Mashruuca gumaadka oo ay waddo WHO. (World Health Organization)

who

Mashruuca gumaadka oo ay waddo WHO WHO (World Health Organization) oo ka wadda Kenya mashruuc in gabdhaha ma dhalays laga dhigo Ururka Adduunka ee Caafimaadka oo ah laan ka mid ah Qarammada Midoobay waxay ku fadeexowday jariimo baaxad ballaaran leh oo si qarsoodi ah gabdhaha loo tallaalayo si ayan waligood caruur u dhalin oo ka socota dalka Kenya. Jariimadaas meel marinteeda waxaa gabbaad looga dhigtay wax muuqaal ahaan u eg in gabdhaha oo kali ah lagu mudayo tallaalka curdurka Teetanaha. Ururka Takhaatiirta Kenya ee Katooligga ah (Kenya Catholic Doctors Association) waxay ogaadeen inuu tallaalkaas teetanuska ku jiro “antigen” keenaya inay gabadha lagu duro ay dhiciso oo cunugga soo tuurto marka tallaalkaas lagu mudo kaddib. Tallaalkaas waxaa lagu muday laba malyan iyo saddex boqol oo kun oo gabdho iyo haween, waxaana ku mudday tallaalkaas World Health Organization oo ah Ururka Caalamiga ee Caafimaadka iyo UNICEF oo ah United Nations Children’s Fund, ahna Sanduuqa Lacagta Loogu Kaydiyo Badbaadinta Caruurta. Ma aha marka ugu horreysay oo ay WHO si qarsoodi ay dalalka soo koraya uga samayso si ballaaran gumaadka waalidiinta caruurta dhali lahayd. Dr. Muhame Ngare, oo u hadla Ururka Takhtarrada Katoolikada ah, wuxuu xarunta isbitaalka Mercy Medical Centre ee Nairobi ka caddeeyey oo uu yiri: 2 “Waxaan shaybaarro (Laboratories) ku yaalla Jamhuuriyada Koofurta Afrika u dirnay lix qaybood ee tallaalkaas oo aan kasoo qaadnay shaybaarro ku kala yaalla meelo kala duwan ee Kenya, dhammaantoodna waxaa laga wada helay “HCG antigen”. Tallaalladaas oo idil waxaa ku qasnaa HCG. Natiijadaasu waxay muujisay inay run tahay waxa ugu xumaa oo aan ka baqaynnay, oo ahayd inuu ololahaan ay waddo WHO uusan ahayn cirib goynta cudurka Tetanus oo caruurta dila marka dhashaanba, balse ay tahay qorshe si xoog ah loo maareeyey oo ujeedadiisu tahay in taranka lagu xakameeyo ayadoo loo isticmaalayo meel marinteeda xoog, si dadka looga dhigo kuwa aan caruur dhalin, ayadoo lagu isticmaalayo tallaal la hubo inuu dhalmada joojinayo. Natiijadaas waxaa loo geeyey Wasaaradda Caafimaadka, ka horba intayan bilaaban meertada saddexaad ee tallaaliddaas, dhegse looma raaricin.” Ngare wuxuu qabaa inay takhtarradu dhegaha taageen oo uu dareen galay markay WHO u sheegtay, Wasaaradda Caafimaadka ee Nigeria ay sheegtay in tallaalkaan Tetanus uu ka kooban yahay waxaan hore loo arag oo ah in shan goor qofka la tallaalayo in laba sano ka badan gudohooda, lana tallaalayo gabdhaha ku jira da’da caruur dhalidda oo kali ah. Wuxuu kaloo yiri: “Caadiyan (Tallaalka Tetanus) waxaan qofka tallaalnaa oo ku mudnaa saddex goor inta laba ilaa saddex sano u dhexeysa gudohooda, waxaanna tallaalnaa qof kastoo soo gala oo yimaada klinikada oo ay ka muuqato oo leh dhaawac furan, ha ahaado nin, haween ama cunug. Hadday ujeedadu (WHO oo gabdhaha tallaalaysa) tahay tallaalidda cunugga uurka ku jira, maxaa hadaba loo tallaalayaa laga bilaabo gabdhaha 15 sano jira? Ma guursan kartid jeer aad 18 gaartid. Sida caadiga ah oo caruurta loo tallaalo waa in la sugaa ilaa ay lix toddobaad ka gaaran.” Mexico iyo Nicaragua ayaa horreeyey Inay tallaalka Tetanus oo haweenka da’da dhalmada ku jira oo kali ah lagu tallaalo dalka Kenya uuna ku qasan yahay oo uu ku jiro HCG (Human Chorionic Gonadotropin) wax la yaresto ma aha. Tan iyo 1972 ayuu Rockfeller Foundation si qarsoodi ah ula shaqaynayay WHO iyo shirkado kala duwan oo daawada sameeya ayna maalgeliyeen mashruuca la yiraahdo “Reproductive Health” ayna meel mariso WHO. Markaasay waxay soo saareen tallaal cusub ee cudurka teetanaha. Ururka la yiraahdo Global Vaccine Institute waxay bilowga 1990 soo saartay warbixin inay WHO kormeere u ahayd mashruuc aad u ballaaran oo dad fara badan looga tallaalay cudurka tetanus dalalka Nicaragua, Mexico iyo the Philippines. 3 Ururka Comite Pro Vida de Mexico, ahna urur la xiriira Roman Catholic Lay Organization oo ku xiran kaniisadda katoolikada, waxaa shaki ka galay sababta ka dambaysa mashruucaan ay waddo WHO. Markaasay markay baareen quraarado badan oo tallaalkaasu ku jiro, sida Kenya manta looga baaray oo kale, waxay arkeen inay ku jirto Human Chorionic Gonadotrophin (HCG). Taasna waxay la noqotay wax yaab leh inuu tallaal loogu tala galay daawaynta cudurka labada qal oo qofka isku qabta, kana dhasha infekshin ka yimaada dhaawac uu sameeyey musbaar miri leh, ama ka dhasha bakteriya ciidda ku nool. Isla markaasna cudurka Tetanus waa nadir, maxaa hadaba looga baahan yahay xamladdaan ballaaran ee tallaalidda, hadana gaar ahaan haweenka oo kali ah? HCG waa hormoon jirku sameeyo oo caadi ah, looguna baahan yahay inuu cunugga caloosha ku jira sugo oo uu uurka hooyo ku hayo. Markiise lagu daro suntan teetanaha sidda, wuxuu sababayaa inay samaysanto “Antibodies Against HCG” oo ah inuu jiro sameeyo difaac la dagaallama HCG, taasoo haweenta ka dhigaysa mid aan awood u lahayn inay cunugga uurka ku jira halkaas ku hayso oo ay mudadiisu kaamil noqoto, tassoo ah hab qarsoon oo soo rididda cunugga ah. Baarid uu sameeyey Pro Fide waxay daboolka ka qaadeen arrinkaan: Rockfeller Foundation oo la shaqaynaya D.Rockfeller III’s Population Council (ahna Guddiga Taranka Adduunka) iyo the World Bank (Bangiga Adduunka), iyo UN Development Program (UNDP), iyo Ford Foundation, iyo kuwo kaleba waxay WHO kala shaqaynayeen tan iyo bilowga 1970 samaynta tallaal ka hortaga taranka dhalmada, ayagoo ku isticmaalaya HCG oo tetanus lagu daray iyo tallaallo kaleba. LifeSiteNews oo ahaa kan ugu horreeyey oo daboolka ka qaaday fadeexadda Kenya, wuxuu gacanta ku dhigay warbixin shir lagu qabtay UN ee bisha Agoosto 1992 Xarumaha UN ee Geneva, halkaasoo ay isugu yimaadeen 10 aqoonyahan (Scientist) ka kala socda Australia, Europe, India and USA, iyo toban “Women’s Health Advocates” (Waana dadka u dooda inay gabdhuhu xaq u leeyihiin inay markay uur yeeshaan iska soo ridaan) oo adduunkoo idil ka kala yimid. Labadaas kooxood waxay shirkoodaas uga hadleen isticmaalidda “tallaal dhalmada xakameeya” (Fertility Regulating Vaccines). Kulankaasu wuxuu tilmaamay inuu “Anti-Human Chorionic Gonadotropin” uu yahay midka ugu fiican (oo taas lagu gaari karo). Waxaan shaki ku jirin in laba iyo labaatanka sano oo lasoo dhaafay uu tallaalkaasu sii hormaray oo uu si xoog leh uu cunugga uurka ku jira soo ridayo.

