DHIBAATOOYINKA ARDEYDA SOOMAALIYEED KA QABSADA DHINACA SHARCIGA EE WADANKAN PAKISTAN

dsds

DHIBAATOOYINKA ARDEYDA SOOMAALIYEED KA QABSADA DHINACA SHARCIGA EE WADANKAN PAKISTAN

Hordhac

Allaah ayaa Mahad oo dhan iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaha siiyo.

Intaa kabacdi. Waa muhiim in aad ogaado sharciga wadanka aad u socoto ee aad dooneyso in aad wax ku barato kuna noolaato mudada waxbarashadu kuu socoto, si aadan ula kulmin wax dhib ah ama is jiidjiid ah taasoo kaa mashquulin karta waxbarashadaada ama kuu diidii karta waxbarashadoo dhan mararka qaakoodna. Dabcan si simad ayey muhiim ugu tahay waalidkii ubadkooda soo dirsanayey ee qarashka faraha badanna ku bixinayey iyo ardeygii safarkaa dheer usoo galay in uu wadankan wax ku barto dhib la�aan . Waxaa jira marka, dhibaatooyin dhinaca Sharciga ah ee ku dhaca Ardeyda Soomaaliyeed ee wadankan imaaneysa, sababtuna waxeey tahay ayagoon helin wax horey ugu sii diga ama ugu sii sheega mushkilada qabsan karta. Waxaana nasiib darro ah in dhibaatooyinkaasi ey yihiin kuwa si joogto ah usoo noqnoqda ogaansho la�aan darteed. Ugu dambeyn Akhristaha sharafta badanoow Waa kuwan dhiibaatooyinkii iyo xalkoodiiba ee kusoo dhowoow.

1)Visa aan Jirin oo been abuur ah (False Visa) oo Ardeyga loo soo saaro.

Waxaa jira Fiisooyin been abuur ah oo Ummada Soomaaliyeed qarash farabadanna looga qaato, qasaaro eysan kasoo kabankarinna qoorta loo galiyo. Waxaa dhacda shaqsiyaad wadankan ku nool, ha ahaadeen Somali ama Ajaanib�e oo ku qaraabta Fiisooyin ayaan soo saarnaa, ayagoo wax Fiiso u eg laakiin aan dowlada ka Diiwaangashaneyn usoo saara ummadda, oo marka Ardeygu soo gaaro garoonka ee laga hubinayo Fiisahaas lagaba weynayo keydka Nambarrada fiisooyinka eey bixisey Dowlada Pakistan. waxaana marar farabadan dhacdey in waalid dhaqaale faraban looga qaatey Fiisaha nuucaas ah hadana wiilkoodii ama gabadhoodii garoonka laga celiyey oo looba diidey in uu wadanka galo maadaama wax aan lagaraneyn uu la yimid meesha. Nasiib darose! ardeygii is lahaa waxaagu wey isku hagaagsan yihiin oo mustaqbalkaadii waxbarasho meeshii aad kasii wadan laheyd waad joogtaa, ayaa sidaa qalbi jab iyo tiraanyo weyn ka haleeshaa waalidkii dhaleyna warkiisaba daa.

Marka fadlan iska hubi marka aad dooneyso in aad Fiiiso dalbato, dadka ama meesha aad u mareyso dalbashada Fiisahaaga iyo in ey jiraan dad ey Fiiso horey ugu dalbeen oo garoonka laga celiyey iyo inkale. Iska hubi in uu yahay Fiiso diiwaan gashan waliba tiimbarayaasha iyo saxiixyada looga baahanyahayna mid uusan ka maqneyn. Tusi oo kala tasho dadka kala garan kara Fiisaha saxda ah iyo midka aan jirin ama �Bugta ah�, si garoonka aan lagaaga celin.

2) Kaarka Caafimaadka (The Yellow card) oo laga soo tago ama si qaldan loosoo buuxiyo.

Kaarka Caafimaadka ama �The Yellew Card�, wuxuu sheegaa in qofku ka caafimaadqabo cuduro farabadan oo halis ah oo kaarkaas ku qoran, waa muhiim in uusan kasoo tagin qofka kaarkaas gaar ahaan haduu ka yimid Wadan eysan Dowlada Pakistan ku kalsooneyn in uu horey uga soo baarey qofka Cuduradaas. Hadii uu kasoo tagase qofku Kaarkaa taa micnaheedu wuxuu noqonayaa in qofkan baaritaan caafimaadba uusan soo marin, sidaa daraadeedna uu dhibaato iyo halis dhinaca Caafimaadka ah gaarsiin karo ummada uu wadankeeda galayo, waa Pakistaan�e. Qodobka kasoo tagida Kaarka Caafimaadka waxaa la mid ah, mid dadka badanaa eeysan ku baraarugsaneyn oo ah in kaarka Caafimaadka si kala duwan loogu soo buuxbuuxiyo magacyada iyo waxyaabaha kaloo ku qoranba ama taariiqdaba laga soo iloobo. Taariikhdu waxey sheegtaa waqtiga laga baarey qofka cuduradaas, iyo mudada kasoo wareegatey baarintaankaa, waxaana wanaagsan in ardeygu soo sameysto Kaarkaa taariiqda uu soo baxayo .

Su�aashu waxey tahay maxaa garoonka ku qabsada qofkii kasoo taga kaarkaas caafimaadka ama taariikhdaba kasoo ilooba? Qofka marka uu kasoo tago kaarkaas dhib weyn ayaa ku qabsada garoonka, maxaa yeeley waxaa loo diidaa in uu wadanka gudaha ugalo, waxaa lagu daraa Police-ka garoonka , waxaa la geeyaa meel garoonka waxyar ka fog laguna magacaabo �Goobta Takoorka� ama dad kasoocida (The Isolation Centre), waxaa meeshaas lagu hayaa ardeyga illaa 7-maalin. Bal kawaran ardey aan waalid ama walaal midkoodna lasocon, lagana yaabo in uu yahay �Mar-dhoof�, wadan uu ku cusub yahayna galaya, hadii uu maqlo �Xabsi!!!� ayaa lagugu heynayaa oo xirig ayaad tahay!!!!, intee in la eg ayuu walwalayaa ardeygaasi? ama naxayaa? Waa wax aadan qiyaasi Karin illaa aad noqoto qofkii ey ku dhacdey qisadaas. Marka laga soo tago naxdintaa -wanaaga dadka waa loo qiraaye- si wanaagsan ayey ula dhaqmaan mar haduuba ardey yahay, meesha lagu heynayo qofkaasna waa meel gudaheedu uu wanaagsan yahay, Sariiro, Joodariyo, Kuraas, Teleefishino iyo cunto wanaagsanba leh,waxaana intaa kuusii dheer Shaqaalaha oon iyagana xumeyn. Laakiin xuriyada qofka ayaaan wax loo dhigo laheyn. Waxaa jirta in aan laguu ogoleyn galitaanka gudaha meesha qofka uu ku jiro, laakiin albaabka ayuu kuusoo istaagi karaa. Bal malee adigoon cidna kuugu imaaneynin meeshaa aad ku jirto 7-daa maalin!. Fariinta ayaa ah, fadlan haka sootagin Kaarkaa Caafimaadka hana ka soo iloobin taariiqda si aad u badbaado, ninkii wuxuu yiri �Banaankaanba Arkaayaa ee maxaa Buuro isaarey�.

3)Baasaboorka oo sikala duwan loosoo buuxbuuxiyo.

Waxaa dhacda mararka qaar in Baasaboorkii ardeygu watey uu noqdo mid siyaabo kala duwan loosoo buuxbuuxiyey. Waa wax jira in uusan isku mid aheyd marka hal magac Af-Somali loo qoro marna English loo qoro, sidaas ayaana qofka lagu qabsadaa, inkastoo qofkii luqada yaqaan (English ama Urdu) uu wax u sharixi karo oo uu ka dhaadhicin karo Saraakiishaas sida wax u jiraan, laakiin hadii Luqadaadu iska jajab tahay waa talo fara kabaxdaye ogoow!. Waa wax la fahmi karo in magacyadu is leeyihiin hadana lagugu jageysan karo hadii la damco, ee marka horeba kasoo taxadar oo Passport-kaaga maadaama aad rabto in aad aduun ku marto fadlan English kusoo buuxbuuxso. Waxaa lagayaabaa in dhibkaas uusan ku dhicin Soomaalida Baasaboorada kasoo qaadata Safaaradaha Soomaaliyeed ee ku kala yaala Dunida dacalladeeda, maxaa yeeley waxaan filayaa in ey joogaan shaqaale u carbisan ama u tababaran sida ugu haboon ee loo buuxbuuxiyo Baasaboorada. Laakiin dhibkaas wuxuu qabsadaa ama ku dhacaa badanaa dadka kasoo qaata baasabooradooda Xurumaha kale sida: Cabdalla Shideeye iyo kuwa la midka ahba oo dadka jooga ee ka shaqeysta isugu jiraan Masaakiin gaajadu meesha keentey oo wax kuugu sameynaya hadba meeshi tabari gaarsiiso iyo dad xirfad wanaagsan u leh xowsha ey ummada u qabanayaan kuwaasoo u badan dadkii ka shaqeyn jirey xafiisyada Dowladihii hore.

4) Iska Diiwaan galinta Police-ka oo laga daaho iyoWado qaldan oo codsiga Fiisaha loo maro.

Sida Sharciga ah,wadankan marka aad soo gasho waxaa lagaa rabaa in aad �BIL� gudaheed ku tagto Xafiiska Police-ka dadka ku diiwaan galiyaan (Police Registration Office), waa arin iska dhib yar hadii marka hore laga taxadaro, laakiin hadii aad iska Xaadirin weyso bishaa gudaheeda xafiiskaas, waxaa ku galaya iska daba wareeg iyo qarash aad u farabadan oo markii hore si fudud loo badbaadin karilahaa. Waxaase Intaas oo dhan kasii daran kana muhiimsan; warqada Police Registration-ka waxeey ka mid tahay Dukumiintiyada la aantii Ardeygu aan la siineyn sharciga wadanka uu kusii joogilahaa inta uu waxbaranayo iyo warqada bixitaanka (Departure Letter-ka) marka ardeygu in uu wadanka kabaxo damco.

Dhinaca kale. Waxaa jirta wado qaldan oo ardeyda qaarkood ku raadiyaan Fiisaha ey kusii joogi lahayeen wadankan (The Extension Visa) maadaama eysan garaneyn wadada saxda ah ee Loomaro Fiisahaas, sidaasna dhib weyn ayey ku muteystaan waqti iyo qarash aad u farabadanna uga qasaaraa, waxbarashadiina uga mashquulaan maadaama Safaro aad u dhaareer ey ku qasbanaanayaan mararka qaar. Fadlan Qisadaan oo ah mid ardey Soomaaliyeed oo aad u farabadan ku dhacdey, ayaa waxaa inooga waramayaa mid ka mid ah ardadaas ee bal nala dhuux. Ardeygii wuxuu yiri:

�Waxaan wadankan kusoo galay Viso Ardeynimo (Study Visa), waxaan iska qorey Xarunta Policeka bishii ugu horeysey ee aan wadanka joogey, Fiiso 3-blood ah ayaan watey wuuna iiga dhacay kadib markii sadexdii bilood dhamaatey, waxaan u baahdey Fiiso aan wadanka kusii joogo maadaama aan rabo in aan wax kusii barto, waxaan wareystey Ardeydii oo waxaa la ii tilmaamey Yar Soomaaliyeed oo wadankan ku korey waxna ku bartey luqada iyo dhaqankana si wanaagsan u garanaya, dhibka jira ayaan u sharaxay, wuu ila ordey oo Police-kii oo aan ka hurdi waayey kana hoyan wayey sida ey iisoo wacayeen ayuu ii geeyey, Police-ka markaa waxeey ardeyda Soomaaliyeed u sameynayeen waraaqo Fiiso laga dhigayey laakiin waraaqaha qashinka aan waxba dhaamin, waxeyna ka qaadanayeen: $50(Rs:3000/)Mudo lixbilood ah(waa waqtiga ey kaa dhaceyso sida ey leeyihiin), Sanadkana waxaa ardeyda laga qaadanayey: $100(Rs:6000/). Mudo markii aan qarashkaa bixinayey ayaa ugu dambeyntii waxaa isku dhacay Xarunti Police-ka (The Police Registration Office) iyo Xaruntii Baasaboorada (The Passport Office), kadib markii mowjado Ardey ah oo waraaqahaa Fiisa ahaan u wada u tageen, markii aan tagey Xarunta Baasaboorada ayaa waxeey igu wargaliyeen in aan si sharci darro ah wadanka ku joogey waxiiba ka dambeeyey Fiisahii sadexda bilood ahaa ee aan wadanka kusoo galey, waxaaba intaa iiga sii darneyd markii eey ii sheegeen in eysan Fiiso isiin Karinba oo arinteydu faraha ka baxdey oo eey tahay in aan Caasimada (Islamabad) aado oo Fiisa ama xaga la iiga soo fasaxo ama la iiga soo diido. Meeshii ayaan ka ordey ayadoo duruustiina si Xowli ah u socoto, safar dheer oo dhinaca dhulka ah oo maalin iyo habeen aan istaag laheyn qaatey kabacdi ayaan gaarey Caasimada, markii aan la kulmey Sarkaalkii la iisoo direy, wuxuu igu canaantey waxa intaan oo dhan oo Fiiso la�aan ah aan wadanka ka qabanayey, waxaan u sheegey sida wax iigu dhaceen, iyo in talagalkeygu ahaa in aan si sharci ah wadanka ku joogo oo dhaqaalo farabadana aan ku bixiyey, nasiib darrose anigoo wadanka ku cusbaa iyo dad aan talo laheyn oo i heley darteed sidan wax u dhaceen. Xikmad Carabi ah ayaa waxey leedahay �Man fasadat Bidhaanatuhu kal Garaqi Filmaa�oo micnaheedu yahay: qofkii dadka la talinayaa xumaadaan waa sidii qof bad ku harqadey ama qarqadey oo kale. Wuxuu hanjabaad wadnaha i dhexdhigaba oo uu igu yiraahdo: �Arintaada waxaa go�aan ka gaari kara oo kaliya madaxda iga sareysa, waa in aad Isbuuc sugtaa si go�aan ah hala siiyo Fiisaha ama wadankaba halaga saaro lagaaga gaaro�.Calaacal iyo Cataaw dantu keentey kabacdi wuxuu isoo siiyey Warqadii Aheyd hala siiyo Ardeygan Fiiso. Waxaan kusoo noqdey magaaladeydii, waxaana ku qasbanaadey in aan bixiyo lacag ardey asigaba $100/Bishii loo soo dirayey uusan awoodin, waxaa sidaa waalidkii horey dhaqaale sharci ugu bixinayey ey noqotey in uu dib u bixiyo lacag aad u faraban, maadaama Sharciga wadankan uu dhahayo: �wixii 4-bilood ka badan oo sharci daro ah (Over-Stay) qofku waa in uu bixiyaa lacagtii uu bixin lahaa asigoo Sanad Over stay- ku joogey wadanka�. ogoowna maadaama aan wadanka si sharci ah kusoo galay, Visa ardeynimana aan wato Dowlada Pakistan, Mahadi haka gaartee, waxeey iigu tala gashey Fiisa lacag la�aan ah in la isiiyo inta waxbarashada iiga dhamaaneyso!!!�

Si dhibkaa Tiraanyada badan ee ardeygaa Soomaaliyeed iyo kuwa aad u farabadanba ku dhacay uusan ugu soo laaban kuwa Mustaqbalka imaanaya ama kuwa gudaha jooga ee daqiiqadan dhibkaa laga yaabo in uu heysto ayaa waxa muhiim ah in aan isla fahamno wadada sharciga ah ee waxaa oo dhib ah looga badbaadi karo waana tane si wanaagsan u dhuux walaal.

Wadada Saxda ah ee Ardeyga looga Baahanyahay in uu Maro si uu u helo Fiise uu wadankan kusii Joogo.

Ugu horeyn marka ardeygu wadanka soo galo waxaa looga baahan yahay in uu bisha ugu horeysa sameysto (Police registration Letter),warqadaa marka uu helo, waxaa muhiim ah in uu helo ogolaansho jaamacadeed (Admision Letter) iyo Kaarka Jaamacada (ID-Card), kabacdi wuxuu ka dalban karaa jaamacada waraaqda cadeyneysa in uu jaamacada wax kabarto loona yaqaan (Bonofide Letter), intaa ayuu wuxuu ku lifaaqayaa dukumiintiyadii uu Jaamacada u gudbiyey markii uu soo codsanayey, wuxuuna u dirayaa Safaarada Soomaalida ee wadankan asigoo min 3-Koobi ka sameynaya dhamaantood kabacdina iyada ayaa kuu dalbeysa warqadda muhiimka ah ee sheegeysa in wadanka aad waxkabaran karo: The N.O.C.(No Objection Certificate) –waa hadii aadan horey u heysane- markii aad waraaqdaa hesho,ayaa waxaad ula tageysaa Hey�ada Tacliinta sare (The High Education Commission), waxeyna kusiineysaa warqada Hey�ada tacliinta sare taasoo cadeyna in Fiiso Sanad ah lagu siiyo. Intaa kabacdi waxaad ka xareynkartaa Xafiiska Baasaboorada ee ku yaalada Magaaladaada. Bil ama ugu Badnaan labo bilood kabacdina waxaad heleysaa Fiisihii aad wadanka kusii joogi laheyd, isla markaana waa in aad sameysataa Police Registration Letter Kale. Ugu dambeyn waxaa muhiim ah in aad dalbato Fiisaha kan xiga 45-maalin ka hor inta Fiisaha uusan kaa dhicin.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor).
BBA (Horns), MBA (in Progress).
Karachi-Pakistan

SHEEKOOYIN