Sheekadii SODDOHO Q. 8aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Inta Daahir uu ku maqnaa Qoryooleey ayuu Aabihii guriga soo wacay, waxay hooyo Barni u sheegtay in ay Codweyn guriga timid iyo waxa reerka ay ku dhigtay, waxaa kale oo ay u sheegtay in uu Daahir u qaaday kiish ay uga tagtay aqalka bannaankiisa.

Aabe Xaaji Cabdi oo carooday ayaa yiri: “islaantaa mar dambe haddii ay guriga timaado, saldhiga ha loo waco, anigana hadda ayaan la hadlaa taliyaha saldhigga Wardhiigleey” wuxuu hadalkiisa raacsaday: “Daahir u sheega in aan caawa soo wacaayo ee ha i sugo”.

Ayadoo fiidnimada la wada fadhiyo qolka fadhiga, ayuu yeeray dhawaaqa telefoonka, waxaa ka qabatay Baariis oo tiri: “haa, Daahir wuu joogaa” telefoonki ayay Daahir ku wareejisay.

Aabe Xaaji Cabdi ayaa wiilkiisa ku canaantay khasaarihi ay reerka u geysatay Codweyn, wuxuuna ka waaniyay in uu ka haro gabadhaas ay dhashay islaanta reerka soo weerartay.

Ugu dambeynti wuxuu ku yiri: “islaantu waa islaan uu damac ka haayo xoolaha reerka, mana aha islaan loo dulqaadan karo, waayoo waxay rabtaa in aad inan la yaal u noqoto ee ma rabto in ay gabadheeda nagu soo wareejiso”.

Daahir oo dhegeysanaayay ayuu Aabihii yiri: “halo, Daahir may maqleysaa?” markuu ugu jawaabay: “haa Aabe” ayuu ku yiri: “ma iga ballan qaaday in aad gabadhaa ka hareyso?” Daahir markuu yiri: “maya Aabe” ayuu telefoonkii demiyay Aabe Xaaji Cabdi oo ka carooday diidmada Daahir.

Samaacadi telefoonka ayuu u dhiibay Baariis, markay ka qaaday ayay dhowr jeer “halo” tiri, cid u jawaabta marki ay waysay ayay Daahir ku tiri: “wada hadalki Aabe ma idiin dhammaaday?” Daahir ayaa yiri: “haa”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “haa iyo maya uun baan kaa maqalnaye, maxaad ku wada hadasheen?” markaa ayuu mar kale telefoonki soo dhacay, Daahir marki loo dhiibay ayuu Aabihii weydiiyay sababta uu uga hari la’ yahay islaanta gabadheeda.

Daahir ayaa yiri: “Aabe dhankaaga waa ku dhegeystay, waxaana kaa codsanaa in aad i dhegeysato oo aad telefoonka deminin” Aabihiis ayaa ku yiri: “hadal, hore u soco oo waxa aad sheegi laheyd sheeg”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo Cambaro waxay dhashay seddex gabdhood oo mid la qabo, Aabe Shuceybna wuxuu uga dhintay beer, taasoo ay hooyo Cambaro ilmaha ku korsato, hal geed oo cambe ah oo si fiican ugu soo go’a, ayaa sanad ku filan ayada iyo carruurteeda” hooyo Barni intaa markay maqashay, qolka way ka baxday, waxaana sii raacday guri u dambeysteeda Baarliin.

Daahir intuu cabbaar aamusay ayuu yiri: “faahfaahintaa waxaan ula jeedaa in aad ogaato hooyo Cambaro in ay xoolo doon aheyn, waxaana kuu caddeyn kara in ay dahabki noo soo celisay, dahabkaas oo afar gabdhood lagu guursan karo”.

Wuxuu hadlkiisi sii raaciyay: “maanta waxay guriga u timid in ay soo dhammeystirto wixi xageeda nooga maqnaa, waxayna keentay dharki loo geeyay ayada iyo gabdhaheeda, waxba kama soo tegin kol ay ku tahay xoogaa laga gooyay suunka oo ay Raxmo walaasheed ka sameysatay katiinad iyo dhego, xataa buraashki cadayga waa soo celisay”.

Daahir oo ilmo indhihiisa ku soo joogsatay ayaa yiri: “hooyo Barni ayaa gabadheeda wax ka sheegtay, middaa ayaana keentay in ay iskaga difaacdo, gabadheedu in ay aheyn sida walaasheen Basra oo ay nin la baxsaneyn”.

