Maansada : U Adeeg dadweynaha Curiye: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 

pizap.com14543418614131

Maansada : U Adeeg dadweynaha.

Maansadan magaceeda waxaa la yidhaahdaa “ U adeeg dadweynaha” waxaan curiyey 21 January 2016. Maansadan ayaa ah gu’gan cusub maansadii ugu horreysay aan curiyo, waana maanso hoggatus iyo tusaale ah, oo aan bulshada ku la dardaarmayo qaybaheeda ka la duwan iyo guud ahaantoodba, sida: ciidanka, hoggaanka, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, culumada, warbaahinta, halabuurka iyo qoraha, inuu qof weliba kaalinta uu bulshada ugu jiro   isagu hagaajiyo, oo markaas la helayo, bulsho hufan, oo haggaagsan, si aan hoggaan hagaagsan u helno, qof weliba isagu qof ahaan iyo qoys ahaan hays hagaajiyo, hana qabto intuu karaankiisu gaadhsiisan yahay, isagoon cid kale ku xidhin kuna eedayn, dalka iyo dadka iyo dowladnimada xilbaa inaga wada saaran, ee nin weliba inta uga aaddan ha guto. Bogasho wacan;

Maansada: U adeeg dadweynaha

 

  • Dantu wadajir weeye
  • Nin walbowba daanta
  • Daaqad iyo awooddaa
  • Ha ka daalinee qabo.
  • Adoon darajo gaariyo
  • Xil dushaada saarneyn
  • Oon jagana doonayn
  • U adeeg dadweynaha.
  • Adigoon dan gaariyo
  • Dahabiyo sunuudiyo
  • Damashiyo xariiriyo
  • Daariyo dukaamaad
  • Baabuur dakaysiyo
  • Adoon duunyo rabinoo
  • Diinaar ku soo gelin
  • U adeeg dadweynaha.
  • Ninba daafta uu xigo
  • Ha daboolo baahida
  • Ha ka jiro dayaca abid
  • Doc faruurna yuu glin
  • Ninba door aqoontiis
  • Ha daryeelo maatida
  • Ha daweeyo boogaha
  • Ha dabiibo dhaawaca.
  • Diraca iyo geesigu
  • Degta qori ha saarteen
  • Dalkoodana ha dhawreen
  • Ha didsheen cadaawaha
  • Dabadhilif shishee ah
  • U adeega duul kale!
  • Duubcadkiyo askarigoow
  • Waxba derin ha doonina
  • Deexdiyo cammuuddaa
  • Ka dareen wanaagsane
  • Daljiraha ahoow diran
  • Bulshadiyo dadweynaha
  • Ha ku noqonin Daahuush
  • Dadku ay ka dhuuntaan
  • Una debecsanoow abid.
  • Deeblaha kan dhaqayiyo
  • Midka dalagga beeroow
  • Duxda hilibka xoolaha
  • Digirtiyo hadhuudhkaa
  • Dhamideen na deeqde
  • Ha ka daalin weligaa
  • Waxba deeq timaaddiyo
  • Doomaha ha suginnina
  • Ku dedaala dhaqashada
  • Dabashada kalluunkiyo
  • Inaad miraha duugtaan.
  • Adigoon dareen gelin
  • Dacar iyo xumaan fidin
  • Warka dooro kii wacan
  • Wariyaha duryamayoow
  • Dibnahaagu yay noqon
  • Kuwa fidiya deebaaq
  • Dakanooyin soo faga
  • Dib u huriya dhiillada
  • War dareen leh naga jira
  • Dadku waa ka daalaye!
  • Midka daraja sara iyo
  • Kursi doonayoow maqal
  • Adigoon dab sii hurin
  • Dadka iyo xigaalkiyo
  • Shacabkeenna ka la dilin
  • Waxba deebta sii shidin
  • Damanaha ka qalab dhigan
  • Doqontiyo ma garatada
  • Diiwaanka soo qoro
  • Dubaaq lagugu raaciyo
  • Doodna miiska soo saar
  • Duubka aan ku saarnee.
  • Midka duunyo haystoow
  • Dadka iyo dalkaagaba
  • Ugu deeq waxaagoo
  • Intii aad ku dili layd
  • Dabna aad ku shidilayd
  • Waa daanno taasuye
  • Dibjirkiyo agoontiyo
  • Duqayda iyo naafada
  • Dugsi iyo cuntaba sii
  • Ha laguu duceeyee.
  • Kuwa doojinaayee
  • Darka maanta joogow
  • Daymooda dacallada
  • Wax kastoo la daaqaa
  • Dibnahaaga dhaafaa
  • Durba waa dhammaadaan
  • Magacaan duqoobeyn
  • Duugoobin weligii
  • Aad nin door ahaatide
  • Diiwaan qurxooniyo
  • Taariikh duuga reebtide
  • Deji xeer bulshada dhaqa
  • Danta guudna taageer
  • Dalka daacad u ahoow
  • Dibindaabyo naga dhawr.
  • Dumariyo habloow maqal
  • Dalka udub dhexaadiyo
  • Idinkaa laf duud u ah
  • Idinkaa Ku dayasho leh
  • Idinkaa dad ugu mudan
  • Dumaroow hal doorkiyo
  • Doqonka iyo tuuggaba
  • Idinkaa dihdoo dhalay
  • Diriciyo dabbaalkaba
  • Idinkaa dabka u shida.
  • La dardaarma weligiin
  • Kana diida ceebaha
  • Daallin iyo midkii diran
  • Durbaan haw garaacine
  • Is ka diida dhiilada
  • Naga didiya bahalaha
  • Yeysan dabin idin dhigin
  • Digtoonaada weligiin.
  • Da’ yartaayna aashiin
  • Dalka iyo dadkiinnaba
  • Idinkaa u daaqada
  • Idinkaa u dowlada
  • Idinkaa u diricyo ah
  • Waa iga dardaarane
  • Doorkii hawtalhamaggi
  • Dabka hawgu dhicinina
  • Damiirkiinna kaashada
  • Dabinkiyo shirqoollada
  • Ha ku dagane dhawrsada
  • Dalka iyo dadkaba haga
  • Danta guudna wada jira.
  • Culumada dacwiyeysaay
  • U duceeya maatida
  • Dantu wadajir weeye
  • Dareen lagu riyaaqiyo
  • Midnimada ku daakira
  • Dacar waan ka daalne
  • Noo doora tii roon
  • Diintana ha burinnina
  • Dabka dhiga dambiga jira.
  • Deelleey mid tiriyiyo
  • Danabyada wax curiyow
  • U dudubiya maansada
  • Uga diga dadweynaha
  • Dambigiyo xasaradaha
  • Duullaan sokeeyaaha
  • Duudsi iyo wixii daran
  • Dadka fara wixii roon
  • Danta lama huraaniyo
  • Dalka iney jeclaadaan.
  • Ma u deexday gobonnimo
  • Ma la duubtey shacabkii
  • Ma u digay ninkii daran
  • Ma u diray halkii roon
  • Ma u dooday garashada
  • Dacar baan macaanaan
  • Dulmibaanan guul dhalin
  • Duudsibaan sinnaan curin
  • Doqonbaan fariid noqon
  • Dulli baan aflaxin abid
  • Ana Doorkii maansada
  • Duuduubey heestiii
  • Dig ka siiyey dulucdii
  • Nin weliba dareenkii
  • Ha ku maalo doobataha
  • Dambarkana ha dhiiqsado
  • Anna duubay oo dhigay.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN