Sabannadii samaa!!Q1AAD W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

 

quotescover-JPG-10

 

Sabannadii samaa!!Q1AAD.

Horudhac

Waa sheeko xambaarsan farxad, murugo iyo ku cibri qaadasho una baahan in si fiican loo dhuuxo nuxurka ku jira. Maahan ku tiri kuteen, mala-awaal iyo wax la mida ee waa sheeko xaqiiqiyan dhacday waxaana ka soo tabiyay qofkii ay ku dhacday, iguna boorisay inaan bulshada u soo gudbiyo si ay ula wadaagto bulshada da’yarta ah ee guurku ku cusub yahay qaasatan gabdhaha qurbaha ku nool si ay cashar uga qaataan badweyntii ay shalay dhex dabaalatay oo ay arkayso mid tii u eg inay gabdhaha badankoodu ku sii siqayaan ayagoo aanan ka war heyn meesha biyuhu u dhacayaan.

Waxaan isku dayi doonaa inaan soo koobo oo aan ugu badnaan laba qeybood ka dhigo, anigoo isku dayi doona inaan nuxurka iyo ujeedada asiibo oo aanan hadal badan oo tororog ah aanan idinku daalin ee bal waa tane sheekada aan iskaga kiin dhex baxo.

Sabannadii samaa!!Q1AAD.

Waxaan ku dhashay kuna qaatey qeybtii hore ee noloshayda magaalada Hargeysa, waxaan ka dhashay qoys iska tabar yar, laakiin aad ku tiirsan taageerina u ahaa maamulka dowlada “ Muxaafid”. Aabahay askari ayuu ahaa marba meel ayaa loo beddeli jiray intii ay dawladdu jirtay, markay dawladdii dhacday kadibna waxaan sal dhigannay magaalada Muqdisho. Markaan qaangaray kadib sida da’yarta dambe intooda badan u caadada ah waxaa i galay cudur buufis la yiraahdo oo har iyo hoyaadba waan diiday, hadalkayguna wuxuu ku soo koobmay TOLOW HALAY DHOOFSHO.

Waxaan naftayda iyo dareenkayga ka helay, in nolosha dalka taalla tahay mid aan dhammeystirneyn oo qabyo ah, waxaanan mararka qaarkood riyada beenta ah iyo hawaawigu dhex miran jirey duni ka duwan taan ku noolahay, gebi ahaan waan saluugsana nolosha dalka kumana qanacsanayn.

Waxaa dalka dibadiisa jirey “ Qurbaha” soo jiray dhawr qof oo hooyaday la dhashay iyo dhawr kaloo aabbahay la dhashay, laakiin, aqoon iskuma aanan lahayn, sidaa darteed habeenba labadeyda waalid mid baan shukaamiyaa, si uu qoyskiisa iila hadlo oo meeshaan baase aan kahsaday la iiga kaxeeyo. Muddo kadib aabahay ayaa waxaa uu xiriir la sameeyay adeerkay oo markaa dalka Ingiriiska “ England” ku noolaa kana codsaday in aniga la ii kaxeeyo wax walba oo ay ku qaadato, qoyska aan ka dhashay dhanka aabbe waa dad ahlu diin ah, sidaa darteed adeerkay waa u cuntami weyday in gabar aan muxrim wadan la iska kaxeeyo, wuxuuna soo jeediyay in uu wiilkiisa igu daro, inta ay dacwada socotana uu walaalkay ila sii joogo.

Waan aqbalay, yarkii ina adeerkay ahaana wuu aqbalay isla markiina xaflad yar baa na loo sameeyay, maalmo gudaheedna aniga iyo walaalkay safar ayaan addis ababa ugu soo baxnay si dacwadeyda loo billaabo oo aan dibedda aan u waashay bal mar la ii geeyo allowse yaa waagaa ii sheega saa saacadaan maanan ku soo lug go’eene.

Bil iyo bar kadib, waxaa addis ababa iigu yimid ninkii la igu daray walow aan ilmo adeer nahay haddana isma naqaan oo waligayaga isma aanan arag, waxaan ka soo kaxeeyay ayraboorkii, xaafaddii aan u diyaariyay ayaan keenay, muddo 3 bilood ah ayuu ila joogay dacwaddiina waa ii xareeyay, ilaah mahaddii uurna ilaahay waa igu iigu deeqay.

Waa nin da’ ahaan aan wax badan iga weyneyn laakiinse iga caqli iyo xikmad badan inta badanna wuxuu iiga sheekeeyaa dhibaatooyinka qurbaha soomaalida ku haysta anigase sheekooyinkaas iguma socdaan oo marar baan is iraahdaa ninku ma meesha aad u jeel qabto ayuuba kuu diidan yahay korse uma iraahdo oo waan qarsadaa waayo tan waxaan u arkayay fursad qaali ah oo aan waligay mar dambe isoo mari doonin, illeeyn isagu maba oga inaan sababta ugu horreysa ee aan guurkiisa u aqbalay tahay inaan tago, meesha inta dadku tagaan iyagoo sharaf leh dib uga soo noqdaan? Waa qaabka aan anigu ka aaminsanaa inuu yahay qurbuhuye.

Uurkeygii wiil ayaan ku dhalay, dacwadiina sanad ayay igu qaadatay, ugu dambayna waxaan soo caga dhigtay waddankii uu ninkaygu joogay “ England”. Guri qurux badan ayuu noo diyaarshay aniga iyo wiilkii yaraa oo ay wax walba u dhan yihiin, markii hore guriga waxaa la daganaa hooyadiis laakiin markii ay maqashay inuu xaas yeeshay ayay waxay la degtay walaasheed oo meel noo dhaw degeneyd, ninkaygu hooyadiis kali ayuu ku yahay oo wiil kale iyo gabar toona hooyadiis malaha “Madi” sidaa darteed wuxuu ku qasbanaa inuu mar walba oggaado waana sababta keentay inuu meel noo dhaw dajiyo.

Dabeecado gaara ayuu lahaa ninkaygu sida inuu inta uusan gurigiisa imaan uu kan hooyadii soo maro, inuu labada maalin oo uu fasaxa yahay maalin ka mida uu hooyadii la soo qadeeyo, in inta uusan anaga bisha marka la gaaro noo soo adeegin uu marka hore hooyadii usoo adeego ama aan si kale u iraahdee inuu noloshiisa inta badan tan hooyadii ka hor mariyo. Shakhsiyan waan nin dhib yar, ma hadal badna, ma eed sheegad badna laakiin hal dabeecad ayuu lahaa kaligiisna kuma eka ee sida aan ogahay dadka culumadaha ah intooda badan waa lagu xantaa waana go’aan qaadashada kaligiis ah oo aan xaasaska lala tashan taana waan la qabsaday oo dhib badan uma aanan arki jirin maadaama qof taama uusan jirin waxaan ku qasbanaaday inaan taa sideeda ku aqbalo.

Dhawrkii sano ee ugu horreeyay noloshaydu waxay ahayd mid aan wax lagu tilmaamo lahayn wanaag iyo sharaf iyo is jeclaan ayaan ku jirnay illaa markii dambe dadka agagaarkayaga dagan gaalo iyo Muslimba aan tusaale u noqonno. Reerku waa noo tarmay waxaana ilaah nakala siiyay 3 wiil iyo gabar, si wanaagsan oo sharaf iyo aabbenimo leh ayuu waajibkii saarnaa u gutay anigana waan ku kaalmeeyay.

Habeen habeenada ka mida saq dhexe anagoo ku jirna ayaa habaryartii soo wacday waxayna ku tiri soo orod hooyo ayaa xanuunsane, hooyadii waxay ahayd qof yara waayeela waxaana ugu sii darsoomay cudur ayaa lafaha ka galay oo dhuuxii ayaa yaraaday, markii isbtaal la geeyayna dhakhtarkii wuxuu soo jeediyay in wadamada qorraxda leh la geeyo.

Subaxnimadii ayuu ii soo laabtay wuxuuna ii sheegay inuu deg deg u baxayo oo uu hooyadiis Xamar geynayo asaguna muddo ku maqnaan doono sidaa darteed wuxuu ii soo bandhigay inaan isaga raacno aniga iyo carruurtaba, hadalkaa waan u bogi waayay si toosana waa ugu amar ka diidi waayay, waxaanse ku qanciyay inuu naga sii hor maro oo uu meel noo sii diyaarsho anaguna aan ka daba iman doonno.

W/Q Maxamed Xaaji Xasan

Kacdoon@gmail.com

 

SHEEKOOYIN