Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.166aad. W/Q. Ahmed Hayow

Afrax oo ah tagsiile ka qaraabta hotelka Naasa Hablood ayaa qaaday Raage, wuxuu dhex marsiiyay magaalo aad ka ashahaadaneyso burburka ku dhacay, meelaha qaarkood waxaad moodaa in sanado hore laga guuray.

 

Raage wuxuu soo xasuustay heesti Hibo ee aheyd (ma ogtihiin magaalada mudishaynu joognaa) iyo dhulki ay ammaaneysay siduu noqday, Gurigi Shaqaalaha, Taaladi Sayidka, Masaajidki Isbaheysiga, Gurigi Ummadda, Taaladi Dhagaxtuur, Hotel Bulsho, Derisiyoonki Leegada, Taaladi SYL, Fiyoorihi hore, Tiyaarki Qaranka, Gurigi Hooyooyinka, Maktabadi Qaranka, Taaladi Xaawa Taako, Hotel Shabeele, Casa Di Italia, Baarlamaanki Hore, waxay ka leexdeen Taaladi Daljirka Dahsoon oo ay ka muuqato munaaradi dheereyd.

Shalay galab Raage si fiican uma fiirin dhulkaan, waayoo waxay indhihiisu ku mashquuleen wadaada ciidamada ah oo cimaamadaha sita, kuwaas oo magaalada dhex ordaayay, wadnaha ayuuna farta ku haayay, wuxuuna ka baqaayay in xaaska laga karbaasho, laakiin subaxaan wuxuu magaalada ku fiiriyay indho ka duwan kuwii hore.

Gurigooda markuu galayna wuxuu la kulmay dood dhex mareysa Eeda Salaado iyo wiilashi deganaa qolka fadhiga, kuwaas oo ku doodaaya (kuma guuri karno hal maalin, waxaan u baahan nahay ugu yaraan sitimaan aan guri ku soo raadsano) markuu Raage soo galay oo ay isbarteen wiilasha ayuu ku yiri: “waxaad haysataan bil lacag la’aan ah, waana inaad bishaas guri ku soo raadsataan” markaa ayay aqbaleen Maadeey iyo Nuur oo ka shaqeeya dhismaha.

Raage ayaa arkay in ay guriga kala soo bexeen Moqoraf, Fargaas, Balaakiin, Miinshaar, Badiil iyo Sakiilo ay ku wataan Burus, Fargaas iyo alaabo kale, markaa ayuu ku yiri: “dhismaha guryaha miyaad ka shaqeysaan?” Maadeey ayaa ku yiri: “wax kasta waa qabanaa, guri la dhisaayo ha ahaado sar ama jiingad, xataa haddii musqul la dhisaayo waa ka shaqeeynaa”.

Raage ayaa ku yiri: “hadda shaqo ayaad u socotaan ee iska baxa, waxaan wada hadleynaa mar aad firaaqo leedihiin” Nuur ayaa ku yiri: “shaqo gaar ah uma socono oo waxaan nahay shaqadoon, haddii aad shaqo noo hayso”.

Raage ayaa ku yiri: “aniga waxaan u baahanahay injineer wax dhisa haddii aad taqaanaan” Nuur ayaa ku yiri: “waa naqaanaa, waxaa jira injineer Laayac oo saraha dhisa” Raage ayaa waydiiyay goorta ay tusi karaan injineer Laayac, waxayna u sheegeen in ay wakhti kasta u keeni karaan.

Raage oo ka shakiyay deg degta ay wax walba ku wadaan labada wiil ayaa ku yiri: “Laayac soow shaqo ma haayo hadda?” waxay u sheegeen inuu injineerku doraad dhameeyay dhismo uu ka dhisaayay Degmada Madiino, markaa ayuu ku yiri: “waxaad galabta iigu keentaan hotel Naasa Hablood” wiilashii ayaa orod isisii daayay.

