DUMAROW ASTURNAANTIINA ILAASHADA. (SHEEKO GAABAN)

Nor1

DUMAROW ASTURNAANTIINA ILAASHADA

(SHEEKO GAABAN)

Khibrad ayaan u lahaa qalalaasaha ka dhex dhaca labada Qof ee xiriirsan, balse ma ahayn mid aan waligey filayay in uu igu dhaco.

Xiriiro badan oo nuucyo kala duwan leh waan soo sameeyay, balse, ma ahayn mid aan kala kulmo Niyad jab ama Dhaawac Qalbi, qiimaha uu  u leeyahay xiriirka kalgacalka naftaydana waan ogaa.

Xiriirkii igu horeeyay ee aan qof la suubiyo, ma gaarin hadafkii laga lahaa oo waxaa dhacday nasiib darro ah in qofkii aan la lahaa xiriirka uu dunidan uga hayaamo Shil Gaari oo ku dhacay dartii, waan ka naxay runtii, balse, ma ahayn qofkaas mid ii gaystay dhaawac qalbi, marka laga reebo ka nixidda aan ka naxay Muusiibada ku dhacday waa shilkee.

Kii labaad aan sameeyeyna marka aan is leeyahay Xariga ha loo dhuujiyo ayaa waxaa dhacday in qofkii aan wax la wadaagi lahaa, ay dadkiisa qof kale qoorta u galshaan, micnaha loo guursho Gabar qaraabadiisa ah, ma ahayn mid uu wax ka qaban karay ama la dhihi karo wuxuu uga dan lahaa dhaawac qalbigayga ah, ee wuxuu ahaa mid garba duuban oo Duruufo ku hareeraysan ay u diideen in uu dibanaha nuux nuuxsho, maya dhaho.

Halkii ayey iiga bilaabaatay in aan mar saddexaad baadi goob cusub u galo helidda kan naftayda ku haboon ama nasiibkiisa uu i kaalmayn karo, nasiib wanaag aniga oo u laafyoonaya Galab galbaha ka mid ah meel la iga casuumay ayuu si lama filaan ah gaari uu watay jug iigu siiyay, halkii ayey noqotay in aan ku miir beelo, waaxaasa dhacday in uu i geeyo Isbitaal, halakaana la igu dabiibo.

Wax sidaa u wayn ima gaarin, waxaa dhacday in uu mar walba i xiriirin jiray isaga oo igula kaftamay in ay khayr u ahayd sababta uu igu helay oo ahayd gaariga uu igu dhuftay.

Wax badan ayuu kaga duwanaa kuwii hore, dareenkiisa mid aan ku faraxsanahay ayuu ahaa, balse wuu ka dabeecad kululaa kuwii hore sida aan dareen ahaan qabay amaba aan ka arkay.

Nasiib wanaag muddo kadib waxaa ii rumowday riyadayda ahayd in aan noqdo Oori lagu soo hoydo ilmana leh, ma ahayn runtii mid ila fududayd in aan qoys yeesho marka loo eego xaaladaha kala duwan aan soo maray iyo sida ay laba jeer iiga fashilmeen in riyada aan lahaay ay ii rumowdo.

Qoyska marka ay wada jiraan in ay is qabtaan waxba ma ahan, wayna fududdahay sida la isku qabto, sidaas si la mid ah waxaa sahlan sida la isku xalliyo, waxaasa muhiim ah in khaladka marka hore la isku qabto uusan muhiim ahayn in uu mar labaad soo laabto.

Xaaladaha  nolosha ay la timaado ayaa sabab u ah baa la oran karaa isku dhaca dadka nolosha shurukada ku ah ee wax wadaagaya,  xaalad kasta oo cusub in sideeda loo xalliyo ayeyna ku wanaagsantahay, balse marka hal xaalad ay soo  laa laabato sababna u noqoto buuqa joogtada ah ee qoyska, markaas waxaa la oran karaa labadaas qof ma ahan laba qof oo wax ka bartay xaaladda ay ku noolaayeen.

Muddo kadib waxaa dhacday in la  ila guursado,  taas oo runtii aanan ku farxin si la mid ah sida aysan ugu farxi lahayn qofka Dumarka ahee ila midka ah, waa dabeecadda dumarka baa la oran karaa in mar walba oo xaaladdaas oo kale ay timaado in uu ruuxa qofka dumarka ah uu sidaa u gil gisho.

