Ey Goonjab Qaba

sasas

Ey Goonjab Qaba 

Labaduba kuwaa maantadan isu cafaarijin[1],
Iyo kuwaa berrito kale sii dhowrayaa,
Mu’addin ‘yaa kuudkii
[2] mugdiga uga qeylin:
“Doqonnow! Ajirkiin ma yaal Halkaan iyo Halkaas ba!”

~ Cumar Khayyáam
Rubaaciyaat (
رباعيات خيام)
drc

Macallin Dhoodaan (AUN), isaga oo ku soo halqabsan maahmaahda Soomaaliyeed ee tiraahda: “Ey tin way ka hartaa, dabciguse kama haro,” ayuu tix gabay ah ku yiri,

  • “Ey duur galaa timo guf ihi way ka go’ayaan e;
  • Dabeecaddu se kama guurto iyo goonjabkuu qabay e!”

~ Qaryaan Cabdullaahi Axmed Cismaan,
( Dh o o d a a n),
G a l a a x o o r

Dadyow, illayn ey gaas oo kale ah, ayaa ba jira: Duur kuu roon e, haddii xataa ay galaan Xaramka Kacbada Udugoon—walow laga yaabo in dembi uga soo yaraado—ha ka sugin se, debeecoodii xumaa, in Gurigaas Eebbe, uu uga soo harayo.

Cakuye ammaan Maryooley! Soomaalidu, labagalle[3] haas oo kaleeto ayaa ay ugu yeeraan, ku na weyneeyaan koofaarta “Xaaji Cumar“. Hayeeshee, “ma og tahay dib loo ma abuuro dadkee”. War illayn dabcigu ma doorsoomo.

Xaajinnimodii Cumar meeday? Hablow weligiin ma la kulanteen nin aad wanaag ka filaneyseen, munaafaqnimadiisa awgeed, is ka daa’ rajadii isaga aad xaggiisa ka qabteen e; ma ka oggolaan lahaydeen, si bareer ah, haddana, in uu ugu sii tunto dadnimadiinnii? Imisa murwood ayuu Xaaji gu se weli sii dhagri doonaa? Sidaas daraaddeed na, dareen iyo qab kooda na, si horleh na, u sii wada dhaawici doonaa? Amase ba, afkiisa ay ka quban aburta cudurka raabbiyada, imisa hablood ayuu ku sii wada qoomi doonaa? Imisa ayuu beenohiisa sii qaadsiin doonaa…? Isaga oo aan waxba ba ugu tooraneyn, waxba na u tari kareyn; misana, lacagta uu dumar warmoog ah ka soo kala dhaco, ayuu, ogow,  ku sii kala masruufaa naago kale, kuwaas oo dalal reer Yurub ah ugu kala qudbasireysan—iyo xataa xaggii Afrika Bari ba; sida afadiisa caanka ah ee Xaaji Cumar keeda ku koran degmmada Islii, Nayroobi. Xaammilo, miskiin, too maalin dhow taraareysan[4] doonta! Xaajiga leh dhaqanka caynkaas ah, ma laga yaabaa in ilmo hiisu na, gumaro da aabbennimo, mayee, goonjab kiisa, in ay isaga ka wada dhaxli doonaan? Xaajinnimo dii Xaaji Cumar, walle, la soo hel!

Goortii kasta oo Marwo Warfog la weydiiyo, “Mee say gaagii?”
Raalliyo diisii na, waxa ay deriska ugu bishaareyn, “Danjire hayga, waa soo xajiyoow haayaa!”

Ayaandarro weynaa. Heerinka hablood, gabdho wada guurdoon ah ee qurbuhu ku kaffifay in xilagube haas oo kaleeto ay ku sirmaan, Ilaahay ayaa uun ba u maqan. Gabarey, waxa aan anigu se, adiga, kuugu ba duceyn lahaa, isla ducadii Abwaan Cadi-Qeys: “Ilaahay nin caasiya, yaanu calaf ba kuu gelin.” Aamiin!

Yaa u sheega, Marwo Warla’, in Danjire heedu yahay inkaarqabe, uu Sheydaan gelin walba uga soo eedaamo Munnaaraddii Mugdiga: Addoon kaa weeye caasiga ah, oo aan kala jeceleyn adduun iyo aakhiro, toona ba. Waa xaaduq[5] weliba na tiirri[6]ah, oo aan rumeysaneyn qiyaame ha foogta iman doono iyo—Abaalmarinta Eebbe. Ninku Xaaji Cumar ahaa!


Eray iyo Ujeeddo

[1] cafaarijis ~ka: u gadangaabsasho, isu diyaarin, u diyaargarow.

[2] kuud ~ka: munnaarad, soomacad, toorre, burji, minaarad, masawac.

[3] labagalle ~ha: Labagalle: dhagarlow, khaayin; qof ah kulajire-kaajire, labawejile, munaafaq.

[4] taraareyn (fal): haweenka uurka leh, kurta ay sameystaan bisha sagaalaad: kureysi, sagaaleysi; allabari.

[5] xaaduq ~a:  qof dabeecad xun.

[6] tiirri ~da:  bahal (cirfiid) awaaleed, ama yahaabur fildaran, ee ku yaal sheekaxariirooyin ka reer Galbeed ka, kaas oo ku dul nool Aadami ga, dadcun; marka halkaas laga soo qunsado: bahal kasta ee dhawr (cabsi) leh; cimlaaq aan turriimo lahayn.

tiirri (-da) — 1. (sheekaxariiro) dad aad u waaweyn oo xoogag badan oo waxa ay arkaan laaya. 2.Dad aan raxmad iyo jimic lahayn, Ilaah na aan aqoon; gaalo. 3. Yahaaburro.

~ Dr Yaasiin C. Keenadiid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga

.
.
.


● 
“Ey Goonjab Qaba”
Wq A. M. Yusuf (Wayeel)
Email: wayeel@gmail.com

 

SHEEKOOYIN