Raage wuxuu qorsheystay inuu sameysto shirkad dhismo, shirkadaas oo uu qalabkeeda dhismaha kala imaanaayo dibadda, si uu labada meeloodba uga macaasho, waayoo waxaa u muuqatay in ay jirto rajo nabadeed, waloow ay caga badan ku taagneyn, balse wuxuu islahaa dadku haddii ay arkaan nabadda, waxaa suuragal ah in ay mar kalana raadiyaan haddii ay ka burburto, balse loo baahan yahay sabir iyo dulqaad lagu sugo, sidaa daraadeed ayuu ugu haminaayay inuu ka faa’iideysto inta nabadu jirto, waayoo magaaladi oo dhan ayaa isu furantay, dad badan oo dibadda ka yimidna dalka ayay soo galeen, kuwaas oo ay qaarkood ka soo degeen garoonki diyaaradaha ee muqdisho.

Raage wuxuu Eedo Salaado u sheegay in ayada iyo ilmaheeda ay iska sii deganaadaan labada qol ay degan yihiin, asaga iyo xaaskiisana ay degaayaan gurigooda oo Kaaraan ku yaala, laakiin ay guriga ka guuraan dadka ay soo dejisay, si ay uga dhabeyso ballanti ay la gashay walaalkiis Maxamed Rooble, waxaa kale oo uu u sheegay in haddii ay rabto shaqo, inuu asaga siinaayo oo ay uga adeegeyso guriga ama shaqadi kale oo ay qaban karto.

Eedo Salaado waxay khudaar ku gadaa xamarweyne, sidaa daraadeed ayay Raage ugu qalqaalisay in ay u shaqeyso gabadheeda Iqra oo 13 ah, taasoo ay ku ammaantay in ay si fiican u taqaano cunto karinta, markaa Iqra oo ag taagneyd ayaa tiri: “hooyo Iskoolkeygi maka tegaane” Eedo Salaado ayaa tiri: “kaas Iskool miyaa oo bishi wax lahaayana aad aadeyso, bishi aan wax lahaaynina ka joogeyso”.

Raage qalbiguu ka ooyay, waayoo waxaa u muuqatay duruufta reerka hayso, wuxuuna ka walaacsan yahay inuu reerka fursad uga qaato duruufta haysa daraadeed, oo uu gabadhooda oo waxbarasho rabta uu gurigiisa jaariyad uga dhigto, sababta oo ah Iqra waxay ogolaatay hadalka ay hooyadeed ku tiri, waxayna hadda diyaar u noqotay in ay ka shaqeyso gurigiisa, waxaa intaa kaaga daran Eedo Salaado oo aad ugu faraxday ogolaanshaha gabadheeda oo Raage ku tiri: “adeega ay gabadheeyda idiin qabaneyso wax lacag ah kama qaadaneyno, waayoo abaalka aad noo gasheen ayaa intaa ka badan”.

Raage waa la siiyay Iqra, meel uu uga laabtana ma joogo, waxa laga sugaayana waa goorta uu gacanta ka qabsanaayo, markaa ayuu Iqra waydiiyay: “Iqra Iskoolka galaaskee aheyd?” Iqra ayaa tiri: “lixaadyada ayaan ahay” Raage ayaa yiri: “markaan hotelka ka soo guurno oo aan meel degno ayaan idiin imaanaa” sidaa ayuu Raage uga tegay reerki oo ku faraxsan inuu degaankoodi u daayay iyo in ay gabadhoodu shaqo ka heshay, ayagoo rajeynaaya in lacag lagu siindoono xooga gabadhooda.

Raage iyo Afrax waxay aadeen Degmada Kaaraan, waxay tageen gurigi Yaasmiin oo haawanaaya, kaasoo ay degan yihiin Eeyo iyo Mukulaalo, ciyaalka xaafada ayuu suuli u noqday, filadi dhagaxa aheyd waxaad moodaa in ay aasantay ileyn inti kore waa laga qaataye, waxaa muuqda derbi dudunsan oo aad moodo in bamgacmeed lagu tijaabiyay, waayoo waxaa ka muuqda firir iyo madoowgi baaruuda ku dhex qaraxday.

Raage wuxuu soo xasuustay markuu walaalkii Maxamed uga sheekeeyay siduu ahaa gurigooda, xilligaa uu Maxamed uga sheekeeynaayay ma sawiran karin sawirka hadda ka hor muuqda, laakiin hadda ayuu si fiican u arkay hadalki walaalkiis, markaa ayuu ka soo tegay wuxuuna soo aaday hotelkiisa.

 

La soco. ……..167aad.

SHEEKOOYIN