Sabbanadii Samaa Q2AAD W/Q Maxamed Xaaji Xasan

 

quotescover-JPG-10

Sabbanadii Samaa Q2AAD

Waxaa ay qeybtii hore inoo maraysay xaajigii oo xaaxaabsaday safar inuu u baxana isku diyaariyay balse inta aanan safarkiisa iyo xaaladdaan taagan aanan idiin sii wadin aan wax yar idinka xasuusiyo qaabkii nolosheenu ahayd qoys ahaan.

Ninkaygu waxaa uu ka shaqeyn jiray shirkad weyn oo uu qeybta beec-geynta u joogay (marketting), usbuucii afar maalin ayuu shaqeyn jiray saddexna waa uu fadhiyi jiray. Subaxdii galinka hore asaga ayaa 3 wiil iskuulka geyn jiray, gabadhu wali iskuul maanay gaarin oo anigaa guriga ku heyn jiray, casarkiina asaga ayaa ka soo kaxeyn jiray, ninkaygu wax balwad ah ma aanu lahayn sidaa darteed inta badan guriga lagama waayi jirin oo marna nama uusan cidleyn saacadna alle haka dhigee.

Hooyada guriga inkastoo aan ahay haddana waligay guriga adeeg uma aanan doonin oo xataa qiimaha macayshadu joogto ma aanan garaneyn. Ilmaha asaga ayaa Quraanka guriga ugu dhigi jiray, anigana xataa anoon iskuul aadin luuqadda wadanka inteeda badan asaga ayaa guriga igu baray, dhankasta marka laga eego waxaa uu ahaa nin xulashadiis.

Aan dib ugu laabto halkii sheekadu joogtay, ninkaygu waa is xir xiray hooyadiisna waa diyaariyay, annagana waxaa uu nooga tagay xoogaa lacag ah oo bankigiisa ku jirtay si aan u sii biilano illaa inta uu ka soo laabanayo. Subaxnimo qamiisa ayuu Xamar u ambabaxay, maalin sabtiya galinkeedii horrena Xamar ayuu igala soo hadlay iina sheegay inay nabad tageen asaga iyo hooyadiisba. Nolol cusub ayaa ii billaabatay, culeys ayaan dareemay, wax walba anigay igu kali noqdeen, carruurta iskuulka gee ka soo celi, usoo adeeg, aan si kale u iraahdee waxaan u qaatay adduunyadii oo dhan in dhabarka lay saaray.

Markii hore inta badan guriga ayaan ku jiray oo mararka aan bannaanka aadayo ninkayga ayaa ila socon jiray sidaa darteed jaanis uma aanan heli jirin inaan dadka agagaarkayga deganaa is guda galno ama aan sheeko wadaag noqonno. Maadaama aan hadda inta badan kaligay socdo ayaa maalin maalmaha ka mida waxaan wadada iska soo raacnay gabar ayadana carruuri ay u dhigtaan iskuulka ay carruurtaydu dhigtaan, is nabdaysi iyo is barasho kadib waxay i waydiisay meeyey ninkii carruurtaan soo dooni jray?? Anigana waxaan u sheegay inuu waddankii qabtay oo uu muddo gaabanna soo laaban doono haddii eebbe ogolaado. Gabadhii markaan halkaas marinayo ayay boohin af labadii ka wareegtay, waan yaabay oo ila ahaan kari weyday waddo kale waa ii muuqan wayday oon ka ahayn bal inaan ayada aamusiyo walow xaajadu waji kale ila yeelatay.

Sabaalis dheer, kadib, waxaan waydiiyay sababta ka oohisay, waxayna iiga sheekeysay sheekadii nolosheeda oo dhan oo marka dhinac walba laga eego tayda aad u shabahda. Aan soo koobee waxay ii sheegtay inuu ninkeedu nin wanaagsan ahaa ayada iyo carruurtaba u wacnaa balse sanado kadib uu aabihii wadanka u kaxeeyay mar dambana uusan gadaal u soo laaban oo uu xaas kale Soomaaliya ku guursaday ayagiina halkaa ku dayacay.

Gurigii ayaan ku soo laabtay anoo walwalsan, sheydaana aad iigu sheekeynayo, waxaan soo gocday wanaagii uu ninkaygu lahaa, sheydaankiina wuxuu igu qanciyay in naagtii aragta aysanba deyneyn, waxaan go’aansaday inaan waco una sheego inuu deg deg ku soo laabto anooba hilmaamay dantii uu u tagay inay wali billow tahay.

Habeennimadii ayaan wacay telkii uu i siiyay, isla markiiba waa iga qabtay hallo iyo hallo kadib, meesha uu igala hadlayo ayaan cod dumareed ka maqlay oo aan kii hooyadii ahayn, calooshaa la ii dhaafay inaan ooyo baan ku sigtay hinaasaha i haya dartiis, inta is celin kari waayay ayaan iri waa tuma naagta agtaada ka hadleysa?? asagana wuxuu iigu jawaab celiyay ,Waa gabar habaryar heblaayo dhashay oo hooyo ila haynaysa maadaama hooyo mar walba ay u baahan tahay qof dumara oo iga xigsata. Warka kuma aanan sii dheeraan ee ujeedkaygii ayaan abbaaray oo aan ku iri walaalow aniga halkaan maalmaha yar ee aad sii maqan tahay waan ku dhibtooday ee waxaan kaa rabaa inaad si deg dega ku soo laabato. Waa maxay soo laabashadu ayuu igu yiri soo taanu ku ballanay inaan guri idiin sii diyaarsho oo aad iga daba imaan doontaan.

Warkii ayaa naga kululaaday oo waanu is fahmi waynay telkiina asaga oo ila hadlaya ayaan ku dhigay, sheydaan baa sheeko ii billaabay wax walba oo xumaana ayuu qalbigayga ku riday, waxaan hilmaamay wixii uu wanaag uu ii sameeyay ama uu lahaa.

W/Q Maxamed Xaaji Xasan

Kacdoon@gmail.com

SHEEKOOYIN