“Afka Hooyo” Hees Cuirye: Bashiir M. Xersi

uuuuu

“Afka Hooyo” Hees

Tixdan “Afka Hooyo” waxaan ku maamuusayaa Hooyadeey F. X. C, oo in ay hadalka iyo hawraarta i bartay ka sokow, hadaaq badan ka dib, wali ii ah qaamuus iyo marjic, aan erayada iyo u la laabto, wixii afka igu adkaada.

Maanta waxaa la xusayaa maalinta adduunka ee afka hooyo, oo aan uga qaybqaadanayo tixdan kooban, ee aan uga hadlayo afka. Haddaba, tixdii waxay ku billaabatay sidan:

Afka Hooyo” Hees

Umadi aqalkeeda

Udubka Dhigihiisa

Aloolkiyo cawska

Afsaarka albaabka

Halkaw ka abqaalmo

Amaw ka abuurmo

Dadow afka waaye.

Afkoo la ilaalsho

Awood iyo xoogba

Itaal u ma baahna

Adoo is xilqaama

Arradka ka dhawra

Inaad u adeegto

Ayaa u ah oontir

Eregta ka dhaafto

Amaah af kaleeto

Ayuu ku tarmaa.

Afkood isticmaasho

Idan u ma baahnid

Adaa amarkiisa

Ka talin arrintiiye

Adoo ambaqaado

Ayaa u ah oontir

Eregta ka dhaafto

Amaah af kaleeto

Ayuu ku tarmaa.

Sideeda Abbaayo

Abboowiyo Huunno

Afkaanu wuxuusan

Astaalihin maanta

Inay hesho aafo

Dadkaanu illoobo

Amaba alif leexsan

Aqoon xumo keento

Arboow ka ilaalsha

Dadkoo ambaqaada

Ardaasan ku dhawra

Ayuu ku tarmaaye.

Afkeenna qoraalka

Intuu is ku raaco

Shibbane idilkiisa

Shaqalka i su keena

Eraygii labalaabma

Ableynta dhigaalka

Xarfaha la adkeeyo

La dhigo isirkooda

Iyagoo labalaaban

U qora ururtooda

Aqoosha hikaadda

Ogaalka ku qaabi

Erayga nacfigiisa

Markaad aqrinayso

Adoon ku asqoobin

Awaal bixintiisa

Mucdana ka irdhoobin

Adkeynta habkiisa

Haddaadan ishaarin

Wuu kaa ambadaaye

Abaabul afkeenna

Ilaali qoraalka.

Adoon addin beelin

Lixdaada Ilaaheey

Ku siiyey Abboowe

Haddaan iba gooyo

Abuurka dhimaalo

Sideedaba iinta

Admaa i su keenay?!

Astaamaha kooban

Dhigaalka ekaaya

Alooska wanaagsan

Adoon degdegynin

Ilduuf ka ilaali

Ha aasin xuruufta

Xaqooda ku aabbur.

Alhuumada taalla

Araxdiyo Beerka

Urugta naga buuxda

Ayaamo na dhaafay

Illaa iyo maanta

Ubadka dadkeennu

Afkiiba ka leexde

Ajnabi luqaddiisa

Ingriisya Talyaani

Umadda lagu loogay

Ku oognay dhigaalka

Af kiisa qalaadna

Ilbaxnimo moodnay.

Carabta alifkeeda

Abuu waxay keentay

Inaan asalkeenna

Abuullanka diidno

Abkeenna fogaynno

Illownno dadkeenna

Umadda dhaqankeeda

Ayeeyo la ciilo

Awoowe la tuuro

Abtina laga reebin

Adeerna la gooyo.

Ninkaan amakaagin

Adduun ba ma joogo

Intaan indhahaaga

Argagaaxa haysta

Arkaayo abboowe

Ilmadu i ma dayso.

Ma joogo agtaada

Haddana uurkaygu

Wuxuu oogadaada

U yahay unug xooggan

Inkaarta ka daayoo

Afkaanu afkiibuu

Sidiisaba eeday!

Agoonnimo ciilka

Adoo ka koraaya

Ha tuurin astaanta

Abboow eraygayga

Ujeedka warkayga

Haddii an abbaaro

Waxaan uga jeedo

Hortaada ma eegtay

Alaabta ku daadsan?.

Adduunyo adduunyo

Ninkii ambanaaya

Iridda ma haleelo.

Ayaandarradooda

Aqoonyahankeennu

Muxuu af qalaadka

Agtiisa ku kaydshay

Afkiisana moodey

Waxaan anfacaynin

Awoodna lahaynin!

Abwaannada jooga

Kuwii beri iishay

La jiifiyey iilka

Dhammaan arartooda

Waxay ku asteeyeen:

“Afkaaga u hiilli

U hiilli ifkaaga

Erayga ugu hiilli

Addinka ugu hiilli

Indhaha ugu hiilli

Arradka ka ilaali

Ku aqri arartiisa

Adeegso tixdiisa

Ku dhigo alifkiisa

Astaan qaran waaye

Ku asal niyaddaada.”

Afkaagu afkayga

Miyuu u ekaynoo

Afkeennu ahayn mid?

Ishaarada toosan

Waxaan ku iraahday

Waryaada Aryaada

Walaalo is raacsan

Ar Boowiyo Huunno

Arrow iyo Awga

Allow umaddeyda

U yeel arag fiican .

Haddeer iyo egga

Afkeenna dantiisa

Inaan u istaagno

Intaan ka awoodno

Ballantu ha ahaato

Ballantu ha ahaato

Ballantu ha ahaato.

Dhammaad.

21/02/2014

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

SHEEKOOYIN