Sheekadii SODDOHO Q. 10aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Codweyn oo dadki meesha isugu yimid kala eryaysa ayuu Daahir ku yiri: “hooyo, hal mar mala hadli karaa Raxmo?” Codweyn ayaa tiri: “maxaad u sheegeeysaa Raxmo?” wuxuu ku yiri: “in aan caafimaad qabo oo aan wax dhib ah i gaarin”.

Codweyn oo farta ku taageeysa Raxmo iyo Raaxo oo guriga albaabkiisa taagan ayaa tiri: “maxaad intaa uga sheegeeysaa, ileyn waa taa kuu jiido in aad fiican tahaye!” ka dibna waxay wacday Raxmo oo ay ku tiri: “kaalay Raxmo oo dhegeyso waxa ninkaan kuu sheegi rabo” waxay Daahir ku tiri: “gaarigaan yuu dhaqaaqin Raxmo oo saaran” markay intaa leedahay, waxay aragtay in Baariis gaariga ku jirto, taana waxay u fasiratay haddii ay gaariga dhexdiisa ku sheekeeystaan in aan wax dhib ah ka imaaneeyn.

Hooyo Codweyn waxay gacanta ka qabsatay Raaxo oo qosleysa, waxayna gabadheeda weydiisay waxa ay ku qosleeyso.

Raaxo ayaa tiri: “hooyo waxaad ku dhahday walaasheey Raxmo: (kaalay dhegeyso waxa ninkaan kuu sheegaayo) ayada lama hadleyso miyaa?” Codweyn intay Raaxo si tartiib ah madaxa uga dhirbaaxday ayay ku tiri: “hooyo waxaad ogaaneeysaa, marka aad sidi ayada nin iga raacdo” Raaxo ayaa tiri: “hooyo macaan weligeey nin kaa raaci maayo”.

Daahir asagoo aan gacan qaadin ayuu Raxmo bariidiyay: “see tahay Raxmo?” waxay tiri: “waa fiicanahay” Raxmo ayaa weydiisay dhaawaca gaaray, asagana wuxuu u sheegay inuu sahlan yahay, ka dib waxay arkeen dadki la kala eryay oo meel fog ka soo fiirinaaya, markaa ayay soo aadeen gaariga dhankiisa.

Baariis oo kursiga hore ku fadhiday ayaa gaariga ka soo degtay, waxayna korsiga hore ku soo dhaweeysay Raxmo, ayadana waxaa lagu yiri: (kursiga gadaal fadhiiso).

Gaariga dhexdiisa ayay isku wareysteen, Raxmo ayaa uga sheekeeysay wixi dhex maray ayada iyo hooyadeed, ka dib markii ay asaga soo dakhartay.

Halkaa wuxuu Daahir ka fahmay in ogolaanshaha Codweyn uu dhammeys tirneyn wuxuuna yiri: “Raxmo waad aragtay hooyadeey sida ay meesha uga tagtay iyo hooyadaa halka ay taagan tahay, maxaa tala ah?”.

Raxmo ayaa tiri: “inta ay dhashay hooyadeey aniga ayay iigu jeceshahay, sababta ay iigu jeceshahayna waxay tahay, amaradeeda kama hor imaado, sidaa oo ay tahayna halka mar oo aan ka hor imaado, waxay i siisaa go’aanka waxa aan ku diidanahay”.

Raxmo oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri: “haddii aan sida Aamina mar walba uga hor imaan lahaa, ma noqdeen qofka ay carruurteeda ugu jeceshahay, sidaa daraadeed waxaan awoodaa in aan kula safto aniga oo inta badan aamusan”

Raxmo oo ilmo iska tireysa markuu Daahir arkay, oo uu damcay in uu la hadlo ayay tiri: “Daahir dhib malaha ilmada iga socoto, waayoo waxaa iga keenay sida aad hooyadeey ugu sabreyso, weligeey waxaan ka baqi jiray in aan waayo nin hooyadeey iigu sabra, laakiin markaan arkay deganaantaada iyo sabirkaada, waxaan ogaaday in uu Rabbi iga aqbalay ducadi aan ku duceysan jiray”.

Waxay hadalkeeda sii raacisay: “ii ogoloow in aan fursadan yar ka faa’iideeysto” markuu yiri: “anigaba waan u baahanahay hadalkaaga” waxay tiri: “fursada caawa iguma dhaafeeyso xishood, walaashaa oo na maqleysa ayaan kugu leeyahay hadal aad afkeeyga weli ka maqlin, kaas oo ah (Daahir waan ku jecelahay) ogoowna haddii aan ku waayo in ay iiga dhigan tahay nafteeyda oo aan waayay”.

Daahir ayaa ku yiri: “anigana sidoo kale” waxay tiri: “culeys badan ayaa naga horeeya, in uu fududaadana way dhowdahay, hooyo way qeyla badan tahay, dadka in ay xukunto ayay jeceshahay, laakiin qofki ay hishiis la noqoto, madaxa ayay saartaa”.

Raxmo oo ka jawaabeeysa taladi uu Daahir weydiiyay ayaa tiri: “hooyadeey guurkeena raali kaama aha, laakiin ogolaanshaheyga ayay ii tix gelisay, sidaa oo kale hooyadaa raali igama aha, waxaad ku dadaashaa inay ogolaashahaaga kuu tix geliso, anigana waxaan ku dadaalaa in aan hooyadeey ogoleeysiiyo in ay hooyadaa timaado arooskeena, ka dibna aan iska kaashano sidi aan hooyooyinka u heshiisiin laheyn”.

Daahir ayaa yiri: “caqliga Allaha kuu siyaadiyo, nafteeyda ayaa markay ku aragtay igu tiri: (gabadhaan waa gabadhi aad raadin jirtay) Allihi i kaa tusay oo haddana i kaa ogoleeysiiyay ayaa mahad leh, igu hallee in aan kaalinteeyda ka soo boxo” markaa ayay Raxmo albaabka gaariga iska furtay, intay ka degatay ayay labadooda ku tiri: “habeen wanaagsan” waxayna u dhaqaaqday dhanka gurigooda, ilaa ay albaabka ka gasho ayay sii fiirinaayeen Daahir iyo Baariis.

Dadki xaafadda qaar ka mid ah ayaa halkoodi taagnaa ilaa ay Raxmo ka gasho gurigeeda, waxayna ku doodaayeen sida ay ku dhacday in ay Codweyn u ogolaato in ninkaas gaarigiisa ay Raxmo la gasho.

Qaar waxay qabeen in uu Daahir nin rag ah yahay, una dulqaatay wax ay niman kale u dul qaadan waayeen, waloow la isku khilaafsanaa sababta uu u dul qaadanaayay, qaar ayaa u arkay Daahir in uu rabo dhaxalka reerka ee uu ogaaday in ay islaantu gabdhooleey tahay, qaar kale ayaa qabay reerka Daahir ka dhashay in ay dhaqaalo leeyihiin, laakiin uu Raxmo jecel yahay.

Qaar waxay ku doodaayaan, haddii uu Raxmo jecel yahay uma dul qaateen kasha ay Codweyn la dhacday, intuu ka qaato ayuu ayada ku garaaci lahaa.

Markay Raxmo guriga soo gashay, Codweyn ma weydiin waxa uu Daahir ku soo yiri, laakiin ayadaa ku tiri: “hooyo, waxaan kaa baryaa, in aad Daahir hooyadiis u ogolaato in ay arooska timaado”.

Codweyn ayaa tiri: “caawa ayaan ogaaday meesha aan kaaga aalo, sababta oo ah, waxaan kaa filaayay in aad reerkaas xiriirka u jareyso mar haddii aad aragtay in ay hooyadaa xabsi u wadeen, dhiiga ayaa saliingo lagaaga miirtay, laakiin caawa ka dib waa iga tufan tahay” Codweyn waxay qabsatay labada dhafoor.

Raxmo oo isku naxday ayaa tiri: “Daahir iyo hooyadiis isku mid ma aha, qof dembiga uu galayna qof kale looma saariyo, waana midki inkiray in aad dhib u geysatay oo diiday in saldhiga lagu geeyo, haddii aad rabto in aan xiriirka u jaro, maxaad Daahir ugu tiri: (isa soo diyaari?) maxaadse ugu ogolaatay in uu ila hadlo?” Codweyn oo gar qaadatay ayaa tiri: “hadda maxaad iga rabtaa?”.

Raxmo ayaa tiri: “waxaan rabaa in aad i tufin oo kalsoonidaada ii soo noqoto” Codweyn ayaa tiri: “caloosheeyda marna kama go’i kartid ee maxaa kale oo iga rabtaa?” furaadaas haddii ay Raxmo dhihi laheyd (waxaan rabaa in aad raali ka noqoto guurka aniga iyo Daahir) Codweyn si niyad ah ayay ku yeeli laheyd, laakiin waxay weydiisatay in ay Daahir hooyadiis u ogolaato arooska in ay timaado, ayadana waa ka aqbashay.

Hooyo Barni iyo Baarliin waxay boostada ka weceen Aabe Xaaji Cabdi, oo ay hooyo Barni u sheegtay in ay islaanti Codweyn aheyd, wiilkooda kal ku dakhartay, markii ay dacweysana uu gaashaan u noqday iyo in maalinti ka horeysay ay ka soo jejebisay gaarigi land cruiserka ahaa.

 

La soco. ….11aad.

 

 

SHEEKOOYIN