Gef rageed iyo Godob Haween Q2AAD W/Q; Cabdirisaaq Xasan jidhi(Aqwaan)

 

quotescover-JPG-31

 

 

 

 

 

Gef rageed iyo Godob Haween Q2AAD

 Intaas marki ay dhahday Ayaan way iska baxday, maryanna waxay usoo gadoontay qolki ay kaga xirneyd xabsiga ayadoo ay rajo yar soo gashay, aad ayayse ugaWelwelsantahay waxa ay noqon doonto akhbaarta uu Axmed uqoray maxkamadda.Waxay indhaha ku haysaa magaca ku dul qoran bashqadda la siiyay. Far waaweyn ayaa dusha sare looga qoray,

  •  KASOCOTO. AXMED SHEEKH CABDULLAAHI
  • KU SOCOTO.. CIDDA AY QUSEEYS

Inta aysan bashqaddi kala furin waxay aad eegmada ugu badisay magaca AXMED, waxay dib u xasuusatay yaraanteedi iyo sida ay Axmed isula barbaareen,Haa, waxay xusuusatay taariikhdeedi oo dhan, ayadoo yar ayay aad uga heshay hab dhaqankiisa, dugsiga quraanka ayay ahaayeen kuwo isku cashir ah.Waxaa la dhihi karay halkaas ayuu ka unkamay xiriirka mugga weyn leh ee u xuub siibtay in dhidibada loo aaso guri iyo reer ay ku midaysnaayeen, waloow uusan maryan aabbaheed la jeclaysanin in gabadhiisu ay la aqal gasho nin dhallinyaro ah oo aaan haddana dhaqaalo buuran gacanta ku haysan haddana arrintu waxay ahayd mid ay iyadu iska go’aansatay.

Aad ayay ugu ad adkayd rabitaankeeda, xaalad walba oo jirtana waxay ka doorbiday in mar uun ay iyada iyo Axmed wada dadab-galaan. Bilowgi hore ee guurkooda waxay la kowsadeen nolol adag iyo daruufo dhaqaale oo bannaanka soo dhigay qofka iyo dabcigiisa. waxaa xanuunsaday maryan aabbaheed oo isbitaal ladhigay, mana jirin wax hanti ah oo uu lahaa, aad buu u sakaraaday mana jirin cid u maqneyd oo gargaar la bidi karay.

Waxaa hareerihiisa kusoo haray maryan iyo Axmed oo iyaga naftoodu xaalku ku xunyahay, ugu dambeyntiina maryan aabbaheed wuxuu u geeriyooday xanuunki mudada hayay oo uusan u helin daawadi ku habooneyd, maryan waxaa kaloo soo maray maalmo mugdi u ahaa nolosheeda ka dib markii ay xaamilo noqotay oo ay xanuuno badan daris la noqotay, wuxuu rabbi ugu deeqay in ay wiil ku curato.Maryan oo mar walba qoyskeeda aad uga taxadari jirtay, waxay ahayd marwo daacad u ah ninkeeda, in ka badan inta ay nafteeda u duceyso ayaa ninkeeda uduceyn jirtay, waxay ka fikiri jirtay qaab walba uu horumar ku gaari karo, waxayna guudka saaran jirtay qalad walba iyo gef walba oo dhexdooda ka dhaca.

Kadib xaaladooda qoys ahaaneed way iska soo hagaagaysay maalinba maalinta ka dambaysa, Axmadna wuxuu helay shaqo fiican, waxaa u bilaawday maalmihi ugu macaanaa noloshiisa, wuxuu la shqeystaa ganacsato dekadda alaabo kasoo dajiso, wuxuu iibsaday dhul uu isaga milkiyaddiisa leeyahay kaas oo uu dajiyay Maryan oo markaan noqotay hooyo wadata saddex carruur ah, haa saddex wiil oo isku xigta,

Waxay aaminsaneyd in farxadda qoyskeedu ay dhamaystirmatay, balse waxay wax kastaahi isbadaleen marki ay Maryan maqashay hadalhaynta xaafadda ku jirta oo ah in Axmed uu damacsanyahay inuu laguursado xaas labaad!!Filan waaga iyo kadisada uu warkaasi ku noqday ayaana sababay in maskaxdeedu ay xamili wayso inay la aamusto dhaawacyada gaaraya, waxayna habeenki ugu horaysaba Axmed waydiisay waxa kajira hadallada ay kasoo maqaashay magaalada, asigoo dhoollacaddaynaya ayuuna ugu jawaabay “Ninka ragga ah waxaa ubannaan afar xaas”.

