“Afka Hooyo” Hees Cuirye: Bashiir M. Xersi

uuuuu “Afka Hooyo” Hees Tixdan “Afka Hooyo” waxaan ku maamuusayaa Hooyadeey F. X. C, oo in ay hadalka iyo hawraarta i bartay ka sokow, hadaaq badan ka dib, wali ii ah qaamuus iyo marjic, aan erayada iyo u la laabto, wixii afka igu adkaada. Maanta waxaa la xusayaa maalinta adduunka ee afka hooyo, oo aan uga qaybqaadanayo tixdan kooban, ee aan uga hadlayo afka. Haddaba, tixdii waxay ku billaabatay sidan: “Afka Hooyo” Hees Umadi aqalkeeda Udubka Dhigihiisa Aloolkiyo cawska Afsaarka albaabka Halkaw ka abqaalmo Amaw ka abuurmo Dadow afka waaye. Afkoo la ilaalsho Awood iyo xoogba Itaal u ma baahna Adoo is xilqaama Arradka ka dhawra Inaad u adeegto Ayaa u ah oontir Eregta ka dhaafto Amaah af kaleeto Ayuu ku tarmaa. Afkood isticmaasho Idan u ma baahnid Adaa amarkiisa Ka talin arrintiiye Adoo ambaqaado Ayaa u ah oontir Eregta ka dhaafto Amaah af kaleeto Ayuu ku tarmaa. Sideeda Abbaayo Abboowiyo Huunno Afkaanu wuxuusan Astaalihin maanta Inay hesho aafo Dadkaanu illoobo Amaba alif leexsan Aqoon xumo keento Arboow ka ilaalsha Dadkoo ambaqaada Ardaasan ku dhawra Ayuu ku tarmaaye. Afkeenna qoraalka Intuu is ku raaco Shibbane idilkiisa Shaqalka i su keena Eraygii labalaabma Ableynta dhigaalka Xarfaha la adkeeyo La dhigo isirkooda Iyagoo labalaaban U qora ururtooda Aqoosha hikaadda Ogaalka ku qaabi Erayga nacfigiisa Markaad aqrinayso Adoon ku asqoobin Awaal bixintiisa Mucdana ka irdhoobin Adkeynta habkiisa Haddaadan ishaarin Wuu kaa ambadaaye Abaabul afkeenna Ilaali qoraalka. Adoon addin beelin Lixdaada Ilaaheey Ku siiyey Abboowe Haddaan iba gooyo Abuurka dhimaalo Sideedaba iinta Admaa i su keenay?! Astaamaha kooban Dhigaalka ekaaya Alooska wanaagsan Adoon degdegynin Ilduuf ka ilaali Ha aasin xuruufta Xaqooda ku aabbur. Alhuumada taalla Araxdiyo Beerka Urugta naga buuxda Ayaamo na dhaafay Illaa iyo maanta Ubadka dadkeennu Afkiiba ka leexde Ajnabi luqaddiisa Ingriisya Talyaani Umadda lagu loogay Ku oognay dhigaalka Af kiisa qalaadna Ilbaxnimo moodnay. Carabta alifkeeda Abuu waxay keentay Inaan asalkeenna Abuullanka diidno Abkeenna fogaynno Illownno dadkeenna Umadda dhaqankeeda Ayeeyo la ciilo Awoowe la tuuro Abtina laga reebin Adeerna la gooyo. Ninkaan amakaagin Adduun ba ma joogo Intaan indhahaaga Argagaaxa haysta Arkaayo abboowe Ilmadu i ma dayso. Ma joogo agtaada Haddana uurkaygu Wuxuu oogadaada U yahay unug xooggan Inkaarta ka daayoo Afkaanu afkiibuu Sidiisaba eeday! Agoonnimo ciilka Adoo ka koraaya Ha tuurin astaanta Abboow eraygayga Ujeedka warkayga Haddii an abbaaro Waxaan uga jeedo Hortaada ma eegtay Alaabta ku daadsan?. Adduunyo adduunyo Ninkii ambanaaya Iridda ma haleelo. Ayaandarradooda Aqoonyahankeennu Muxuu af qalaadka Agtiisa ku kaydshay Afkiisana moodey Waxaan anfacaynin Awoodna lahaynin! Abwaannada jooga Kuwii beri iishay La jiifiyey iilka Dhammaan arartooda Waxay ku asteeyeen: “Afkaaga u hiilli U hiilli ifkaaga Erayga ugu hiilli Addinka ugu hiilli Indhaha ugu hiilli Arradka ka ilaali Ku aqri arartiisa Adeegso tixdiisa Ku dhigo alifkiisa Astaan qaran waaye Ku asal niyaddaada.” Afkaagu afkayga Miyuu u ekaynoo Afkeennu ahayn mid? Ishaarada toosan Waxaan ku iraahday Waryaada Aryaada Walaalo is raacsan Ar Boowiyo Huunno Arrow iyo Awga Allow umaddeyda U yeel arag fiican . Haddeer iyo egga Afkeenna dantiisa Inaan u istaagno Intaan ka awoodno Ballantu ha ahaato Ballantu ha ahaato Ballantu ha ahaato. Dhammaad. 21/02/2014 Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com www.bilediraac.wordpress.com

         

Top