Isfahamka nolosha W/Q; Mohamed Musa Shiikh Noor

faaf

Isfahamka nolosha

 

Xikmadaha noloshu waa kuwa aan la xisaabin karin sida ciiddaas oo kalena ah, haddana, waxaa jira waxyaabo badan oo xalkooda meelo dheer dheer aan ka raadinno, haddana, meelo dhow iska yaal oo aanan arki Karin.

Tusaala yar haddaan u soo qaato eryaga la dhaho is fahamka, waa eray aad u yar, marka xaraf ahaan la tiriyo, balse, marka macne ahaan la macneeyo aanan la soo koobi Karin, waxa uu xambaarsan yahay, ha yeeshee, is fahamku waa saldhig ka mid ah saldhigyada horumarka nolosheenna.

Laba aan is fahmin guri ma dhisan karaan! Ardaygu hadduusan fahmin macnaha casharka berri imtixaanka ma ku baasi karo. Haddii kuwa wada shaqaynaya aysan is fahansanayn shaqadaas ma noqon karto mid horumar laga gaaro, xaqiiqduna waxay tahay guusha dhabta ah ee uu qofku gaaro in ay mar walba ka timaaddo is fahamka uu la yeesho dadka ama bulshada uu ku dhex noolyahay.

Laba qof oo walaala ah walaalnimadoodu qiima ma lahan haddii uusan jirin is faham dhab ah oo labadooda ka dhaxeeya. Walaalnimada micnaheeda maahan in aad hal calool kasoo wada baxdeen xiriirna uu sidaa idinkaga dhaxeeyo. Qof walba dunida wuu yimid caloosha uu rabo ha ka soo baxee, balse, taas macnaheeda maahan in calooshaas laga soo wada baxay uu xiriirkiinnu yahay.

Waa in uu jiraa is faham mar walba dhiancyo badan taabanaya, waana in uu jiraa is faham idin wada oggolaysiinaya in aad tihiin walaallo sidaasna aad isla wada oggoshihiin. Waxaa laga yaabaa in uu walaalkaa kaaga fiicanyahay saaxiibkaa, taasna waxaa keenay ayaa la oran karaa is fahamka idin dhex maray.

Is fahamku waa shay qaali ah, oo bartamaha nolosha fadhiya, haddaanan la helinna waxba laguma heshiin karo. Is faham darrada waa midda maanta inaga wada dhigtay in aan dawarsanno duurka. Isku af ayaa nahay, isku diin ayaan nahay, isku dhaqan ayaa nahay, haddana, waxaa na kala geeyay waa is faham darrada na dhextaal, oo markii wixii badnaa, ee aan wadaagnay waxba ma tarin, haddii is fahamka la waayey.

Ma ahan micnaheeda in aan is neceb nahay, balse, waan is fahmi waynnay, maadaama aan is fahmi waynayna, waxaa meesha ku baaba’ay wax walba oo naga dhaxeeyay, gurigii aan kuwada noolayn waan wada gubnay, inaga oo isku nacaynayno micnaha is hagranayno, waana kala qaybsannay gurigeennii micnaha waa wadanka.

Haddana kaaga darane, qof walba guriga qaybta uu ka qaatay qurxiyay ma jiro, oo qof walba cadow ayuu magan u noqday, oo cadowgiisa ayuu leeyahay iga difaac walaalkey, is faham darrada ayaana taa sababtay in cadowgaada aad isku fahantaan in uu walaalkaa kaa reebo, walaalkaana aad isku fahmi waysaan in aad wada jirtaan.

Hadalka oo la iska dhagaystaa waa qayb ka mid ah is fahamka, haddii aan hadlo, balse, aadan i dhagaysan in aan wanaag ku hadlayo iyo in kale, oo isla markiiba aad i xukmiso waa is faham darro, aniga oo laga yaabo in aan kuu sheegi rabay wax wanaagsan, waan xanaaqayaa oo jahada ayaa inta iga lunto ku fakarayaa in aan iska kaa difaaco kuuna arkayaa mid koontaro igu ah, oo doonayo xumaantayda, sidaas si la mid ahna xumaantaada ayaan maleegayaa, haddaba si aan isku fahanno aan is dhagaysanno. Hadalku waa waxa xiriiriya dadka is fahamka ama is faham darradana hadalka oo aan la dhagaysan ayay ka bilaabataa.

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN