Maansada: Addoon Saafiyaan ahay Curiye: Maxamed Xerow

unnamed

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maansada   Addoon saafiyaan ahay.

Maansadan magaceedu waa  ADOON SAAFIYAAN AHAY,  waxaa curiyey   Maxamed xerow, ujeedka iyo  Dulucda waxaad ka helaysaa

Maansada gudaheeda bogasho wacan:

 

 

â–  Saaqid maana noqon wali
â–  Sara joogna kamaan cabin
â–  Sixiroole maan noqon
â–  Saatirkana ma caasiyo
â–  Ma sahwiyo salaadaha
â–  Soonkana ma dheefsado

â–  Sidduu eebe yirri iyo
â–  Addoon saafiyaan ahay
â–  Suuradaha quraankiyo
â–  Sunnadaan ku fanaa
â–  Sadaqada ma dhowrsado
â–  Sedkoow eebe ii qoray
â–  Sekadaan ka bixiyaa

â–  Siladana waan xariirshaa
â–  Si yarbaan u booqdaa
â–  Sakaraad midkii qaba
â–  Sow mana yara qaban
â–  Suubanuhu intuu yirri?

â–  Haddaba waa suaal yare ?
â–  Kuwa seefta ula baxay
â–  Sujuudana ku toogani
â–  Sarahana ku miineeyn
â–  Sara jooga kugu dili
â–  Adoo saxaya towxiidka
â–  Subxaankana ku qowlayo
â–  Gaalnimadana kugu saxi
â–  Siduu xaalku ula tagay ?!

â–  Sirta maana garan wali
â–  Cidda sahalka ugu tirri
â–  Saxda waad ku socotaan
â–  Qalad maba sameysaan
â–  Waxaad soo qortaan uun
â–  Sadar yaan la dhaafsiin
â–  Kii maaha saan dhaha
â–  Diinta wuu ka siibtaye
â–  Saacad yuuna noolaan !

â–  Hadaa tahay suldaan iyo
â–  Madaxweyne saalixa
â–  Siirada midkii baray
â–  Caaqil saafiyoo wacan
â–  Garaaad dhaqanka suubiya
â–  Shiikh cilmiga seeyriya
â–  Macalin suuradaha dhiga
â–  Waxaa tahay safiih iyo
â–  Sixun meel u joog iyo
â–  Illaah seerihiis jarray !

â–  Miyeey sadriga kuba qaban
â–  Siraadkii unuu jirro
â–  Jahanabana seereyn
â–  Suaalihii la weydiin
â–  Halkaa saanta birri dhigtay
â–  Sax iyo qalad waxeey tahay
â–  Siyar loogu weeleeyn
â–  Sumuna laga hilmaameyn
â–  Sadna looga dhigi hayo
â–  Birri waxey sameeyeen ?

â–  Mase waxeey salbaarteen
â–  Dunida ina laga salguureeyn
â–  Waligeed socdaal tahay
â–  Silsilado aan dhamaan iyo
â–  Sanado kala sareeyoo
â–  Midba saban u dhiibiyo
â–  Mulki abid ana suuleeyn

Curiye: mohamed herow

SHEEKOOYIN