Daahir ayaa yiri: “Aabe, waxay hooyo Cambaro rabtaa in ay gabadheeda siiso nin ay ku aamini karto, waayoo subaxdi marka ay dugsiga aadaan, ayay hooyo Cambaro beerta aadaa, si ay ugu shaqeyso carruurteeda wixi ay cuni lahaayeen marka ay dugsiga ka yimaadaan, sida aad adigaba noogu soo shaqeyso wixi aan cuni laheyn”.

Daahir ayaa hadalkiisi ku soo gunaanaday: “Aabe ii sheeg haddii aan u qalmin in aan noqdo ninka ay hooyo Cambaro la dooneeyso gabadheeda”.

Daahir ilmaa ka soo daadatay, waxaana ilmada ka tirtay Baariis oo ku tiri: “aboowe, waad u qalantaa, waana tahay ninkaas, anigaana kula jira”.

Aabe Xaaji Cabdi ayaa yiri: “waxaan mudadanba sugaayay dhagxaan qaali ah oo Afrika laga keenaayo, kuwaas oo aan rabay in aan ku dadaalo sidi aan u iibsan lahaa, waayoo waxaa iigu jirta lacag badan oo aan Yurub uga sii iibsan karo, hadda waxaa igala qaalisan in aad guursato, sidaa daraadeed waan soo baxaayaa, si islaanta aan ula hadlo”.

Daahir ayaa yiri: “Aabe, waad ku mahadsan tahay taageerada aad fidineyso, laakiin waxaan kaa rabaa in aad soo bixin, oo aad howshaa aniga ogaato, waayoo ma rabo in reerku soo fara geliyo, ilaa aan anigu ka soo dhammeeyo” Aabihiisna wuu ka aqbalay.

Baariis ayaa walaalkeed ku tiri: “aniga maxaan kuu tari karaa?” wuxuu ku yiri: “adiga waxaad la saaxiibtaa Aamina Shuceyb, si ay nooga kaalmeeyso hooyadeed” Baariis ayaa tiri: “Aamina waxay ii sheegtay in ay degan tahay Xamar weyne, laakiin gurigeeda ma aqaano”.

Daahir ayaa ku yiri: “gurigeeda aniga ayaa kuu tilmaamaayo, balse marka hore, hooyo waxaad ka qaadaa katiinadi iyo dhegihi laga soo qaaday Aamina, si aad ugu geyso, ka dibna qorshahaaga aad ugu sheegto” sidaa ayay ku heshiiyeen Daahir iyo walaashiis.

Kulanki Aamina iyo Baariis ka dib ayay Aamina soo aaday hooyadeed, waxayna ku soo hadal qaaday sheeko ay ka nasatay dhowr maalmood, hooyo Codweyn ayaa ku tiri: “warkaas waa ka reysanay ee adiga maxaa kugu cusub?” Aamina ayaa tiri: “waxaa ii timid Daahir walaashiis Baariis, waxayna ii sheegtay in ay reerka raali ka yihiin in uu Daahir idinla soo dego, oo gurigaan ay ku aqal galaan”.

Codweyn waxay si fiican u fiirisay wejiga Aamina, waxay aragtay in ay wadato katiinadi iyo dhegihi ay reer Xaaji Cabdi u celisay, markaa ayay tiri: “xagee ka keentay dahabkaan?” Aamina markay u sheegtay in ay Baariis ugu keentay hadiyad ahaan, ayay hooyo Codweyn tiri: “maanaan garan in lagu soo laaluushay” waxay sii raacisay: “fur katiinadda iyo dhegeheeda” Aamina oo ku dooday in la siiyay, ayay Codweyn intay soo istaagtay kadiinadda ka soo gooysay, ka dibna waxay ku tiri: “dhegahana ma kugu soo gooyaa, mise waad soo furee?” Aamina hadal la’aan ayay ku soo furtay.

Codweyn ayaa tiri: “mar dambe reerkaas wax ay raad ku leeyihiin haddii aan kugu arko, adigteeyda dambe ma imaaneeysid, haddana soco gurigaagi u noqo!”.

