Shiribka Toddobaad Halxidhaale ah iyo Jawaabihiisa W/D Cabdi Nuur Waddani.

quotescover-JPG-55

 

 

Shiribka Toddobaad,  Halxidhaale iyo Jawaabihiisa  W/D  Cabdi Nuur Waddani.

Waa  shirib hal xidhaale ah, waxaana isugu hal celinaya,  Saddex  Laashin,  ugu  horreyntii waxaa billaabay hal xidhaalaha laashin Cabdi Nuur Waddani waxaana kasoo jawaabaya laba laashin ee kala ah, Laashin Mahdi Cali Waydaw iyo Laashin Ibraahim Cali.Laashin Cabdi Nuur Waddani ayaa billaabayoo asigoo laashimiinta hal xidhaaleynaya wuxuu yiri:

 

11753272_407581792785865_4043140117631554681_n

Toban walxaato ta ku taal

Haddaad taqaano iin tilmaan,

 

1: Toban hallaad anaan tarmeyn

Haddaad taqaano ii tilmaan,

 

2: Taliye aan hal tuur lahayn

Haddaad taqaano ii tilmaan,

 

3: Toban ragoon wax kuu tarayn

Haddaad taqaano ii tilmaan,

 

4: Tub qura niman taaganoo

Is taaba karin ii tilmaan,

 

5: Qofaan tukanin toog salaad

Jannadda tegay ii tilmaan,

 

6: Toban mitir wax taaganoo

Tagoogta gaarin ii tilmaan,

 

7: Tan owsan qaadin toosan geel

Sagaarna tebin ii tilmaan,

 

8: Timira hooyo ood taqaan

Tol aan lahaynin ii tilmaan,

 

9: Tooreey naf aad ku taabanoo

Tafsiir xalaalshay ii tilmaan,

 

10:Tubaal nin lagu tuurayoo

Tebin kuleylna ii tilmaan,

 

nikax

 

Ta’ley shirib adoon tireyn

Tala miyaa rag isku taag,

 

Laashin cabdi nuur markii uu hal xidhaalahaas dhigay, waxaa la waayay qof durba kasoo jawaabta, waxaase cabbaar ka dib, isku taxalujiyey oo dedaal badan ku bixiyey inuu furo halxidhaalihii, laashin Mahdi Cali Waydow, ka dib markuu arkay in la gaabsaday furitaanka hal xidhaalaha, laashin Mahdi asigoo raba inuu jawaabo laakiin iska hubinaya horta inuu fasax u qabo iyo in kale ayuu yiri.

 

Ta’laydi tiih xunay dhashee

Sidaan tuhmaayo muu tirshaa?

 

laashin Mahdi markow intaas yiri, waxaa usoo jawaabay saaxibkiis Cabdi nuur, asigoo u sheegaya inuu fasaxanyahay sida ay la tahayna uu su’aalaha uga jawaabi karyo, wuxuu yiri cabdi nuur:

Sidaad tuhmeeyso waa tehee

U tiri laga teec dhigyee,

Isla markiba laashin Mahdi ayaa soo jawaabay asigoo weliba inta badan su,alaha ka jawaabay: wuxuu yiri

12498509_453601631517214_1102736197_n-2

1: Toban hallaad anaan tarmayn

Tuksiya awrkiyeey tebee,

 

2: Taliye aan hal tuur lahayn

Waa tiirka raggu ka tarmaan.

 

3: Toban nimoon wax kuu tarayn

Waa tala laawayaale tuur.

 

4: Tub qura niman taaganoo

Istaaba karin toosanaa, ( waa geesa lo,aad)

 

5: Niman tukanin toog salaad

jannada tegey waa tabiid, (cumar binu taabit rc)

 

6: Toban mitir wax taaganoo

Tagoogna garin waa tub taas.

 

7: Tan owsan qaadin toosan geel

Waa tinta gees sagaar ku taal.