Hadalkaas wuxuu Maryan si cad u ogeysiiyay damaca ninkeeda kujira, waxay isweydiisay “maxaa kaa qaldan oo uu ninkaadu kuugu qanci la’yahay? Qasab miyaa in ragga marka ay xoolo yar helaanba ay dumarka badsadaan? Muxuu arrintan kaa la tashan waayay? Mayee adiga yaa tahay horta? Naag saddex dhal ah ayaa tahay sax balse taas eed maku leedahay?Intaas iyo ka badan ayaa maalin walba maskaxdeeda ku wareeganayay ayadoo hadalhaynti xaafadduna sideedi tahay ayaa waxaa Maryan ka xanuunsaday wiilkeedi curadka ahaa.Isla maalmahaas ayuu Maryan ninkeedu isu diyaarinayaa aroos cusub inuu galo, habeenki xaafadda kama casheeyo waqti dambe ayuuna imaadaa, si fiicanna ugama warqabo xaalka ilmihiisa oo subixina shaqo ayuu u dheelmadaa,

Maryan aad ayay uga warqabtay qabanqaabada arooska Axmed oo waxaa usoo tabinayay gabdho dariskeeda ah oo ay sheeko wadaag ahaayeen. Haa wuxuu guursanayaa gabar xaaafadda dhinac ka daganeyd oo aad uda’yareyd, gabar iskuulley ahayd oo ay reerka Axmed qaraabo kore ahaayeen.Subaxnimo jimco ah ayay ahayd, waa subixi arooska Axmad, xaflad weyn oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa laga diyaariyay guriga arooska halkaas oo lagu ballansanyahay in subaxa hore uu ka dhaco meherka Axmad iyo Sahra, isla subaxaas guriga Maryan waxaa xanuunki ku sii saa’iday wiilkeedi curadka ahaa.Maryan waxay wacday taleefanki axmed, balse lagama jawaabin oo cidna maqabanayso. Maryan oo kaligeed ah ayaa isbitaalka ula carartay wiilki ka xanuunsanaa,

Maryan waxay guriga uga tagtay gabar ay daris iyo saaxiibo ahaayeen, haa waa Ayaan, si ay uga sii warqabto labadi cunug oo kale, isbitaalki marki ay tagtay waxaa Maryan loo sheegay in cunuga xanuunsani jiif loo qoray oo uu caawa isbitaalka la jiifinayo, Maryan oo kaligeed isku buuqsan waxaa galabtigi soo wacay ayaan oo usheegtay in ay subixi iskuul leedahay waxayna kac odsatay in Maryan ay ilmaheeda u imaato.

Maryan waxaa kusii batay fikirki iyo welwelki ilaa iyo haddana Axmad taleefanka kama qabanayo, talo ayaa ku ciirtey, waxay is tustay sida ay macquul ku tahay in iyadana ay murugadaas dhex dabaalato Axmadna uu damaashad iyo aroos ugu raaxaysan karo, waxay daqiiqad gudahood ku hilmaantay dhammaanba waqtiyadi ay isla soo wada qaateen, waxaana qalbigeeda ku abuurmay caro iyo xanaaq aanan xad lahayn,marki ay maryan cunugeedii oo weli xanuunsan isbitaalka ka soo bixisay oo ay xaaafadda keentay, waxay ahayd saddex maalin kadib guurki axmed.

Maryan marki ay Adeeg ka doonatay miis ay dadka xaafadda ka iibsadaan hilibka iyo qudaarta, waxaa dhagaheedu maqlayeen hadal ay si hoose iskugu sheegayeen dumarka goobta joogay, hadalkaas oo ahaa ” way masayrsantahay”

Maryan oo maskaxdeeda ay gilgileen erayadaas iyo daalki ay kaqaaday rafaadki ay la martay cunugeeda ka xanuunsan, marki ay guriga ku soo laabatay waxay aragtay inuu yimid Axmed, oo asigoo ku labisan macawiis qurxoon oo Sabar ah inta joodari dhigtay geed tallaal ka baxayay guriga dhexdiisa isku kala bixiyay oo hurdaduna meel dhexe umarayso, way uqaadan waysay in Axmed uu sidaas sameyn karo, waxaana kusii batay caradi iyo xanaaqi ay uqabtay Axmed.

 

La soco Qaybta 3aad.

La soco qaybaha kale

W/Q; Cabdirisaaq Xasan jidhi(Aqwaan)

Barta Faysbuugga ee Aqwaan Xasan jidhi.

SHEEKOOYIN