Codweyn waxaa maalintaas oo dhan madaxeeda ka dhex guuxaayay reer Xaaji Cabdi, waxaana sabab u ahaa dahabka faraqeeda ku xiran oo ay Aamina ka qaaday, kaasoo haddii aanay dib u celin ay reerka xasuusaneeyso, waxay tala ku gaartay in ay celiso, si raadkooda u baaba’o.

Waxaa kale oo ay soo xasuusatay lacagti reerka kaga baxday xoolihi gurigeeda lagu qalay, intay xisaabtantay ayay u qoondeeysay 8000 kun oo shilin, waxayna sanduuqa keydkeeda ka soo saartay lacag, taas oo kala ah 100 waraaq oo min 50 ah oo isku ah 5000, 100 waraaq oo min 20 ah oo isku ah 2000 iyo 100 waraaq oo min 10 ah oo isku ah 1000, sidaana ku wada ah 8000 kun.

Sida caadada u aheyd, Codweyn waxay usheeda ku soo garaacday ganjeelada reer Xaaji Cabdi, ayadoo markaan ka xanaaqsan in loo soo adeegsado gabadheeda Aamina, ayadoo qeeylineysa ayay tiri: “fura albaabka, fura oo soo wada baxa bannaanka”.

Codkeeda markii la gartay ayay Baarliin waxay wacday saldhiga, hooyo Barni ayaa ilinka ka furtay, Codweyn ayaa u dhiibtay dahabki iyo lacagti.

Hooyo Barni intay fiirisay waxa Codweyn u dhiibtay, ayay ku tiri: “waa maxay lacagta iyo dahabka aad ii dhiibtay?” Barni oo moodeeysay in ay leedahay Daahir ayaan idiinka iibsaday, ayay Codweyn tiri: “dahabka waa kii aad laaluushka u soo siiseen gabadheeyda Aamina, si uu wiilkaagu noogu noqdo inan la yaal, lacagtana waa tii idiinka baxday labadi duco ee lagu qabtay gurigeeyga”.

Barni ayaa ku soo tuurtay lacagti iyo dahabki, waxayna ku tiri: “xoolo kumaynaan weydiisan, gabarna kaama dooneeyno ee xaafadda noo nabad geli” ayadoo ganjeelada xiran rabta, ayay Codweyn ugu dhex tuurtay dahabki iyo lacagti, waxayna ku tiri: “muslin Alloow markhaati ka noqda in aan xooliheedi siiyay”.

Isla mar ahaanti waxaa Codweyn qabtay ciidamo saldhiga ka yimid, kuwaas oo arkaayay in ay guriga wax ku tuureeysay, markay Codweyn weydiisay sababta ay ku qabteen, ayuu sarkaalki ciidamada watay wuxuu ku yiri: “ashtako hore ayaa lagaa soo gudbiyay, iminkana waxaan arkeynay adigoo guriga wax ku tuuraayo” Codweyn ayaa tiri: “guriga waxa aan ku tuuraayay weydiiya dadka degan ama dadka bannaanka joogay oo markhaatiga ah”.

Albaabka markay garaaceen, waxaa ka furtay hooyo Barni oo gacanta ku sida dahabki iyo lacagti, intay soo baxday ayay u taagtay Codweyn, laakiin ayadoo aan ka qaadin ayay ku tiri: “waa xoolahaagi ee haayso” ka dib waxay ciidamadi u sharaxday sababta ay hantidaas ugu soo celisay reerka.

Hooyo Barni oo ku doodeeysay in ay islaanta wax hanti ah ku laheyn, ayuu sarkaalki weydiiyay in ay Qoryooleey xaflad nikaax ku dhigeen iyo in kale, markay hooyo Barni qiratayna, wuxuu ku yiri: “islaantu way saxan tahay, haddii ay idiin soo celisay kharashki xafladaha ee qaado xoolahaaga” waxaana la sii daayay Codweyn oo ku dhaaraneysa haddii uu wiilkeedu yimaado gurigeeda, in uu xabsi cimrigiisa ku dhammeysanaayo ama ay dhiigiisa daadineyso.

Daahir marki loo sheegay waxa dhacay, wuxuu gartay in uu dhicisoobay isku daygi loo adeegaanaayay Aamina Shuceyb, dantuna ay ka fursaneyn in uu asaga howshaas u istaago.

 

La soco. …..9aad.

 

 

SHEEKOOYIN