Shiribka Toddobaadka Dood dhex martey Madaxweynaha iyo Laashin Ibraahim

 

quotescover-JPG-37

Waa shirib dood ah oo  dhex martay

 

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Afhayeen  Dadweynaha Soomaaliyeed  Laashin Ibraahin Cali, Laashinka oo madaxweynaha ka wareysanaya wixii u haggaagay iyo waxii u qabsoomay intuu xilka hayey iyo Madaxweynaha oo isaguna Laashinka weydiinaya  cida u  igmatey  jaggada Afhayeenimada,  ugu dambayn  dood qurxoon oo dhex martey ayaa sidan u dhacdey ee  bogasho wacan.

 

 

Laashinka;

  • Afar sanood amiir eheed
  • Xaad eertay xaasa kuu ahaay?

Madaxweynaha;

  • Xaan eeraa xaansa aakidaa
  • Inkaar qaboodhiney arkee

Laashinka;

  • Afar biloodya in yaraa
  • Kuu aasane ujeeddo keen?

Madaxweynaha;

  • Adduunyo weysu ektehee
  • Afar kalaan intuu rorgaa

Laashinka

  • Dadki intaad amiir eheed
  • Ku eeday ma oggolyihiin?

Madaxweynaha;

  • Ewel adigu yaad eheed
  • Waaba is ku ajarannee?

Laashinka;

  • Umaddaad u amiir tahaan
  • Anna u ahay afhayeen

Madaxweynaha;

  • Anwaaba leygu ogyehee
  • Yaa kuu ishaaray afhayeen?

Laashinka;

  • Illaahi weynya anigoo
  • Is iri waa ahaa kartaa

Madaxweynaha;

  • Amaad ulaan ushaa eheyn
  • Aaranka ku aroorisaa?

Laashinka

  • Indho adkaa nin aabbihiis
  • Us yiri ma ekeysanee!

Madaxweynaha;

  • In aan ajarmay waa arkee
  • Ewel adigu yaad eheed?

Laashinka;

  • Igaarki ku atooriyoo
  • Ku ula saarayaan ahaay!

Madaxweynaha;

  • Aankuu abaal gudee imaad
  • Afarkalene ololeey!

 

Dhammaad.

Curiye: Laashin Ibrahim Cali

SHEEKOOYIN