyo,

Sanqadh-tirasho kala daa,

Naf jacayl sawaaboo,

Sanka kuu dalooshoo,

Kuu sudhay hoggaan baad,

U siddaa maqaarkee,

Ha ku daba saqlaysee,

Ha u gaabin seetada,

Sogsogtiyo cadaaddiyo,

Ha ku saydhin laamaha,

 

Waan soo socdaa kow dheh,

Waxna waan sidaa laba dheh,

Samir yeeelo waligaa,

Saxar-laay ha fududaan.

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

SHEEKOOYIN