 

8:Tol,aan lahaynin hooyo toos

Tobanka malag muu taqaan,

 

9: Tubaal nin lagu tuurayoon

Teben kuleylna toosanaa, ( waa nabi ibraahim Cs)

 

10: Tooreey dheefaad ku taabanoo

Tafsiir xalaal shay waa timsaax. ( waa mallaay)

nikax

 

Waa taas siday ila tehee

Tifa tir hee adaa tafee,

Laashin Mahdi Cali (waydow) markuu jawaabtaas bixiyay waxaa isna yimid isagoo xoojinaya, laashin Ibraahim Cali asigoo hal su’aal maahee inta kale ka wada jawaabay,wuxuu yiri laashin ibraahim cali:

 

12460072_487965644741741_2033283650_n

1: Toban hallaad annaan tarmayn

Tug iyo ratiyeey tebee,

 

2: Taliye aan haltuur leheen

Tilmaantu carabkey agtaal,

 

3: Toban nimoon waxkuutareen

Waa taarigaa agteyda taal,

 

4: Tubqura niman taaganoon

Istaabaheynin lama tiir,

 

5: Cumerki taabit toogsalaad

Mataaban jinadow tegaa,

 

6; Toban mitir waxtaaganoon

Tagoogta gaarin tub ahaa,

 

7: Tagoogka jabtay toorsagaar

Ma tebyo geelna waa tugsaa,

 

8: Timiro hooyo tol dhamoon

Lagu tilmaamin taabamaa, ( ma aqaan)

 

9: Tooreey malaay ku taabamaa

Tolkune waa u tar tanyaa,

 

10: Tubaal ninlagu tuurayoon

Tebin ibraahim muutaqaan, ( nabi ibraahim cs)

 

 

nikax

 

Ta,leydi shirib waa tirshee

mahaan ka tegay ii tilmaan,

 

 

 

intaas ka dib waxaa dib ugu soo laabtey, Laashin Cabdi nuur oo asigu ahaa ninka halxiraallaha keenay, waxaa oo u jawaabaya labada laashin marka u horreysa waxuu u jawaabaya laashin Mahdi Cali (waydow) wuxuuna u sheegayaa inta su’alood ee uu ka jawaabay iyo inta uu waayay,

 

11753272_407581792785865_4043140117631554681_n

 

wuxuu yiri cabdi nuur, asigoo laashin mahdi la hadlaya,

 

 

1: Toban hallaad anaan tarmayn

sidaad u tiriseey u taal, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

2: Taliye aan hal tuur lahayn

tilmaan u waysay taaganoow, ( kama jawaabin)

 

3: Toban ragoon wax kuu tarayn

inaad ka tagtayaan tiraa, ( kama jawaabin)

 

4: Tub qura niman taaganoon

Is taaba karin waa tabtaas, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

5: Qofaan tukanin toog salaad

JanNada tagay waa tabtaas, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

6: Toban mitir wax taaganoon

Tagoogta gaarin waa tabtaas, ( waa sidaad uga ajwaabtay)

 

7: Tan owsan qaadin toosan geel

Sagaarna tebin toosi diid, ( kama jawaabin)

 

8: Tol aan lahaynin hooyo toos

Talaahi waa sideey tebee, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

9: Tubaal nin lagu tuurayoon

tebin kuleylna waa tabtaas, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

10: Tooreey dheef aad ku taabanoo

Tafsiir xalaalshay waa tabtaas, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

nikax

 

tobanki xujo oo taxneed

tifyar ka reebtay taaganoow,

 

Waxaa haddana mar labaad kusoo laabtay Cabdi nuur, asigoo markaan haddana u jawaabay saaxibkiis, laashin Ibraahim Cali una sheegaya inta su’aalood ee uu asna ka jawaabay iyo inta uu garan waayay,wuxuu yiri Cabdi Nuur asigoo la hadlaya laashin Ibraahim Cali,

 

1: Toban hallaad anaan tarmeyn

Tilaamtay adna taaganoow, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

2: Taliye aan hal tuur laheyn

Sidaad tilmaantayeey tebbe, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

3: Toban ragoon wax kuu tereyn

Taarig salaadka waa tebee, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

4: Tub qura niman taganoon

istaaba karin waa taqaan, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

5: Qofaan tukanin toog salaad

Jannada tegey waa taqaan, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

6: Toban mitir wax taaganoon

Tagoogta gaarin waa taqaan, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

7: Tan owsan qaadin toosan geel

Sagaarna tebin waa taqaan, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

8: Timira hooyo tol dhamoon

Lagu timaamin toosanaa, ( waa maalaaig sida laashin mahdi uga jawaabay)

 

9: Tooreey nef aad ku taabanoo

Tafsiir xalaalshay waa taqaan, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

10: Tubaal nin lagu tuurayoon

Teben kuleylna waa taqaan, ( waa sidaad uga jawaabtay)

 

 

iga tirsada tolkiyoow

turxaan la,aan idiin trshee,

 

 

Shiribka waxaa curiyey:

Laashin Cabdi Nuur Waddani

Laashin Mahdi Cali (Waydoow)

Laashin Ibraahin Cali.

 

SHEEKOOYIN