Ma taqaannaa sababta ay u dhamaan la’dahay QABYAALADDU? Qalinkii Maxamed Xaaji

maxamed

Ma taqaannaa sababta ay u dhamaan la’dahay QABYAALADDU? 

Wax kasta oo dunidan yaallaa waxay maraan 3 MEERTO, Way dhashaan, way koraan, deetana way dhintaan marka laga reebo QABYAALADDA Soomaalida…!

Waxaan marka dhowr mar is waydiiyay sababta keentay inay QABYAALADDU naga dhamaan waydo, naga dheeraan waydo ama naga dhiman waydo?  Sidee u dhimanaysaa?

Tiiyoo aan wada sheeganno inaan QADYAAN ka taagannahay, ama aanba ognahay xanuunka ay na wada baday ee xayaatadii insaanka noo qoonsatay, misna waxaan u qornay xambaar aan xeer ku salaysnayn, magangelyo  aan shuruuddi ku xirnayn, ciqaamad abadi ah oo ay dalkeenna fiise la’aan ku joogayso iyo biil aan ka go’aynin.

Hadaba markii aan baaris ku sameeyay QABYAALADDA iyo sababta ay ugu yaraan u duqoobi la’dahay waxaa iisoo baxday taariikhdan soo socota:

Qablaayaddu iyadoo ilmo ah laakiin aan cid si gaar u daryeesha aysan jirin oo DERBI JIIF rubac dhiman ah ayaa waxaa korriimo (Adaption) kusoo qaatay siyaasadda qabyaaladaysan ee dalkeenna oo sidaa go’aansatay markii aan xornimo beenaadka qaadannay, kadibna waxay bilaabeen inay caano, beer, kalluun, khudaar iyo wax kastoo kale ka dherjiyaan.

Markii ay xoogaysatay ayay 70-meeyadii bilowday inay qooqdo oo wax qaniinto, dadka qaar baa is lahaa ‘’Halloo sugo way malaha caqliyaysan doontaa oo dhalinyaranimada ayaa ridridaysee’’ balse taasi ma dhicin oo 90-meeyadii ayay qaniinyadii ku dartay haraatti iyo feer.

Waxayna isla markiiba gacanta ku dhigtay hub culus iyadoo heshay cido ama qoysas ay maalinba mid la degto oo si wanaagsan ugu looga, iyadoo si wanaagsan loo soorayo waayo dadkii waxay u qaybsameen mid naftiisa uga cabsanaya maadaama ay markan hubaysan tahay oo aysan cidna waxba ka baryaynin iyo dad la dhacsanaa dhaqankeeda liita oo u sharfayay sidii Mahdigii lasoo dirayay Aakhiru sabaanka.

Haatan ayaa iyadoo dadkii ka dhigtay wax ay laysay, waxay badda ku shubtay, wax ka qaxay, mid ay il ka riday, mid ay lug iyo gacan ka jebisay, mid ay caloosha kasoo ridday, oo iyadiina dhowr meel laga GARAAFEEYAY maadaama ay dad badani dhibsadeen ayay dadkeenna qaarkood waxay bilaabeen inay QABYAALADDII u qiil sameeyaan oo ay yiraahdaan: ‘’Noo daaya wallaan la’aanteed la noolaanayne’’.

Waxaan hadaba is waydiiyay sida ay ku dhici karto in weli bahalkii laayaanka ahaa loo doodo? Waxaa marka isoo baxday inay hal sabab ku dhici karto waana marka ay qofka ku dhacdo bukto la yiraahdo STOCKHOLM SYNDROME oo ah in qofka la afduubto ee madax furashada laga doonayo uu JACAYL XAD DHAAF AH u qaado qofkii afduubka, dhaca iyo tacadiga u gaystay oo uu ku doodo inuu xitaa dartiis u dhimanayo si uu u difaaco.

Sidaa darteed baan maanta waxaan leenahay ‘’QABYAALADDU waa wax fiicane aan abaalmarino!!’’ si ay taasi u hirgashana QABIIL kasta CALAL ha samaysto oo gooni ha u istaago hadii lala hadlana dibadaha dhowr qori haka soo qaato (Bal eeg si qabyaaladdii aan isku laynay xal loogu helo ayaan xalkii qabyaalad ka raadinaynaa)……Taasoo waxa aan ka sugnaaba ay tahay hal tuulo oo 3 CALAN leh, cimaadaha oo isa sii laaya iyo dadka oo cols ii ahaada, haddii aan caqligu soo degin uusan saq dhexe soo gudin isagoo dhuumaalaysanaya, illeen caadi uma iman karoo QABYAALADDII ayaan yeelaynin oo sidii caano lo’aad oo LIIN lagu dhiijay u fasaqaysee!

Waxaan anigu is lahaa maadaama ay dagaalladii sokeeye ugu yaraan lug uga jabtay, dhibkeeda waa laga nasan doonaa oo intii hore wuu ka nasahnaan doonaa, balse waxaa la ii sheegay inay haatan raysatay oo ay caafimaad qabto oo uusan hal xididna xanuunaynin…..Waayo waxaa daweeyay Soomaali oo nolosheeda ku faraxsan….Illeen dadoow waxaa jira dad wixii dhibaya aan dhaawac u ogoleeyn!

Hadda tiro aan badnayn oo SAMADOON ah ayaa waxay la isla garteen in cuntada iyo dawada laga yareeyo si ay ugu yaraan u caatowdo ama cudur ugu dhimato…..Maadaama haddii lagu taliyo in si toos ah loo toogto ay Soomaali badani usoo tafa xaydanayso taban taabadeeda.

Waxaa kaloo taas kasii khatarsan feeyrus (virus) xitaa way ka daran tahay oo markii dawo loo sameeyo waxaa is dhalan rogaya hide-sidkeeda oo waxay samaynaysaa waxaa loo yaqaanno ‘’GENETIC MUTATION’’ oo xitaa 70-meeyadii mar baa la isku dayay in la AASO, balse halkii ay ka dhiman lahayd oo RAQ  IYO RUUXDEED la is waydiin lahaa waaba tii soo DHALATAY sidii abuur GALLEEY…….Forza SOOMAALIYA.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed:

maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

SHEEKOOYIN