Maanso: Xeroow iyo Xamar Curiye: Mohamed Herow

Maanso:  Xeroow iyo Xamar

2260592195_b011142276

 

 

 

 

 

 

 

Xa,i waa quraan dhigan

Xaakim waa ilaaheey
Xalaybaan saqdii dhaxe
Xamar xaajo ugu tagay

Waxaan hadalka ugu xoday
Xamareey sidaadaba
lagu kala xadeystaye
Maxaad xaal u aragtaa?

Xamarbaa waxeey tirri
Xuduntii dalkaan ahay
Xoriyadii dhulkaan ahay
Xaduudaheena soomaal
Xaruntii dalkaan ahay
Ninka xeertay mooroo
Xalay xoolo ugu hoyan
Waa xaajo yaab lehe
Ku xakaaryay meel maran

Xamarbaan waxaan irri
Xukuumadihi dunidaa
Xal ku gaaray iney tahay
Calankii xoriyadeee
Shanta xidig lahaayee
Xornumada ku qaadanay
Ineey tahay xadgudub iyo
Xaq u dirir islaameed
Sheegasho xadaan jirrin?

Xamarbaa waxeey tirri
Nimaan garan xadkiisii
Xarigii ilaah jaray
Sidaan xaakim uga dhigan
Calankiyo xidiguhuba
Waa xoolo qaranoo
Xalay dhalay xaqiisii
Kii ilaah xagii tagay
Kii aqliga laga xaday
Midan xariga kuba jirin
Intaba wuu xadeeyaa

Xamarbaan waxaan irri
Waxan xodo ku haystaa
Malmahaan xodxodanaay
Dhulkii xiriirka dheeraay
Dhanka kenya naga xigay
Halba xariga kuma jirro
Miyaad dhega xanuuntaa?

Xamarbaa waxeey tirri
Xanta waan maqlaayee
Xaqiiqdaan sugaayaa
Xarigaan ku jarayaa
Haddii xaalku sida yahay
Ineey nabadu xaaleyn
Xeryahooda joogeyn
Xaajadooda gudaneyn
Waayo waxan xasuusta
Wixii gaaray xabashida

Xamarbaan waxaan irri
Xamareey sidaadaba
Miyaad xaalka ula socon
Xabashida ragii helay
Xag alleey ahaadeen
Dalkan waxa xukumaya
Xildhibaano qaaina
Madaxweyne xoor cuna
Wasiir xeerarkuba qaban
Saxiixaaya xadahii

Xamarbaa waxeey tirri
Xaal walboo lajogaba
Soomaali waa xidid
Xarig aan la jari karin
Xabaal aan la qodi karin
Xujo aan la furri karin
Ka xishoon xaqeedaba

Curiye:

Mohamed Herow

herow04@gmail.com

SHEEKOOYIN