Kedis Jacayl Q2AAD W/Q: Sakariye Cabdixaliim Maxamed

 

quotescover-JPG-13

 

 

 

 

 

Kedis Jacayl Q2AAD

 

 Markaannu ku kulanay barxada yaree u dhaxaysa, qolalka isbitaalka ayaan ku iri:

“Waa lagu salaamay walaal? ayadana cod naxariis laga dareemayo ayay waxay iigu warcelisay :

“ Waa lagaa qaaday” Waxaan weydiiyey xariirka ka dhaxeeya iyada iyo gabadha ay caawineyso”

Waxay ii sheegtay inay saaxiibteed tahay,oo xiriir saaxiibnimo kaliya kala dhaxeeyo, arrintan ayaa aad ii faraxgelisay, markaasaan mar kale weydiiyey:Gabadha saaxiibta ahna xaalkeeda sow ma wanaagsan ?Waxay iigu jawaabtay :

“Ilaahay mahaddi waan fiicanahay, inantuna sidoo kale way wacantahay, dhaawac yar baa dhabarka iyo lugaha ka soo gaaray balse hadda way ladantahay”

Markaasaan u sheegay, inaan aniguna qolkan kasoo horjeedka qolka ay kula jirto saaxiibteed aan ku hayo wiil saaxiibkay ah, waxaanan u raaciyey kaftan dhable ah, waxaa tahay gabar wanaagsan oo naxariis leh, waxaa aad ii soo jiitay sida naxariista leh ee aad saaxiibada u xannaaneyneysid u daryeelaysid, iyo sida   hagar la’aanta ah ee aad ugu adeegeysid, xitaa aad cuntada afka ugu galinaysay iyo waliba sida aad u maaweelineyso una madadaalinaysay.Waxay iigu war celisay :

“ Iyadoo dhoola caddeyneysa, oo adigu mindhaa wiilkaba maad caawine annaga uun baad na fiirsanaysey, intey qososhay ayey tiri:

“ Mahadsanid walaalo gabadhan waa saaxiibtayda rumaad oo aan aad u jeclahay, waajib ayayna igu tahay inaan sidaa iyo ka badan u sameeyo, adiguba laftaada ma adigaa iga yaraysta waxaad tahay inan fariid ah oo saaxiibkii si wanaagsan u caawinayay.Intaas oo hadal ah markaan is weedaarsanay ayaan waxaan ku iri :

“ Walaalo saaxiibkayga wuu yara seexday waxaan u sii socday Bustaanka isbitaalka ee lagu nasto(Jardiinka) inaan waqti yar ku soo nafiso, marka waa side adiga waqtigaagu suuragalse ma tahay inaan isku raacnaa, waayo waxaad tahay qof qaaliya oo in la bartaa ay wanaagsantahay? Waxay iigu warcelisay:

“Hawraarsan walaalo waan kaa yeelay, balse, adeeg yar baan u wadaa saaxiibtay daqiiqado ka dib ayaan bustaanka kuugu iman ee iska sii soco hana foggaanin”

Sidii baan gabadhii uga soo dhaqaaqay anigoo faraxsan oo niyada iska leh wallee! galabta gabar wanaagsan oo quruxi u dheertahay oo naxariis badan ayaa baa nasiibkaaga ku haleeshiiyay inaad la kulanto, durtaba waa tan layla kacay, ma joogi, oo xagee layla aadey ma ogi.

 

Waxaan u socdaalay cirka iyo caadka dhexdiisa, hadda la soco oo ma saarni diyaarad iyo dayax gacmeed, waxaa is saaqday oo naftaydii oodhan saameeshay ransiga saxansaxo iyo neecawiyo udgoon oo nabdiga iyo niyaduba ku xasileen, waxaa i gashay firfircooni dheeraad “ Haddaan ilmo yar ahaan lahaa waan boodboodi lahaa” nayaayirka iyo nashaadkani waa dabaaldega, Barashada habboontan iyo hodantan dumar ee aan la kulmay, waxaa naftayda ku soo dhacay erayo aad moodo iney il ka soo burqanayaan, weligay waxba ma curin, oo maanta maxaa iga keenay ma ogi?

  • Hir weyn baan lacayaa
  • Hayaan iyo geedi baan
  • Heeryada awrta ugu rarey
  • Meel ay hogashii heshoo
  • Dhirteeduna hamashtaho
  • Hoobaantuna buuxsanto
  • Hiyigu ku xasilanyahoo
  • Dayrkii ka hagaagtay baan
  • Hoggaanka u surey ratiga

 

Waxaana aad iigu dheeraatay dhawrka daqiiqo ee ay gabartu ii qabatey iney qolka allaabta ku geynayso, waxay niyadu i leedahay iina furtey weydiimo badan, gabadhan tolow mala qabaa? Haddana waxay leedahay ma ogi! Waxay I weydiineysaa, tolow ma jiraa qof ay xariir la leedahay, haddana waxay leedahay yaa og!

Durtaba waanigaa badweyn dhex galay, waxbaa I sita, si kedis ayaa dareenkayga iyo damiirkayga loo xulay, mase ogi waxaa I xulay, xiiso iyo boholyoow ayaa muddo kooban igala degay buuraha dhaadheer dushooda, waxaanan heehaabayaa hawada, anigoo isku foogan oo naftaydu isla baraad la’ dahay ayaan mar qura ka war helay.

Gabadhii oo ila hadlaysa waxayna tiri:

“ Dhabcaalsanidaa, waxaad fariisatay kursi keligaa ah, waxaadna soo qaaddatay shaaha keligaa, markaasay qosolna ku dartey”mar allaale iyo markay qososhi ee  labadeeda “CAN GOD” dib u yara noqdaan, ilkaha cadcad ee dhuuxa ahina walalac yidhaahdaan ee iftiinkoodu indhahayga cawiro, ayaan siraataa, waanigaa ambadey ee sidii nin meel hayjad cidla ah oo hawd ah roob mahiigaana ku helay, durtaba dawakhay ee jihadi iga luntey.

Gartay in layga gar joogo, waxaanan u dhaqaaqey eedaymaha iyo kiiska laygu oogey inaan iska mooso, oo aan bannaanka iska geeyo, waxaan ku iri:

“ Dhabcaalnimo kala dheerine, markaan soo fariisanayey, kursigaa laba ah,waxaa ku fadhiyey dad waayeel ah, hadda ayayna ka kaceen, sidoo kale, waxaanan ogeyn waqtiga aad maqnaanayso, ama waxaa aad cabayso, markaa waan kula sugey, hana ila yaabin waxaan leeyahay hammuun goroyo”.Si niyad ah ayay u qososhay, markaasay igu tiri:

“ Walaal ma Qareen baad tahay mise waad barataa? Hayla yaabin, waxaan ka helay sida aad isaga Afwaajiday(difaacaydey) eedaymahayga weliba iyaga oo suuragal ah, waa dhab anigu shaaha ma cabo, haddaad ii keentana waa iga qaboobi lahaa”

Markaas ka dib ayaan istaagnay waxaanuna u jiheysanay dhinaca maqaayad yar oo ku dhextaalay jardiinka waxayna soo qaatay, cabitaan qaboow oo macaan, waxaanuna dib ugu soo noqoney, labadii kursi, markaanu u soo jirney wax ka yar 20 talaabo, ayaa waxaa fariistay, Hooyo iyo laba carruur ah oo ay wadatey, markaasaanu is eegnay, qosolna u dhacney, waxaanu u dhaafnay mid kale oo aan sidaa uga dheerayn, weliba hareerihiisa ubax ku wareegsan yahay.

Markaanu salka dhigney, ayay tiri:

“ Waa meel indhaha iyo qalbiga u roon, cagaarankan iyo ubaxyadan kala duwan” anigoo halkaas fursad aan sheekada ku furto ka raadinaya ayaa iri:

“ Ubaxyada midabkee baad jeceshahay?“ waxay markiiba farta iigu fiiqdey, Midabka Cirka iyo caadka ubax u eeg oo humbulan, aad baan ula dhacay, waxaan iri:

“ Aniguna waxaan jeclahay Ubaxa bulka cad” Way qososhay, mar allaale iyo marka ay qososho ayaa natfeydu siraadaneysaa, waxaanan dareemayaa jawi farxadeed ay naftu la maqsuudo.

Markaas ka dib ayaan isu sheegay, qofka aan ahay, sidoo kale waxaan u dhex raaciyey, inaan ku faraxsanahay barashadeeda, weliba aan jeclaan lahaa in xariir is barasho na dhex maro, si aan u kala bogano, dhinacyada, Geel la daaqda iyo dad la dhaqanka qofka kale.

Haa ima dhihin, mayana ima dhihin, ee waxay iigu jawaabtay, waa wax wanaagsan barashadu, haddana muuqa waa iska baraney, balse, si guud iyo si gaarba waa laysu bartaa, maalin waxba kuma dhammaadaan, ee gabadhii ayaan u tegayaa, Galabtana waxay hadda ii sheegtay in la saarayo, maadaama Isbitaalka u hoyashadiisu tahay qarash, hadda wixii ka dambeeya waxay ku qaaddanaysaa daaweynta iyo xanaanada gurigeeda.

Arrinkani waa mid iga jajabiyey, dhammaan waxaan higsanayey, haddana waxba kama dhihi karo, waxaan markaas ugu hambalyeeyey, bixitaankooda, waxaanan ka codsadey, Telefoonkeeda iyo Magaceeda, balse waxaa dhib ka yimid markay tiri:

“ Labadooda mid dooro isku wada heli mayside”Si kedis ah ayaa afku iiga dafay :   “ Walaal telefoonkaaga!” intey qososhay ayay ii sheegtay tirada telefoon numberkooda, bals, magaca iima sheegin, dhaqaaqii ay dhaqaaqdey ayaa dhawr dumar ah iyo wiil dhallinyaro ah ku soo baxeen kuwaasoo aan u gartey iney yihiin, ehelkeedii iyo kii gabadha saaxiibteed, waxaaney wada galeen, qolkii gabadha, waxaa sii dhacaysey, qoraxda anigana waxaa iga sii dhammaanayey waqtiga caawinta wiilka maadaama aan la ogoleyn in lala seexdo, waxaan u tegay saaxiibkay, waana maca salaameeyey, anigoo isku haysta inaan guushaydu qabyo tahay, balse, aan haysto meel aan ugu haggaago.

 

https://www.facebook.com/saki.abdihaliim

Zakicade92@gmail.com .

 

 

 

SHEEKOOYIN