Jankis Khaan Q3AAD W/D Axmed Xaayoow

quotescover-JPG-81

 

 

 

 

 

 

 

Jankis Khaan Q3AAD

 

Isbarbardhiga Mongolia Qarnigii 12aad iyo Soomaaliya Qarniga 21aad.
Taariikhdii Jankis Khaan.

Sanadii 1171kii markii uu gaaray Tiimojeen 9 sano, ayay ugaarsi wada aadeen isaga iyo aabihii Yasogaay, si uu wiilkiisa tabarka ugu dhameystiro una fiiriyo kartidiisa.
Tiimojeen wuxuu fallaar ku ganay Deero, laakiin markii ay deeradi u yimaadeen isaga iyo aabihiis, waxay arkeen iyadoo ay laba fallaarood ku taalo iyo wiil soo qeeylinaayo oo leh: “jooga Deeradu waa teeydi” Tiimojeen ayaa ugu jawaabay: “laakiin fallaarteyda ayaa Deerada ku dhacday marka hore”.
Zamuhaa ayaa ku dooday: “waxaan Deerada ka asiibay dhanka dambe oo ay fallaarteydu kaga dhacday” Tiimojeen ayaa yiri: “anigana waxaan kaga dhuftay Madaxa, taa mecneheeduna waa anigaa Deeqada leh” Zamuhaa ayaa yiri: “haddii aanan xagga dambe ka asiibin, Deerada maba aragteen”.
Tiimojeen iyo Zamuhaa waxay ku hishiiyeen in ay lagdamaan, oo kii dhulka wax dhitaa uu Deerada wada qaato, Yasogaayna wuu iska daawanaayay waxa ka dhexeeya labada wiil ee isku faca ah, markii ay isqabsadeen waxaa dhulka lala dhacay Zamuhaa, balse Tiimojeen oo u sii socda dhanka Deerada ayuu Zamuhaa ku yiri: “u kaadi” Tiimojeen ayaa ku dooday: “ma waxaad ka baxday ballanti”.
Zamuhaa ayaa yiri: “waxaan ku iri haddii aad iga guuleeysato ee masheegin tirada jeer ee dhulka leys dhigaayo” ka dibna intuu lugaha ka qabtay ayuu dhulka ku riday Tiimoojeen, wuxuuna u raaciyay: “hadda waxaa noo haray wareegi guusha cidda ay raaci laheyd”.
Marki dambe Zamuhaa oo laga guuleystay tii ugu dambeysay ayaa yiri: “waa iga adkaatay, waayahaana waan xanuunsanaa, laakiin mar kale ayaan legdami doonaa”.
Yasogaay oo qoslaaya ayaa wiilki ku yiri: “magacaa, reerkeedna tahay?” Zamuhaa wuxuu yiri: “aniga magaceyga waa Zamuhaa, qabiilkeeyguna waa Zaadalambuuda, laakiin idinku waa na xaqirtaan, waxaadna tiraahdaan, waxaad tihiin ilmo aan sharci aheyn, waadna na yastaan”.
Sidaas ayuu Zamuhaa ku dooday isaga oo careysan, laakiin Yasogaay ayaa ku qanciyay: “Zaadalambuuda waa dad reer Magool ah sida shacabka Boorsijiinka oo kale”.
Zamuhaa oo sii dhaqaaqaaya ayaa yiri: “waxaad isu haaysataan in aad ka soo jeedaan caa’ilo Dahab ah” ka dib waxaa u yeeray Tiimojeen oo ku yiri: “raalli maka tahay in aad walaal ila noqoto?” wuxuuna u raaciyay: “waayoo waxaad tahay mid karti leh oo xoog leh, annigana waxaa ila dhashay 5wiil oo aan karti kugu dhameyn”.
Zamuhaa wuu ka ogolaaday, waxayna labada daan ka kala qabsadeen fallaar ay isugu dhaarteen inay walaalo yihiin, midba midka kale uu walaal la yahay, ka dibna waxay isdhaafsadeen laba hadiyadood, Tiimojeen wuxuu qoota u geliyay Zamuhaa mid ka sameysan dhagaxa boronziga, halka uu Zamuhaa dhagax aan qaali aheyn uu qoota u geliyay kuna yiri: “saaxaabtinimadaada iyo walaatinimadaada ayaa igala qaalisan dhagaxa boroonziga”.
Yasogaay ayaa ugu hambalyeeyay hishiiska wallaaltinimo ay wada gaareen wuxuuna ku yiri: “qeybsada Deerada” markaa ayay laba cad u kala qaateen.

