Caweys: Shiribka Toddobaadka Laashin.

quotescover-JPG-55

 Shirib aad u xiisa badan oo dhex maraya wiil iyo gabadh  u haasawaaya sidii hiddaha iyo dhaqanku ahaa, Laashin Cabdinuur oo  shiribkan isagu  akeekimey iskana dhigey labadii lammaane ayaa yiri:

Wiilka:

Casir wanaag san caasho kiin

Ceyntaada waaba caashaqee,

 

Gabadha:

Casir jawaan ku caashaqaa

Cabdoow miyeeysan ceeb ahayn,

 

 Wiilka:

Ceeb maahin waaku caashaqee

Cilmi miyaad lahayn carfoon,

 

 

Gabadha:

Cagta dhulkuu dhig cabdiyoow

Waxaan cunmeynin caarifkood,

 

 Wiilka:

Cankaagaya calaacashaan

Caasho nin arkay mees celaa,

 

 Gabadha:

Cankeyga arki maa cabdoow

Caruuda geel nimaan celeyn,

 

 Wiilka:

Ceel buuxa caag biyaa carfoon

Minaad ka cabto wees curjaa,

 

Gabadha:

Cawa tagtay mineey cabdoow

Soo ciydo waaku caawihaa,

 

Wiilka:

Cirkuba caad la,aan carfoon

Waasoo curtaahe ii ciddeey,

  

Gabadh:

cadiinya ciir waxaad cunnee

Cood iyo waa qabnaa cantoog,

 

Wiilka:

Cirbad nin rabay hoo cadkaan

Ku caafimaadi maa carfoon,

 

Gabadh:

Caqli woxoowsan soo celeyn

Codso bal aan ku ceeyriyee,

Wiilka:

Cidla ninkugu caashaqee

Caasho ku yiri caana sii

 

 Gabadha:

caasho nimaa hor calmadee

Is ceeji amma hoor carroo,

 

Mida kale,

 

Ha ii caweeynin ee caraaw

Cungaa arri u soo ciyee

 Curiye:Laashin  Cabdinuur Waddani

 

SHEEKOOYIN