Maansada Samawada W/ T Bashiir Cali Barre

12068003_725819007550015_1370109449_n

Maansadan magaceedu waa SAMAWADA, waxaana la curiyey 01. 01. 2016 waa maanso aan ku faalleynayo, sooyaalkii aan soo marney, iyo halka aan maanta joogto, Siiyaalka na sugo, waa maanso koobsanaysa, tagto, joogto , iyo timaadoba, maansadan waxaay saadaalineysaa,   in sanadkan cusub ee billowga ah, noqdo, kii bulshada Soomaaliyeed ka samata bixi lahayd dhibaatada.

Abwaaniinta sugan iyo

Hal abuurka sare ee

Seeraha kan joogoow

Suugaantu waa maal

Ninba saami leeyahay

Iyo cood la soofsado.

Qaarbaa simoo dhiga

Siinkiyo madkeedaba

Kuwa waa ku siranyiin

Sawdkeeda maansada

Sees dhigida geeraar

Haddaan seejo marinkeed

Qaldo sadarka jiiftada

Deelqaafka iga saxa.

Aan sugo ujeedkoo

Dulucdana u saabshe

Saadaasha taydaa

Sarta kaaga qaadee

Birta soofe ii mari.

Sooyaal xumaantii

Sannadihi lasoo maray

Sifahaan ahayn iyo

Sulufkii colaadi

Samalhaadku nagu dhacay

Seranseerka iyo hoog

Kuli waan la soconnaa

Sooma noqoto weeyaan

Iyo sayma lagu reeb

God ninkii mar lagu sirey

Sayluhu qaniinyada

Sunta iyo mariidkiyo

Waabey ku sayriyey

Micida sed uga dhigay

Dib inuu u sababsado

Subax kale silici shalay

Dadyoow waa sawaabnimo.

Waxaan uga socda taa

Sannadka aynu joogniyo

Saadaasha aan qabo

Rajadaan sugayaan

Waa seerma weydiyo

Saymo hoorey oo da’ay

Dhulka saacu buuxiyo

Nabad lagu samaadiyo

Nimco aan saluug gelin.

Saxalkiyo dhibkii shalay

Siliciyo dhibaatadi

Suuq la’aanti xoolaha

Sicir bararka quudkiyo

Sahwigii la qaayibay

Sakatiyo colaadii

Siriqdi gumeysiga

Sirta iyo halgaadkii

Iyo suursanaantii

Sanad aan ka gudubno

Saxno qaladki weeyaan

Samo inaan ku waarniyo

Sinnaan iyo midnimo guud

Sanadkeedii weeyaan.

Dalku ciidan suganoo

Saanaddiyo hubkiisiyo

Sawaariikhda duushiyo

Diyaarada sunsumiyo

Sabareyn dabaashiyo

Seeftii dagaalkiyo

Sed wuxuu u yeeshiyo

Saadkiyo gunada iyo

Sabadiyo hoyaadkii

Isu saaran yihiinoo

Wax saluuga lagu arag.

Saraakiil aqoon iyo

Dhamme iyo sarreeya leh

Saantaan hoggaankiyo

Halka ugu sarraysaba

Samir bada rabshoolaha

Xididdada u siiboo

Saanyada cadaawaha

Sahmiyoo xudduudaha

Qaran dhaba salka u dhiga

Muddaan wada sugeynaye

Sahal kaan ku helilayn

Sannadkaani weeyaan.

Sannadkaan bilowgaa ”2016”

Dadku waxay sugayeen

iney sowd la dhiibtaan

Dookhooda seertaan

Hoggaan sugana doortaan

Sidey nagu yiraahdeen.

Sir cad bay ahaydoo

Socon weeysay taasiye

Sifo kale ayaa yimid

Isa seegna na dheer

Weli sahan kalsooni leh

Soomaali may helin

Rag siyaasad wacano

Seebinaaya doonida

Weli sooma ay bixin.

Siinka iyo maansada

Siibad aan u taagoo

Saameelo dulucdee.

Sabadeynu joognaa

Waa jidkii Siraadko

Sarihii fardowsaad

Ninba sahayda tiisa

Soohdimaha ku marayo

Sida biriqda oo kale

Mid u siibanaayiyo

Mid saqlihiyo orodka

Saqaafaha ku mariyiyo

Jilba socod mid jooga

Socodkii la kala badi

Ninba seeri faallee

Soomaalidu sidoo kale

Safka ay gelaysaa

Duunku wada sugaaya.

Sarcadduhu halkuu rabo

Sirgaciyo xumaatada

Kala sibiqsanaantiyo

Seegseega nagu dhacay

Mayska sayrinaayoo

Sareediyo wanaag iyo

Saamax iyo is maqaliyo

Midnimadoo la saabshiyo

Qarannimo ma seesnaa?

Curiye: Bashiir Cali Barre

Ammin: 01. 01. 2016

SHEEKOOYIN