Shirib Murti badan. W/T Laashin: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

 

12442833_560410520780373_1724254560_n

 

 

 

 

Shiribkan waxaa curiyay, Laashin: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal” waa shirib sida aad ka dheehanayso,  murti iyo miisaan culus, waa Shirib ka hadlaya,  waxyaabaha  dadka waxtarka u leh iyo heerka lagu gaaro,  waa wacdi iyo waano ee ka Bogasho wacan:

 

Tobban walxaato HA’ ku taal
Nin helay hodamoow fadhaa,
Waaxaana kuu haqeejihee
Tobban kaleeto HA’ ku taal,

Nin hooyadiis habiin gashoow
Duca u hurto waa hodmaa,
Waxaana kuu haqeejihee Habaar qabuhu waa holcaa.

Hoteelya ninki hooy dhisnaay
U hoyday hodamoow fadhaa,
Waxaana kuu haqeejihee
Hanti la’aano waa hinaas.

Hanuunka Eebbe ruux helee
Salaadda haybsha waa hodmaa,
Waxaana kuu haqeejihee
Hoog iyo arki maa habaas.

Ninki u hiilsha kaan helayn
Wuxuu ku hoydo waa hodmaa,
Waxaana kuu haqeejihee
Hadiisyadaad kasoo helee.

Horrin ilmaaya Hooyadood
Nin heesta hodomoow fadhaa,
Waxaana kuu haqeejihee
Haween la’aanu waa habaar.

Horwaynta geelya hartigood
Nin heesta hodomoow fadhaa,
Waxaana kuu haqeejihee
Lama is hiiftay wow heshiis.

Howl kar ninkii ah hammigiis
Iyo hankiisa waa helyaa,
Waxaana kuu haqeejihee
Hurdaaye gaarimaa hirkaas.

Ninki ku hirta hooska Diin
Waa hodan laysna haybi maa,
Waxaana kuu haqeejihee
Harka Jannaad ayow harsaa.

Ninki higaadshay ha’ qur’aan
Huud gaaray hodomow fadhaa,
Waxaana kuu haqeejihee
Heeraarka subac wow hoyaa.

Hoggaanki fiicanoon hagrayn
Dadkow horboodo waa hodmaa,
Waxaana kuu haqeejihee
Habiinya maalin wow hadraan.

“Afmeer”

Wixi hallaabay soo hilmaan
Heshiisna gala aan hurdee!”

W/C: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN