Shiribka Toddobaadka, “ Hal xiraale” W/D Cabdinuur waddani

quotescover-JPG-55

Shiribka Toddobaadka, “ Hal xiraale”

Waa shirib hal xiraala ah, Shiribkan oo aan ku jrabayo maanka iyo maskaxda saaxiibaday ayaa waxaan ku billaabay anigoo Cabdi Nuur  Sidan. Waxaa shiribka igala qayb galay, Labadeyda Saaxiib ee Laashin Ibraahin Cali iyo Laashin Cabdullaahi Xuseen Hinnaa.

 11753272_407581792785865_4043140117631554681_n

Laashin Cabdinuur:

Seddax walxaato siin ku taal

Saaxiib abwaan ahoow sifeey?

Sac yeera wax ka sii sitoo

An suul dhameeynin ii sifeey?

Saqiir sineysta saac gashoow

Loona sacbiyo ii sifeey?

Qof kula safan oon ku siin

Wax saacidaada ii sifeey?

Sacya ari nin soofsadaa

Sumada geela sixi waay!

Markaan halkaas wax mariyey ayaa waxaa markiiba Jawaab diiran oo diran soo celiyey

12460072_487965644741741_2033283650_n

Laashin Ibraahim Cali oo isna yiri:

Seddaxda ma sugi karee

Adaan sifeynti kaa sugaa

Suulka ma dhammo saalbo(1) Faal

Sacane waaka sii sitaa,

Saqiir sineysta saac gashoow

Waa saa’idee bal noo sifeey,

Safkaada hoosku waa socdaa

Kumana siiyo saacidaad.

Sixi ma karo sowd abwaan

Waa siiska kaa daba socaa,

Laashin Ibraahim lamma su’aal ayoow si toosa uga jawaabay midna waa garanwaayay. Anigaa markaas imid anigoo ibraahim u sheegaya inuu sigay laakiin asan ka wada jawaabin waxaan iri.

suldaan Ibraahimoow sigtee

waxaan sugaa nimaan sixeeyn.

Markaas ka dib waxaa yimid Laashin Cabdilaahi xuseen hinaa shiribkina waa dhameystiryay oo su’aashi Laashin Ibrahim waayay ayoow ka jawaabay.

11330007_401200486742362_1146240953279293323_n

Wuxu yiri Laashin Hinaa

Sammoow cabdoow su.aalahaas

Anaa saxaahe saan u hoo

Sacyeera wax kasii sitoo

an suul dhammeynin seeri (2)waa,

Saqiir sineeysta. Saac gashoow

Loona sacbiyo waa sidaa, (waa fure)

Qof kula safan oon ku siin

wax saa cidaada waa saqiir.

Gunaanad

Sacya Eri nin soof sadaaa

sixi karaaya sumad geel,

Cabdinuur  ayaa  ku soo noqday oo soo xiray, isagoo  saaxiIbadii  u sheegaya ineey su’aalihi ka wada jawaabeen.

Seddaxdi siin inaad sugteen

annaa saxiixay saaxib yaal,

Sharaxa erayada:

1. Faal:  Qori ka mid ah qoryaha dagaalka ee gacanta lagu qaato ,  G3 R3 oo Jarmalku sameeyo( Faal booliis) Faal surweyn)

2.Seeri( Siidhi) Firimbiga,  waa  Aleen afeedka laga yeedhiyo oo loo adeegsado, Tababarada ciidanka iyo  Ciyaartooyda.

Horseedka Shiribka ee  Mareegta Laashin.

Waxaa shiribka diyaariyey, Laashin Cabdi Nuur waddani

Waxaana  curiyey  Saddexda laashin ee kala ah:

Laashin Cabdinuur Waddani

Laashin  Ibraahin Cali

Laashin  Cabdullaahi Xuseen(Hinaa)

SHEEKOOYIN