Shiribka Toddobaadka Haasaawe wiil iyo gabadh dhexmaray Curiye: Maxamed M. C/raxmaan

 

12576220_495043747367264_618198535_n

Waa shirib haasaawe ah oo dhex maray wiil iyo gabar, waxaana dhex martey sheeko iyo haasaawe suugaaneed qurxoon, bogasho wacan, shiribka waxaa curiyey,  Laashin Maxamed Macalin Cabdiraxmaan.

 

Wiilka

  • Bariida wacan baariyeey
  • Boqorad waaba kuu baxshee,

Gabadha

  • Buuraad ka dhacday berigee
  • Boqor allaa ah bisinkee,

Wiilka

  • Babis ma hurto burjikee
  • Baaqeeyga fahan bilaneey,

Gabadha

  • Baw bawda iiguma baxdee
  • Ammaan kala bariiqanaa,

Wiilka

  •  Bureeqo waaba kuu bogee
  • Beydkiina mii bari kartaa,

Gabadha

 

  • Badawsanaa ninkuu bogaa
  • Asoon ku baran bisinkee,

Wiilka

  • Baahida ow qabaa baddee
  • Badaw ma,ahan waana buux,

Gabadha

  • Baahi ku heysa baqtigaas
  • Looguma boodo baariyoow,

Wiilka

  • Baqtiga cun haddaad baqtee
  • Ha beenin waa banaantehee,

Gabadha

  • Bay bay ninyohow waa barqee
  • Beri kaleyna noo bexee,

Wiilka

  • Berinku waa intaay basraay
  • Bar baarku ha is barayee,

Gabadha

  • Berinka aan kusoo baree
  • Waxaad u bukto ii bisleey.

Wiilkaa

  •  Bila dhammaan ku baafiyoo
  • Basray adaanba kuu bukaa.

Gabadha

  •  Bood bood nin raga waa ba.shee
  • Badaad gashee kasoo bad baad

Wiilka

  • Badaasu xey ahayd basraay
  • Bukaanka lama beensadee.

Gabadha

  •  Beri horaa an lay baxshee
  • Ka baano maad buktaan ahayd

Wiilka

  • Bilicsaneey bellaa dhacdee
  • Baaqaygi hore been miyaa.

Gabadha

  • Adees badee amiis bireey
  • Amma barooro waa bexee.

Curiye: Maxamed Macalin Cabdiraxmaan

SHEEKOOYIN