Markii ay guriga yimaadeen Tiimojeen iyo Aabihiis, waxaa loogu bishaareeyay inay Hooyo Kaarlin dhashay,Tiimojeen hooyadiis waxay dhashay isaga iyo seddex wiil oo kale oo la kala yiraa Khasar iyo Temuge iyo Kajiun iyo gabadha hadda u dhalatay oo loo bixiyay Temuleen, waxaa kale oo la dhashay laba wiil oo kale kuwaas ay naag kale u dhashay Yasogaay oo lakala yiraahdo Bektier iyo Belgute sidaas oo ay 5 wiil iyo gabar kula dhasheen Tiimojeen.
Yasogaay oo uu ag fadhiyo Tiimojeen, ayaa Kaarlin u sheegay inuu rabo wiilkiisa inuu gabadh u soo Alkumo, inta deganaashaha iyo dagaal la’aanta lagu jirana uu gaaro Qabiilka Ongela, reerkaa uu jecel yahay in uu wiilkiisu ka guursado, laakiin Kaarlin ayaa ku dooday inuu wiilkeedu weli yar yahay, balse Yasogaay ayaa u sheegay inuu wiilkiisu Farda fuulka iyo liishaanka Fallaarta iyo kunfuuga uu ku fiican yahay, ayna tahay xilligi loo alkumi lahaa, Kaarlin ayaa tiri: “laakiin 9 sano ayuu jiraa oo weli diyaar maaha” Tiimojeen ayaa la soo booday: “diyaar ayaan ahay” Kaarlin ayaa tiri: “reerkeena Ongela caadadoodu waa inuu ninku la joogo hal sano gabadha loo alkumay”.
Yasogaay ayaa yiri: “dhaaf wiilkeenu wuxuu muddadaas soo qaadanaa tababar adag, wuxuuna soo noqonaayaa isagoo xoogeystay” markaa waxay go’aansatay Kaarlin inay ku raacdo talada ay gaareen.

Isla sanadkaas 1171ki ayay Tiimojeen iyo Aabihii u shiraadeen dhanka Qabiilka Ongela, siduu ugu soo alkumi lahaa xaaska wiilkiisa curadka ah, Hooyo Kaarlin waxay wiilkeeda ku sagootisay biyo tahliil ah iyadoo ka murugeeysan sanadka uu ka maqnaan doono sida caadada ah, safarkii ayaa laysu diyaariyay waxaana hore u sii raacay gacanyarihiisa Toluu, laakiin Kaarlin ayaa ku tiri: “Yasogaay waxaad soo mareysaan dhulka Tataarka ee ciidan badan hore u sii wado”.
Wuxuu ku yiri: “xilli aroos ayaan ku jirnaa, Rabbina waa na ilaalinayaa oo dhib ma leh” Kaarlin ayaa ku sagootisay inay digtoonaadaan iyadoo biyo kadaba daadineeysa.

Habeenimadi markii ay dhaafeen dhulka Tataarka, ayay meel sii seexdeen, Tiimojeen iyo Aabihii iyo Toluu gacanyarihiisi khaaska ahaa, habeenkaas ayay Talihotaay Ayeeyadiis ku tiri: “Yasogaay wuxuu soo noqoshadiisa soo mari doonaa dhulka Tataarka, fursadaas maxaad uga codsan la’dahay in Tataarku ay ka takhalusaan?” Talihotaay ayaa yiri: “Ayeeyo ma waxaad rabtaa in aan kaalmo weeydiisano Tataarka oo neceb dhammaan reer Maguul” Ayeeyadii ayaa ku canaanatay: “maxaad doqon aan wax ogeyn tahay” Talihotaay ayaa yiri: “waa kugu raacay ayeeyo” wuxuuna u diray Tataarka nin raggiisa ka mid ah si loo fuliyo khaarijinta Yasogaay una wargeliyaan in uu dhulkooda soo maridoono.

La soco. ………..4aad.

SHEEKOOYIN