Dagaalka Itoobiya iyo ka la daadsanaata soomaalida! W/Q: Hassan Kaamill Cuute

12398967_1005838816125988_1514399764_n

Dagaalka Itoobiya iyo ka la daadsanaata soomaalida!

 

Dagaalka Oromada waxaan dhihi karaa, waa meeshoow ka billaaban lahaa burbur soo gaara dowladda awoodda ku faani jiray, in qabiil qiireysan, oo qabweyni is moodaya ow qalalaase billaabo iyo qeybteynnii ayaa maqan amaba waa na la quursanayaa, sidaaa darteed,  ma la dhihi karaa, waqti loo baahan yahay ayoow ku soo aada? Ani ahaan haa, sababo badan oo is biirsaday awgod;

(1) Inteey ku mashquuli lahaayen xodxodasha iyo xansiga soomaalida culeyska iyaga saaran ayey xoogga saari doonaan, illeyn nin asiga lagu maqanyahay, cid kale u ma muuqato.

(2) Waxeey maskax, maal, muruq, muunad, mintidid, maareyn hayaan, dhanka xallinta ayey isugu geyn doonaan ambo awood ha ku xalliyaano ambo xaal mastuur dhankoow doono ha ka yimaadeee

(3) In generalladii joogay soomaaliya iyo xitaa awoodda ciidanka dib loo cilyo, si wax oon loo ka la furfuro, waaba haddii waqti loo siiyee

(4) In jaajuusiintii u shaqeyn jirtay Gabre iyo dowladdiisa, ee daaha gadaashiisa laga hagayay, xaalku ku xumaado, sida haddaba la soo werinaayo, inaan shirarka Muqdisho loo ka la kicin, habeenkiina aan niyad sami lagu seexan, illeyn ruuxii qiyaanoole ah, qalbigiisa holcaya mar kasto, oo wanaag ma sugayee, iyaguna intey gudbi lahaayeen sirta qaranka, sidaa looga nabad galo.

Markaan intaa uga baxo qalalaasha Itoobiya, maxaa la gudboon soomaalida ka la daadsan, ee qolo qolo iyo qabiil qabiil u ka la fadhida ambo isugu fadhida, ee qeyrkood ka haray? Waa halkii  abwaan Cabdulle Raage Taraawiil  (AUN) ka yiri:

 

Nimayahoow delleganee, bukee leysku dirayaahi 

Duulyohoow nasaqanee, indhuhu daafka ka hayaa

Dibiyaheey hertamayeen, ogeen waxa dantoodaahe 


Dalaafnimadu waa waxaan, waqtiga uga dambeynaahe


Waa laami roob iiga da’ay, dooddan furayaahe


Dad xunyohoow markaad ka la dishiin, diracya dhowr gaari


Nimanaa durbaan tumanayaa, farax daraaddiise

Is daaya heysku duulinee, dalkiinnaa loo danleeyee!”

 

Waa in laga faa’iidstaa lana taageeraa dagaalka Oromadu waddo, hub, hiil iyo hanuunin intaba, ma ahan, inaan cadawga ka mideysan ambo aaminsan, in shacabka soomaaliyeedbo yahay qeyb iyaga ka mid ah aan ka la jeclahay, laakiin, mahmaah ayaa aheyd; Allow colkeyna col u bixi, ambo Allow colkeeyna col kaafiya u keen, sidaa darteed, soomaalidu gacmaha is qabsadaan, hana ka faa’iideysataan qalalaaska sucdo.

 

W/Q: Hassan Kaamill Cuute

cuute23@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN