Sheekadii SODDOHO Q.14aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Baarliin ayaa hurdada ka toosisay Daahir, waxayna ku tiri: “Baariis ayaa xafiiska kaa soo wacday” wuu dhibsaday hurdo ka toosintaas, sababta oo ah wuxuu ku jiray riyo macaan oo ay ku wada sheekeeysanaayaan Raxmo, hadduu ogyahay in ay u soo waceyso arrin shaqada ka baxsan, hurdadiisa kama soo tooseen, oo intuu ku laabto ayuu riyada halkeedi ka sii wadan lahaa.

Waxay riyadu joogtay Raxmo oo uur leh oo uu u diidaayo in ay howl qabato, ayadana ay ku leedahay: “waxaan ku wallacay in aan dharkaaga dhaqo oo ma rabo in qof kale dhaqdo, waayoo way ii soo carfaayaan markaan dhaqaayo”.

Telefoonki markuu qabtay ayay Baariis u sheegtay inta ay Aamina ku wada hadleen wuxuuna ku yiri: “hooyo ma yeeleeyso in ay Raxmo hooyadeed ka caqli badisay, oo qorsheheedu yahay in ay ayada ku burburiso arooska, waayoo hooyadeen waa taqaanaa in ay yeeleyn naag ayaa kaa caqli badan” intuu xoogaa aamusay ayuu yiri: “aniga iga war sug ilaa aan go’aan ka gaaro”.

Baariis ayaa ku tiri: “waxaan u maleynaa in ay Aamina aaday reerkoodi, si ay arrinta hooyadeed ugu soo sheegto walaasheed Raxmo, waayoo dhowr jeer ayay igu tiri: Raxmo iyo Daahir lama socdaan majaxaabinta hooyo” Daahir intuu telefoonka demiyay ayuu suwaal iyo shaar isku boobay, wuxuuna go’aansaday inuu ka gaaro Aamina si ay arrinta ugu sii dheelin, haddii kale waxaa dhici karta in hooyo Cambaro ay qaadato mowqif adag, markaana ay ku sii adkaato inuu labada hooyo isu keeno.

Aamina way ogtahay xilliyada ay hooyadeed beerta jirto iyo xilliyada ay gurigeeda joogto, sidaa daraadeed waxay hooyo ka soo martay beerta, waxayna u tagtay ayadoo ay howshi bartamaha u mareysa, markaana ay guraneeyso khudrad ay reerka u qaadato, xoogaa yaanya ah, xoogaa basbaas ah, xoogaa bataati macaan ah iyo liimo dhanaan ayay ku ridatay kiishkeeda, si ay hore ugu sii qaadato, markay aragtay Aamina oo beerta soo geleyso ayay kor u istaagtay.

Aamina oo u timid ayaa hooyadeed ku tiri: “hooyo duhur wanaagsan” Codweyn ayaa tiri: “maxaa ku soo wirwiriyay maanta? oo qorax kuleylkaan ku keenay Qoryooleey?” Aamina ayaa tiri: “hooyo marki aan kuu sir waramay, ayaad sirteeydi ka faa’iideeysatay si aad Daahir ugu diido Raxmo, sababta diidmadana ay u lahaato eedo Barni” Codweyn intay qososhay ayay tiri: “dembi baare miyaad isu beddeshay oo dembi aan galay miyaad igu ogtahay?” Aamina ayaa tiri: “hooyo dembi ayaad gashay kuma dhihin, laakiin ballanti aad ka qaaday Raxmo ayaad uga baxday, waayoo waad u ogolaatay in ay eedo Barni ka soo qeybgasho arooska, haddana eedo Barni ayaad ku soo tiri gurigeeyga hayga imaan”.

Codweyn ayaa farta ku fiiqday Aamina markaa ayay tiri: “hooy hooy hooy i dhegeyso, waxaan ku weydiiyay Raxmo ma adigaa dhalay? mise anigaa dhalay?” Aamina ayaa tiri: “adigaa dhalay” Codweyn waxay tiri: “Raxmo ha igala talin ee midda aad dhashay u tasho, haddii aan ballan ka qaaday iyo haddii aan ballan uga baxay adiga wax kaa khuseeya malaha” Aamina ayaa tiri: “walaasheey in ay guri gasho oo nin wanaagsan guursato ayaan rabaa maahine wax kale ulama jeedo” Codweyn ayaa tiri: “anigaa kaa jecel middaas” waxay hadalka sii raacsatay: “Daahir asagaa laga rabaa inuu hooyadiis keeno, sababta oo ah gabadheeyda ayuu ku canaaday in ay aniga ogolaansho iga keento, sababta aan hooyadiis ugu soo musmaarayna, waa in ay sahal ugu yeelin wuxuu rabo, haddii ay reerkaas ku baxaayaana haku baxaan, haddii ay ku soo heshiinaayaana haku soo heshiiyaan, ee adiga dhexdeena kuma qaado ee dhexdeena ka bax”.

Aamina waxay aragtay sina in aan looga guul heleyn hooyadeed, way ogtahay in ay Raxmo jeceshahay, wayna ogtahay in ay cinaad badan tahay, laakiin uma haysan in cinaadkeedu isugu jiro wanaag iyo xumaan, waayoo waxaa u muuqatay in haddii Daahir uu keeno hooyadiis ay arrintu wanaagaanaaneeyso, haddii aanu keenina ay xumaaneeyso.

Codweyn iyo Aamina markay beerta ka soo bexeen ayay gabadheeda ku tiri: “booteejadi baabuurta laga raacaayay waa joogtaaye, xagee ii daba soctaa?” Aamina ayaa tiri: “hooyo Raxmo ayaan wax ka rabaa” Codweyn ayaa tiri: “Raxmo waxa aad ka rabto horteeyda ayaad ku weydiisaneeysaa, sababta oo ah nux nux ma rabo aniga”.

Aamina kolkeey shuruuda ogolaatay ayaa laysi soo raacay, marki ay albaabka guriga geli lahaayeen, ayay Codweyn aragtay gaarigi Daahir watay oo dhankooda u soo socda, intay istaagtay ayay simanka qabsatay.

Daahir markuu gaariga ka soo degay, ayay Codweyn tiri: “maanta sir ayaa fashilantay, ileyn inta aan beerta ku maqanahay, adigana guriga ayaad ku soo maqan tahay”.

Daahir oo yiri: “hooyo sheekadu sidaa maaha” ayay Raxmo guriga ka soo baxday, Codweyn intay Raxmo fiirisay oo madaxa gundhisay ayay tiri: “Raxmo warka i sii, sababta aad Iskoolka uga baxday, ma waxay aheyd inuu Daahir guriga kuugu yimaado inta aan ka maqanahay?” Daahir oo hadli raba ayay tiri: “us, maxkamadaan adiga kuuma taal” ka dib ayay raacisay: “Raxmo hadal”.

Aamina waa yaaban tahay, waxayna u qaadatay in ay labadooda isu soo dhuuman jireen, Raxmo ayaa tiri: “hooyo waxaas ma jiraan”.

Codweyn ayaa afka goosatay oo tiri: “aniga waxaan indhaheeyga ku arkay miyaa been ah? mise hooyadaa ayaa been sheegeeyso?” Raxmo ayaa tiri: “hooyo been ayaad sheegeeysaa kuma dhihin, mana kuu quuro in aan ku dhoho, waa runtaa in aad aragtay Daahir oo yimid gurigeena, waana marki ugu horeeysay uu yimaado, laakiin shakiga ah inuu maalin walba yimaado, ayaa ah mid aan run aheyn oo sumcadeena ku ciyaaraayo, naag kalana kama qaadan laheyn”.

Codweyn oo gabadheeda fahamtay, kuna qanacday hadalkeeda ayaa Daahir ku tiri: “maxaad gurigeena ka soo doontay?” Daahir oo ay su’aashaas jiq ku noqotay ayaa yiri: “Aamina ayaan soo raadiyay”.

Codweyn waxay ku jeesatay Aamina, waxayna ku tiri: “maxaad iigu sheegi wayday Daahir inuu kuu imaanaayo?” Daahir oo raba inuu ka jawaabo, ayay gacanta lulushay.

Aamina ayaa tiri: “hooyo waxba kama ogeyn inuu Daahir i soo doonaayo, laakiin waan ogaa inuu maanta shaqo aadin oo uu xanuunsanaa, waxaa ii sheegtay walaashiis Baariis oo aan xafiiska ugu tegay”.

Raxmo oo is celin wayday marki ay maqashay xanuunka Daahir ayaa tiri: “Daahir xagee lagaa haayaa?” Daahir ayaa ku yiri: “ma xanuunsaneyn laakiin waxaan u joogay howlaheena in aan ka shaqeeyo”.

Codweyn ayaa tiri: “sheekada socota ma aha sheeko sii soconeysa, maanta ka bacdi Raxmo waxay ii raaceeysaa beerta” waxay sii raacisay su’aal ay Daahir weydiisay: “Aamina maxaad ka rabtay oo aad Qoryooleey uga soo raadisay?”.

Daahir ayaa ku jawaabay: “Baariis ayaa ii sheegtay in Aamina ay Qoryooleey soo aaday, waxaana ka rabay in ay ila soo rarto alaabta guriga iyo in aan sida alaabta loo dhigaayo kala tashado” erayadaa marki ay maqashay Raxmo, laabta ayaa u qaboowday, waxay u qaadatay inuu imtixaanka barkii soo dhammaaday, marba haddii ay aqal gelaayaan ayada iyo odaygeeda.

Hooyo Codweyn ayaa tiri: “Aamina maanta ka bacdi waxaad iigu tirsan tahay reer Barni, ileyn sida aad uga warhaayso noogama warhayside” ayadoo dhaadhaajineysa Aamina ayay tiri: “waan ogaa Daahir inuu maanta shaqa aadin, Walaashiis aan xafiiska ugu tegay, reerkaas qofka xanuunsan iyo qofka kale waad kala taqaanaa” intay labadooda fiirisay ayay tiri: “ma been baan sheegaa?” Codweyn ayaa hadalki ku soo xirtay: “Aamina wax aad Raxmo weydiineeyso oo idinka dhexeeya ma jiraan, alaabta la soo rar reerka aad ka tirsan tahay oo kugu xisaabtamaaya” Daahir ayaa yiri: “maya hooyo xaalku sidaa maaha” Codweyn ayaa tiri: “alaabta dukaan miyaa laga soo qaadaa?” Daahir ayaa yiri: “maya waa tii kal hore gurigeena lagu sharaxay, oo aan soo raraayo?”.

Codweyn oo halkaa wax uga bidhaameen ayaa tiri: “war ii cuntamaayo maaha warkaas, alaab guri taalo ayaa lagala tashanaa Aamina sida loo dhigaayo war maaha, ma ayadaa marki hore dhigtay guriga ay hadda dhex taalo?” markaa ayay Aamina ku soo jeedisay su’aashi: “ma adigaa dhigay?” Aamina markay “maya” tiri ayay Codweyn tiri: “gabdhaha la dhashay ayaa dhigeen maahinoo?” intay tiri, ayay sii raacisay: “sida aad rabtiin yeela ee imooda oo wejigiina iga qariya”.

 

La soco. …..15aad.

 

SHEEKOOYIN