Sheekadii SODDOHO Q.20aad. W/Q. Ahmed Hayow

Raxmo way ogeyd in shalay Daahir laga qaaday masruufkooda, balse lama socon inta lacag ah ee uu dhiibay, laakiin maanta ayay aragtay lacagta ay Raaxo u dhiibtay hooyadeed, oo intay xisaabisay faraqa ku laabatay, wayna ogtahay in 2000 ay reerkeedu biilan karaan ku dhawaad hal sitimaan.

Hooyadeed khayaano kuma ogeyn, waayoo waxay ogtahay sida ay u neceb tahay khayaanada, hase yeeshee waxay garan la’dahay, sababta ku kalliftay in ay Daahir ka qaado lacagta badan.

Raxmo oo rabta arrinkaa in ay ogaato iyo hooyadeed oo rabta in ay u sheegto waxa ay ka damacsan tahay Daahir, ayay Aamina hoodi soo tiri.

Kushiinka markay ugu timid hooyadeed iyo walaasheed ayay tiri: “arooskeena Aamiin, umula wiil leh Aamiin” waxay sii raacisay: “Raxmo waad ku nuurtay arooska” Raxmo way ilka caddeeysay, laakiin Codweyn ayaa ugu jawaabtay: “gabadheeyda weligeed ay nuureeysay ee war kale ma haysaa”.

Aamina ayaa tiri: “aaway dumaashigeey? weli sooma toosin miyaa?” Raxmo ayaa u sheegtay inuu soo jeedo, markaa ayay qolka ugu gashay Daahir.

Markay aragtay faashadaha ku duuban, intay afka qabsatay ayay si hoose u tiri: “Daahir hooyo miyaa wax kugu dhufatay?” Daahir ayaa u sheegay waxa ku dhacay.

Aamina markay intaa maqashay, ayay kor u tiri: “waa Ilaah mahadii, haddii aan wax weyn ku gaarin” waxay sii raacisay: “reerkaaga way kaa walwalsanaayeen, waxayna Baariis ii sheegtay in ay todobada idiin soo socdaan, laakiin hadda waxaan u maleeynaa in ay ka soo hormari doonaan”.

Daahir ayaa Aamina ku yiri: “dhaawaceeyga ha u sheegin, waayoo ma rabo in ay ogaadaan” Aamina ayaa tiri: “walaashaa Baariis ayaa ii soo dirtay in aan kaa war keeno, sideen uga qarinaa dhaawaca kugu yaal?” Daahir ayaa ku yiri: “in aad noo timid qofna ha u sheegin, haddii kale Baariis u sheeg in ay cid kale la socodsiin dhaawacayga”.

Raxmo oo quraac wada ayaa u soo gashay, waxayna Aamina ku tiri: “qof firaaqo leh oo reerka Daahir u soo sheega dhaawiciisa ayaan weyney, laakiin nasiibka ayaa ku keenay” Aamina ayaa walaasheed u sheegtay inuu Daahir diidan yahay, in reerkiisa loo soo sheego.

Raxmo ayaa Daahir ku tiri: “anigana waa iga diiday ee in aan arrinta ku ceeboowno miyaa rabtaa?” Daahir wax uu ku hadlo ayuu aqoon waayay, waayoo xaaskiisa iyo dumaashidiis uma sheegi karo sababta uu u diidan yahay, markaa ayuu yiri: “waan fiicanahay, reerkana waxaan u diidaa in ay iga welwelaan, gaar ahaan Baariis oo aan ka baqaayo in ay xafiiska aadi weyso, haddii ay i aragto anigoo sidaan ah” talo waxay ku soo dhammaatay in ay Aamina qariso dhaawaca Daahir.

Markay isku hareen Raxmo iyo Daahir, ayuu u sheegay in ay asaga iyo Baariis isla ogyihiin mashaakilka guriga ka jira, oo ay ku heshiiyeen in aan hooyo loo sheegin, ka dib ayuu u sheegay in reerkiisu ay soo socdaan todobada, oo ay shaashsaar u imaanaayaan.

Raxmo ayaa tiri: “sideen ku qarineynaa dhaawacaaga?” Daahir ayaa yiri: “kaas waa sahal oo waxaa lagu qarin karaa shaar gacmadheere ah iyo surwaal, laakiin waxaan ka baqaa hooyo Cambaro in ay kashifto wax walba”.

Raxmo ayaa ku tiri: “aniga ayaa la hadlaayo hooyo Cambaro” Daahir ayaa yiri: “seddex maalmood ayaan haysanaa, waa in aan seddexdaa maalmood aan wax walba hagaajinaa”.

Raxmo markay hooyadeed u sheegtay in ay reer Xaaji Cabdi u imaanaayaan todobada shaash saarka, ayay Codweyn afka furatay, waxayna ooda ka soo qaaday qorshihi u qarsoonaa, ka dib waxay qolka ka soo saartay Daahir oo ay ku tiri: “adiga iyo alaabtaada caawa waxaad u hoyaneeysaan gurigiini” Daahir ayaa yiri: “hooyo, alaabta waxaa iska leh Raxmo, oo magaceeda lagu soo iibiyay, sidaa daraadeed alaab aan qaadanaayo ma jiraan”.

Codweyn ayaa tiri: “sidaa hadday tahay, adiga nooga bax guriga, oo reerkaadi naga aad” Daahir ayaa yiri: “hooyo haddii aad mid ii sameeyso, waxaan kaa ballan qaadaa in aan wax walba ka wada hadleyno” Codweyn ayaa su’aashay waxa uu Daahir rabo, markaa ayuu ku yiri: “in aad noo ogolaato in aan todobada ka baxno, wixii ka dambeeyana aan wax walba isla meel dhigno” Codweyn oo u aragtay inuu qorsheheedu si sahlan ugu fulaayo ayaa ogolaatay in ay sugto todobada iyo shaash saarka.

Raxmo waxaa madaxeeda ka weynaaday go’aanka uu Daahir qaatay, waxayna is tiri: (Daahir adkeeysigi ayaa ka dhammaaday) sidaa daraadeed, waxaa ku dhacay niyad jab xun, waxayna isku celisay ilmo ka soo daadan laheyd, taasoo ay qolka hooyadeed kula dhuumatay.

Raxmo waxay mooday in cirku ku soo dumay, rajo xumo badan iyo mustaqbal xumo ayaa u muuqatay, laakiin waxay go’aansatay inta goori goor tahay, in ay go’aanka Daahir ka daba tagto, kuna dadaasho siday wax uga beddeli laheyd.

Codweyn waxay gashay dhar dhaqid, Daahirna wuxuu galay qolkiisi, isagoo ku guuleystay qorshihiisi todobada shaash saarka.

Wax yar ka dib ayay u soo gashay Raxmo oo ay indheheedu ilmo ka muuqdaan, wuxuu ku yiri: “Raxmo maxaa ku helay?” Raxmo ayaa tiri: “haddii aad iga tegeysid, maxaad heerkaan iila soo gaartay?”.

Daahir ayaa yiri: “Raxmo abaayo agteeyda soo fadhiiso….” Raxmo ayaa la soo booday: “intaad iga tegi laheyd, gacanta maad iga qabsatid oo awoodaada adeegsatid, haddii aad ii jeceshahay sida aan kuu jecelahay”.

Daahir ayaa yiri: “yaa ku yiri Daahir ayaa kaa tegaayo? sideena kaaga tegi karaa adiga oo dhiigeeygu kugu shaqeeyo, qof wadnihiisa ka tegaaya miyaa jira?” Raxmo indhaha kala furtay ayaa weydiisay waxa hooyo uu ka ballan qaaday todobada ka dib.

Daahir ayaa yiri: “hooyo waxaan ka ballan qaaday in aan wax walba ka wada hadleyno, taa mecneheedu maaha in aan wax walba ka yeelaayo, oo aan meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqaayo” wuxuu sii raaciyay: “Raxmo, soow ma ogid in aan tegeynin inta aan noolahay? waxaan rabay qorsho aan todobada ku moodno iyo in ay reerkeegu ogaanin xaalada qoyskeena reer Raxmo”.

Raxmo intay qososhay ayay tiri: “reerkeenu waa reer Daahir Xaaji, aboowe hadda ayaan ku gartay, hana ila yaabin, waayoo qofka aan dalqada haynin mar walba cabsi ayuu ku jiraa, kaaga darane adiga oo wax kasta awooda, ayaad dhib weyn iigu jirtaa, laakiin maanta ka bacdi waxaad u fasaxan tahay in aad gacanta iga qabsato, taana ogoow oo ku xisaabtan”.

Daahir ayaa yiri: “aniga in aan gacanta kaa qabsado, waxaan ka jecelahay, hooyo Cambaro inay aniga gacanta iga qabo, oo gacantaada ii geliso, waan hubaa in aan gaaraayo haddii Rabbi idmo, adigana waxaa codsanaa in aad igu kalsoonaato” Raxmo ayaa tiri: “raali ka noqo shakiga iga kaa galay, aboow si aan la qiyaasi karin aan kuu jecelahay, maalinba maalinta ka dambeeysa wuu igu sii kordhaa jacelkaaga, laakiin waxaan kaa baryaa in aad iigu samirto khalad haddii aan galo, waayoo in aan xurnimo helno ayaan baahi weyn u qabaa” Daahir ayaa yiri: “inshaa Allaah waan guuleeysan doonaa, anigana ii fasax in aan ku dadaalo tallaaba kasta oo aan xurnimo ku gaareeyno”.

Daahir iyo Raxmo markay is afgarteen, kalsooni buuxdana ay kala qaadeen, ayay Raxmo ka soo baxday qolka, waxayna billoowday in ay qada kariso, hooyadeed oo markaa soo dhammeeysay dhar dhaqidi, ayaa kushiinka ugu soo gashay.

 

La soco. ………21aad.

SHEEKOOYIN