Waxaa dhacday in sidii hore uusan ii ahayn ninkayga, wax badan oo nolosheena ka mid ahna ay is baddaleen, balse waxaan isku qanciyaa in dareenkayga oo kulul dartiis uusan ahayn Xaalku sida aan u qiysaatay, oo wax walba ay yihiin sidii hore.

Isagu nama colaadiyo, qaabka nolosha ee ilmaha iyo anigaba sidii hore weeyaan, wax naga nusqamay ma jiraan, balse, aniga Dumar ahaan waxaan tabayaa in xagayga liifadda kasii gaabanayso.

Sawirada ii muuqda ma ahan kuwa bixinaya bidhaan wanaagsan, ee waa kuwa iftiiminaya in gabalkaygu sii dhacayo oo uusan fadhi ii oolin, waxaan dareemayey oo is tusinayey in aan noqday dookha labaad ee ninkayga, marba haddii ay timid baahi loo qabo mid labaad xeradana lasoo galshay.

Oo maxaan sidaa ugu fakaraya qoyskayga wuuba ii dhaqan yahay? habeenka aan tookada u leeyahay waa la ii yimaadaa, Biil la igama nusqaamin, sidas ay tahayna wax baan tabayaa, maxay yihiin waxaan tabayo? Mooji ayaan isugu jawaaab celshaa! Oo ma Xaasidnima ayaa i gashay? oo ninka miyaanan u ogolayn in uu baahidiisa uu dumarka u qabo iska haqab tiro? mararka qaar waxaan is waydiiyaa maxaa ka maqan ninkaas? Naag hadduu doonayo adiga ayaa u ah, ilma hadduu doonayo adiga ayaa dhaliddooda diyaar ula ah ooba u dhashay, wax ka maqan ma jiraanee, adiga ayuu ku nacay ayaan iskugu jawaabaa, intaas oo kaliya ma aheen, waxaan is waydiiyaa Naagta kale maxay ka soo doontay Reerkaaga? maxayse u dooratay ninkaaga? waxa Nin yaacaya Baladka miyey dookheeda ka waysay? waxaaba ii sawirmay in naagtaas loo soo diray irsaaqaddayda iyo noloshayda ay liddi ku tahay.

Muddo kadib ayaan go’aansaday in Naagta ama aniga ay mid baxdo, maara waa la ii waayay, waano iyo war toona uma soo jeedo, muddo kadib markii la isku xiiqay ayey noqtay jawaabta sida aan filayay si ka gaddisan, aniga ayaa noqday tan la saaray oo laga nasan waayay.

Mudd kadib markii aan miirsaday ayaan dareemay in aan khladanaa, Dumar waxay ku wanaagsan yihiin in ayasturan yihiin, Nolosha oo dhan ayaa igu soo koobantay, waxaan gartay in aan shalay qaldanaa, maxasa maanta ka gaaraa? waa mar middi calool gashay, islantii aan gurigayg u bur burshay Da’dii saddexaad ayey maree, anigana garoob dullaysan ayaan meelaha ku noqday, ilmihi kali ayey igu noqdeen, aabahoodii u roonaa waan kasoo kaxaystay, Hammi ah nin kale guurso imaba galin.

Muddo markij la joogo ayaan arkay islaan sidayda oo kale hilfaha qaadatay oo isla xaaladdadayda ku sugan, waxaan ku iri” khaladka waa waqti ka mid ah waqtiyada noloshaad, sidaa darteed noloshaada oo dhan khalad haka galin, aniga ayaa khald ka galay naftayda iyo midda ilmahaygaba, fadlan reerkaaga dhaqo, ma islaan xakama goosatay ayaa taladayda yeelaysa? waxay ku dhacday dariiqii aan ku dhcay, aniga maba waalanee iyada waaw ayey tiri.

Muddo kadib waxaan goostay in aan ninkayga u hoydo, waxaana  ku iri” fadlan islaantaada shalay ayaa maanta kuu baahan, fadlan khaladkayga waan gartay ee dib ma iigu sixi kartaa, Alle mahaddii jawaabta aan ka helay ma xumayn, sidii ayaan ugu laabtay reerkayga, markii ay ogaatay islaantii kale in la isoo celshay, ayey iyana qalab qaadatay, balse sida aan u xarga goostay uma goosan.
Aniga hadda waxaan taaganahay inta uu rabo ha guursado, macna badan iima lahan taas, waxa macnaha ii leh ayaa ah noloshayda iyo tan ilmahayga, intaasna waan haystaa, waxba is ciil kaambis iyo Masayr ma taro, Dumarow asturnaantiina ilaashada, gurigiinana xafita.
Walaashiin
H. B.C
W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN