Qaraxii liido, ayaa nolosheedii god madaw ku riday!

 

liido

 

 

 

 

Qaraxii liido, ayaa nolosheedii god madaw ku riday!

Aways, iyo nuura waxaa lagu guda jiraa, xafladii arooskooda iyo meherkooda oo la rabo in lays raaciyo. Waa aroos iyo meher mucjiso leh, iyaga oo aann weli is guursan ayaa la sharaxayay gurigii arooska, waxa uu aqal fiilo ah ka kiraystay degmada madiina.Waa la goglay oo alaabtii arooska la dhamaystiray, weliba waxa uu hurdada, fadhiga, iyo cuntada, ka soo gaday dalka turkiga, oo uu ku maqnaa mudo laba todobaada.

Lixdii maqsin ee fiiladu ka koobnayd, mid mid ayaa loo sharaxay, daarada waa la goglay oo roogag, iyo fadhiyaa la dhigay. Guriga waxaad moodaa qasri maxtooyo, bilicdiisa iyo sida loo habeeyay. Dhalinyarta xaafadu way ku sheekaytaan, oo camal bay u noqotay iyo inay ka faaloodaan, oo su’aalo iska waydiiyaan, gurigan la boqray ee la bilay.

Qadartu waa ta alle balse lammaanahani, waxay rabeen nolol raaxo leh, oo dhamaystiran inay samaystaan. Si gelinka hore meherku udhaco, ka dambena arooska loo qaban qaabiyo, oo si fudud hawshu ku dhaafto.Waxaa lagalay, todobaadkii doonista iyo meherku uu dhicilahaa. Waxaa la soo kireeyay hotelkii xaflada iyo aroosku ka dhicilahaayeen, kaadhadhkii ayaa la sameeyay, waanna loo qaybiyay dadkii lagu marti qaaday.

Aways, iyo nuura way israaceen. Suuqa ayay tageen, si ay u soo kataan dharkii arooska iyo meherka.Aways, waxa uu soo iibsaday laba suudh, kii uu beri meherka ku tegi lahaa, iyo kii uu habedn dambe arooska ku gelilahaa.

Halka nuuri ay soo iibsatay dharkii mariinka, koofeerkana waxa ay ka soo balansatay taashkii, wayna soo xinaysatay.Waxa ay soo mareen saylada, adhigii alla bariga ee arooska lagu qalqalilaha ayay soo gateen.Gurigii ayay keeneen xoolihii, oo ay joogan aways hooyadii, iyo dadkii kale ee arooska ka shaqaynayay.

Caruusku waxa uu wataa gaadhi garande ah, saddexdii markay ahayd ayuu koofeerka geeyay caruusadii, si wejiga loogu soo qurxiyo top na ay u soo ay u soo xidhato, si ay xeebta liido sawiro ugu soo galaan lamaanuhu, si beri ay asxaabtoodu usoo dhigaan sawirada hambalyada meherka.

Aways, iyo waxaa is raacay saaxiibkii cadare, inta gacalisadiisa hawsha qurxinta loo wado, ayay rabeen inay ka soo noqdaan xeebta liido, kuna soo dabaashaan, oo soo qaatan jawi farxadeed. Markan waa loo dhameeyay nuura hawsheedii, qurxinta oo waa diyaar, iyadoo is leh garaac lamaaneheeda, si uu ugu yimaado oo ugeeyo xeebta liido, ayaa waxaa soo garaacay walaalkeed culusow, oo gaadhi wata, nasiib wannaag na hor marayay halka ay joogtay.

Kaalay iqaad bay ku tidhi:” oo igee xeebta liido. Waxa ay wacday gacaliyaheedii una sheegtay, innuu walaalkeed soo wado, uuna iska joogo, oo iyadu halka ugu timado. Wuu ka aqbalay, gabalka ayaa dhacayee soo carar inta iftinka si sawiradu noogu soo baxaan, inta cadceedu soo jeedo ayuu ku yidhi:” aways.

Waxa ay gashatay top u eeg midabka cirka, oo aad uqurux badan, waa geenyo shaaximan oo ilqabatin leh, waa heego muuqdheer, farxad iyo rayn-rayn ayay la ilmanaysaa, waxa ay hoosta kaleedahay, alla wakhtigu fogaa yaa ku gaadhsiiya xeebta liido.Xooga markay soodeen ayay maqleen buuq, qaylo, baroor, hugun ka baxaya xagii ay ku jihaysnaayeen.

Hore markay u soocdeen ayaa lagu yidhi:” qarax xanuun badan ayaa ka dhacay xeebta liido. Nuura, wadnaha ayaa haqyidhi way iska gariirtay, sidii; qof geeri loo soo sheegay, walaalkeed ayaa kala booday lambarkii oo garacay aways, si deg-dega ayuu u yidhi:” lambarkaad wacday wuu dansan yahay.nuura ilmadii iyo bootarkii wejigeeda marsanaa ayaa qooyay, oo milil ayay noqotay.Saaxiibkiisi la socday ayaa soo hadlay, oo yidhi:” annigu waann nabad qaba, balse aways wuu dhintay! oo qaraxii ayaa haleelay, jidhkiisina waxa laga hayaa gacan keliya. Nuuri way tagtay, si ay ugu soo samirto, gacantiisa, ileen intii kale waxa ay noqotay hilib la qurbay,

Go ayaa lagu uruuriyay maydkiisii.Gacantu waaba bidixdii, ay saaka ugu gelisay fargalka, iyo saacada. Balse gabadh iimaan leh ayay ahayd, wayna ku samirtay qadarka alle Goobtii farxada iyo hambalyada arooska laysku tahniyadaynayay, ayaa daqiiqdo yar isu rogtay geeri iyo tacsi.

Gurigii cusbaa iyo reerkii la sugaayay, ayaa mayti u soo hoyatay.

 

W\Q: Amina cabdilaahi.

SHEEKOOYIN