Hadda Kenya Hadda in ka badan labaatan sano markay WHO iyo Rockfeller Foundation iyo kuwo kaleba la kashifay inay tallaalka tetanus oo caruurta soo rida siinayeen haweenka Mexico, Nicaragua iyo the Philippines, waxay dooneen inay isla waxaas ku sameeyaan Kenya, ayagoo u malaynayaa, malaha, inuu adduunku xusuus gaaban leeyahay. WHO waxay bilowga 1990 isku dayday inay Kenya soo geliso tallaalka tetanus oo uu ku qasan yahay HCG, wayse ku fashilmeen kaddib markay Kenyan Catholic Doctors Association ka dhigeen oo ay markaas dawladda Kenya mashruucaas joojisay. Markaanse, in kastoo ay hadana ka digeen dawladda hadda dhisani dheg uma raaricin sababo aan caddayn. Ngare wuxuu kaloo ka hadlay habka laga baqo oo wax loo tallaalo, wuxuuna yiri: “Waxaa loo oggol yahay in yar oo shaqaalaha dawladda ah inay wax tallaalaan, kuwaasoo wata boolis ayagaas ilaalinaya, markay tallaalka dhammeeyaanna way la tegayaan. Maxaa loogu dayn waayay shaqaalaha caafimaadka ee bartaas inay ayagu wax tallaalaan? Uruka Takhtarrada Kenya (Kenyan Doctors Association) waxay sheegeen inay caddaymo jiraan inay Bill & Melinda Gates Foundation, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waawayn oo maalgeliya tallaalidda ka socota Afrika, uu ka dambeeyo gumaadka baaxadda wayn oo ay WHO damacsan tahay inay ka hirgeliso Kenya. Kashifidda iyo baahinta arrinkaan oo uu ku kacay Kenyan Catholic Doctors waxaa ka dhashay inuu guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Kenya (Health Committee of Kenya’s National Assembly) uu amar ka baxshay in la sameeyo baarid madax bannaan waxay sheegtay Catholic Church oo aha kaniisadda Katoolikada. Is waydiinta ballaarani waxay tahay: meeqa dal oo kale ayaa WHO bartilmaameed u ah inay ka meel mariso makiinaddaan gaarga ah ee dilidda oo la yiraahdo “Tetanus Vaccine” (Tallaalka tetanuska)?”

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA Sabti 27 Rabeecu Al Thaanee\الثاني ربيع 1437, una dhiganta lixda Fabraayo 2016.

la soco qaybta 2aad

Waxaa dhigay F. William Engdahl Kowda Maarso 2015 Asliga ingiriiska ah ka akhriso: http://skowronka.blogspot.co.uk/2015/03/who-conducts-secret-mass-sterilisation.html oo aan ka helay: http://poetrania.blogspot.com/2013/04/visit-to-negash-ethiopia-site-of-worlds.html

SHEEKOOYIN