Baraarug bulshow oo baro waxaad tahayQ1AAD! W/Q: C/salaan Macallin Cabdullahi.

 

12695761_10153983388412146_737145390_n

Baraarug bulshow oo baro waxaad tahay!

Waxaa la wada qirsanyahay in bulshada Soomaaliyeed ay bulshooyinka dhiggeeda ah ka hartey, ayna ka daahdey guusha kuwa horumarey ee nolosha wacan iyo dowlad wanaagga ku naaloonaya, waxaase mar waliba jira dad ku taamaya, kuna howlan in Soomaaliya ay ka baxdo dhibka iyo lurka ay ku jirto, una gudubto nolol wacan iyo dowladnimo, si lagu gaaro arrinkaasna waa in loo maro waddo ku haboon, ayna majaraha u qabtaan dad leh baraarug qoto dheer ee ku aadan hagidda bulshooyinka qaran jabku ku dhacay, burbur iyo is-qabqabsina ragaadiyey, sideenna oo kale, sidaa owgeed ayaa waxaan soo bandhigayaa, bulsha weynta Soomaaliyeedna la wadagaayaa dhowr qodob oo ay tahay in baraarugeeda la yeesho.

(1)

Cuqdad iyo uur-gunud loo hayo shisheeye dhib geystey ama sookeeyeba heer laguma gaaro. Bulshada Soomaaliyeed waxaa soo gaarey dhaawacyo iyo dhibaatooyin aan wali lurkoodii laga soo kaban, mid ay ayagu isu geysteen iyo mid shisheeye u geystey asagoo isla Soomaalida qaar kamid ah garab ka dhiganaya, hadaba qofkii bulshada Soomaaliyeed la dooneya iney rafaadka, dacdarada iyo hagardaamada ay la itaal darantahay ha baxdo, ayna hesho nolol wacan iyo dowlad wanaag; waa in aanu cidna u qabin cuqdad, uusanna ku fakarin ka aar gudashada dadkii(sokeeye iyo shisheeye) iyo dowladihii shisheeye ee dhibka iyo burburka Soomaaliya ka qeyb qaatey, maxaa yeelay qof cuqdad qaba, mar walibana ku taamaya sidii uu aargudan lahaa, ma gaaro meel sare, dadaalkiisuna waxa uu ku danbeeyaa guul darro, waxaana habnoon in seddex arrimood loo kala saaro, oo kala ah:

Kow: in la hilmaamo cid allaale ciddii dhibaato ummada Soomaaliyeed u geysatey, ha ahaato Dowlado iyo dad shisheeye, ha ahaado dad Soomaaliyeed oo ayagoo huwan astaan iyo magac (Dowladnimo, wadaadnimo, siyaasinimo, odey dhaqmeednimo, hoggaamiyenimo, ganacsato) waxyeello iyo dhibaato geystey, taasi waa: garaad yari iyo aragti xumo, maxaa yeelay waxey ka dhigantahay in ummad dhan sooyaalkeed iyo taariikhdeedii la lumiyo.

Labo: in ayadoo la xusuusanyahay wixii dhib dhacay iyo ciddi geysateyba, lagu fakero sidii looga aar gudan lahaa, loona gaarsiin lahaa dhib kii ay geesteen oo kale ah ama ka badanba, taasina waa: dhaqan gumeed iyo han yari, kaaga sii darane wax ay ragaadiso mooyee wax ma haggaajiso.

Saddex: in la xusuusnaado dhammaan wixii dhib iyo dhaawac bulshada Soomaaliyeed gaarey, sidoo kale aan marnaba la hilmaameyn qof kasta(sokeeye/shisheeye) iyo dowladaha shisheeye ee qayb qaatey arrintaa, ayadoo waliba qolo waliba wixii ay geysatey intii ay la ekaayeen la xusuusnaado, lana keydiyo, ka dibna lagu fakero sidii dhibtaas looga bixi lahaa, loogana soo kabsan lahaa, dhaawicii bulshada gaareyna looga dhayilahaa, wixii dhacayna waano iyo waaya aragnimo looga qaato, in aaney mar kale soo noqonna lagu tala galo, had iyo jeerna loo hanqaltaago sidii bulsha weynta Soomaaliyeed ay u gaari laheyd Dowlad wanaag, nolol wacan ayna u yeelan laheyd awood dhaqaale, mid cududeed iyo mid cilmiba, tanna waa: dhaqan gobeednimo iyo hanweyni, waxaana hubaal ah Soomaaliya oo Dowlad awood leh, dunidana maamuus iyo sharaf ku leh;yeelataahi ay ka dhigantahay wadadii ay ku heli laheyd wixii ka maqan oo dheef ah, kuna heli laheyd xaal marinta wixii dhib ah ee geeraay.

Waxaan rabaa inaan hal Tusaale oo nool soo qaato; anagoo wax yar milicsaneyna sanadii 1945 aad, waa muddo hadda todobaataneeyo sano laga joogo, waa xilligii shacabka Jarmal ka iyo kan Jabaanba laga itaal batey, lana xasuuqey, ayna isku dhiibeen cadowgoodii, la gumeysteyna. 6dii iyo 9kii Ogosto ee 1945 tii waxaa 2Bam oo Nugliyeer xanbaarsan lagu dhuftey laba magaalo ee Jabaan ka mid ah(Horishima iyo Nagasaki), daqiiqado gudahood waxaa ku dhintey Horishima 78 kun oo qof, sanad gudihiisna dhimashadii waxey gaartey tiro lagu hilaadiyo 140 kun oo qof, Nagasakina isla markii waxaa ku nafwaayey 40 kun, sanadda dhamaadkeedana dhimashadii waxey gaartey 80 kun, waxa aan ka waramayo waa 2daas magaalo bes dadkii Bamka u dhintey ee dhimashadii guud ee Jabanka dagaalkaas kasoo gaartey ma ahan, Jabaanku wuxuu isku dhiibey isbaheysigii ka soo horjeedey ee uu Mareykanku hor kacayey, waa la gummaadey, waa la gumeystey, wixii la doono ayaana laga sameystey intii u dhaxeysay 1945 tii – 1952dii, hase yeeshee Jabaan muddo kooban oo lama filaan ah ayey ku hana qaadey 20 sano gudaheed ah, ugana mid noqotey Dowladaha dunida ugu sareeya dhanka dhaqaalaha, markii la eegay waxyaabaha ugu wacan ee ay Jabaan ku hana qaadey waxaa kamid ah laba arrimood oo kala ah; inaaney aargoosi isku howlin ee ay awooda saartey sidii ay uga soo kabsan laheyd hoogga iyo burburka iyo iney qofka Jabaanka ah dhisto maskaxdiisa, aqoontiisa, hankiisa iyo dhaqan howleedkiisa.

Jarmalka asna waa laga itaal roonaadey oo isbaheysigii ay hoggaaminayeen Mareykanka iyo Midowgii suufiyeeti, ayna ka mid ahaayeen UK iyo Faransa ayey isku dhiibtey sanadii 1945, kadib qasaare aad u weyn markii lagaarsiiyey, waxaa la sheegaa dadkii kaga dhintey dagaalkaas iney gaarayaan 7malyan oo ciidan iyo rayad isgu jira,

Waddanka Jarmalka intiisa badan dhulka ayaa lala simey, kadibna Laba qeybood ayaa loo kala qeybsadey; Jarmalka galbeed oo Mareykanka iyo xulufadiisa reer galbeedku ay qaateen, caasimadna waxey ka dhigteen magaalada Bon iyo Jarmalka bari oo midowgii soofiyeeti uu qeyb ahaan asna u hantey, caasimadna ka dhigtey magaalada Barlin, labadii qeybood ee Jarmalku waxey dib u midoobeen 1990 kii, dadaal dheer oo ay u galeen kadib, Jarmalka ayadoo sidaas loo bahdiley, loo gumeystey, hadana muddo yar ayuu uga soo kabsadey, wuxuuna kamid noqdey Dowladaha aduunka ugu awooda badan dhaqaale ahaan, shacabka reer Jarmalna waxey ka mid noqdeen kuwa dunida ugu saameynta badan ugu howl karsan uguna nolosha wacan.Arintaana waxaa ugu wacan waa: ayagoon aargudasho iyo cuqdad uurkooda ka jirey, dhexdana u xirtey sidii ay dib ugu noqon lahaayeen ummad sharaf leh oo laga heybeysto.

Ujeedka aan labadaan dal iyo shacabkooda usoo qaatey ma ahan in aan la bar bardhigo dalka Soomaaliya iyo Soomaalida, ee waxaan u soo qaatey waa in ku baraarugno jabka ugu weyn ee aad cadowgaaga gaarsiisaahi aanu aheyn inaad ka aargudato ama aad ciil joogto ah u rimanaato, ee uu yahay inaad awood iyo sharaf ku yeelato dunida aad ku nooshahay, ogsoonow labadaan Dowladood waa Jarmalka iyo Jabaan kee, Dowladihii gumaadey oo gumeystey hadda saaxiib kore ayey yihiin, dhoohnaan, ilduuf iyo damiir la`aan midna uma geysane, ee sidaa ayey dantooda ka arkeen, waxeyna la suganayaan xilli ku haboon.

                                                                            (2)

Waxii ka dhacay Soomaaliya ee dil, dooxid, dhac, gumeysi, burbur iyo kala qeybin bulsho iyo dhuleedba in loo saariyo, laguna eedeeyo shisheeye iyo cadowga Soomaaliya ku muuqda iyo ku qarsoonba waa gef weyn, oo waliba lama dhaafaan ah, Soomaalidu si ay bulshooyinka dhigeeda ee horumarey, nolosha wacana heysta ay u gaarto amaba ay u dhaafto, waa iney ka harto ayna tufto aragtida wahsida iyo qalbijabka ku qotonta ee ah waddanku wuxuu ka dagi la`yahay faragalin shisheeye.

La soco Qaybta labaad.

W/Q: C/salaan Macallin Cabdullahi.

Email: isalaan2@hotmail.com

Facebook: Bashaar macalin

SHEEKOOYIN