Taariikhdii Jankis Khaan. Q.10-11aad. W/Q. Ahmed Hayow

Waxaa dhashay Juuji, waana loo dabaal degay, waa wiil 50/50 ah inuu dhalay Tiimojeen ama Shilingaar, inuu yahay Kiyaan ama Miyaarki, waxaase la hubaa inay dhashay Borte oo reer Ongela ah, Aabihiis Tiimojeen sheekada shakiga waa iska xiray, laakiin yaa dadka xantooda ka megengeli kara.

 

Muhimad ka weyn ayaa meesha timid, muhimadaas oo lagu wada mashquulay, waxay tahay yaa shacabka Maguul u noqonaaya Khaan?.

Tashaar ayaa walaalkii Zamuhaa kala hadlay inuu ka fiirsado la sii socodka Tiimojeen, oo ka soo jeedo reer isu haysta inay ayagu yihiin Dahab,Tashaar wuxuu sii raaciyay: “anigu waxaan aaminsanahay in Awoowayaasheen iyo Kuwoodaba ay isku meel ka soo wada jeedaan, laakiin Tiimojeen taas ma aaminsana, waxaana kuu cadeeynaaya maka la qabo Xafladda Reerka nooma yeerin Tiimojeen” Zamuhaa ayaa ugu jawaabay: “taa waxaa ka masuul ah Talihotaay”.

Tashaar ayaa yiri: “kadib guushi laga gaaray Miyaarki, oo aad adigu Hogaamiye ka aheyd wixii ka dambeeyay, wax muhimad ah kuma siin walaalkaa Tiimojeen” Zamuhaa oo shaki galay ayaa yiri: “war iga tag” walaalkii ayaa ku yiri: “waa kaa tegaayaa, laakiin warkeeyga si fiican ugu fiirso”.

 

Tiimojeen oo fekersan ayaa u yimid Hooyadiis iyo Borte, markaa ayay Hooyadii weydiisay waxa uu ka fekeraayo, Tiimojeen wuxuu yiri: “wax yar ka hor ayuu ii yimid walaalkeey Zamuhaa, wuxuuna iga codsaday in aan go’aamiyo halka aan reeraha marsiineeyno, marka haddii aan aadno dhanka Buuraha waxay u fiican tahay dadka, laakiin haddii aan marno dhanka webiyada xoolaha ayay u fiican tahay, sidaa daraadeed ma ogi hadafka uu Zamuhaa ka leeyahay arrintaan, sababtaas ayaan kuugu imid” waxaa soo booday Borte oo tiri: “Qabiilka Zaadalambuu waxay taajiriin ka yihiin xoolaha oo annagaa ka faqiirsan, marka Zamuhaa warkiisa waa cad yahay, kaas oo ah in ay wada noolaan karin dad xoolaaleey ah iyo dad aan laheyn” Hooyo Kaarlin waa ku raacday Borte waxayna sii raacisay: “arrintu intaa way ka weyn tahay” Tiimojeen ayaa weydiiyay: “maxay tahay arrintu?”.

Hooyo Kaarlin waxay tiri: “Zamuhaa Ciriqiisu (faraciisu) maaha Mubalaa (qabiili) mana jiro si uu Khaan ku noqon karo, laakiin wiilkeeygi adigu waxaad tahay Murashax Qaanuunku u ogolyahay in aad isu sharaxdo Khaan” Borte ayaa tiri: “Adeer Dalitaay wuxuu noo sheegay sanadii hore in aanu Zamuhaa raali ka aheyn Tiimojeen” Hooyo Kaarlin ayaa tiri: “waxa uu maanta yiri Zamuhaa micnaheedu waa aan kala guurno”.

Tiimojeen oo ka fekeraayay hadalada ay ku tuurtuuraayeen Hooyadiis iyo Borte ayaa yiri: “laba sano ka hor ayaa waxay ii sheegeen Adeer Maglika iyo Sushitaay inuu Zamuhaa xiriir la sameysto qofka liita, laakiin wax xariir ah aanu la yeelan qofka xooga leh” ka dib Tiimojeen wuxuu go’aan ku gaaray inuu reerkiisa rarto.

 

Horshe oo ah Zamuhaa ina Adeerkiis ayaa akhbaarka soo gaarsiiyay Zamuhaa iyo walaalkiis oo isla jooga wuxuuna ku yiri: “Tiimojeen waa guuray ee maxaan sameeynaa?” Zamuhaa ayaa ugu jawaabay: “jiifkaaga ku noqo” Tashaar ayaa u raaciyay: “hadalka mafahamtay, kac seexo” wax yar kadib ayuu Zamuhaa walaalkiis Tashaar ku yiri: “u sheeg dadka waxaan u guureeynaa dhanka uu Tiimojeen u guuray maahee dhanka kale” sidaas ayaana lagu kala guuray Tiimojeen iyo Zamuhaa.

 

Degaanki uu deganaa Talihotaay ayaa loo sheegay inuu ku soo wajahan yahay Tiimojeen oo wata 20,000 kun oo ciidan ah, markaas ayuu amray in ay si deg deg ah u guuraan.

Reer Suwaar Hanshela markii ay maqleen magaca Tiimojeen, ayay ku farxeen gaar ahaan gabadhooda Hidaan oo farxad iyo niyadxumo ay isugu darantay, sababtoo ah ma sugin ballanti aheyd inuu guursan doono, waayoo hadda waa la guursaday, waloow ay Hidaan iyo walaalkeed Sheleween aanay jecleysan in ay ka cararaan Tiimojeenki ay badbaadiyeen, oo ay ogyihiin in aanu waxba yeeleyn, haddana Aabahood ayaa ku khasbay in ay amarka Qabiilka raacaan, mana ahayn wakhti munaasib ku ah in ay hadda wajahaan Tiimojeen iyo ciidankiisa, qabiilka ayayna la guureen.

 

Tiimojeen iyo ciidankiisi waxay yimaadeen barti laga guuray, wuxuuna abaaray gurigi Suwaar oo cidla’ ah, cabaar ayuu xasuus ugu warwareegay, ka dibna wuxuu amray in halkan ay u noqoto Saldhig, waxayna ka heleen wiil yar oo laga cararay oo layiraahdo Soshohootoo, waxaana loo geeyay  Kaarlin Tiimojeen Hooyadii.

 

Habeen ayay isku keeneen Taliyayaasha Hogaanka tiimojeen, in ay rabaan Horshe iyo Alitaay in ay Dhankooda soo maraan, taas oo la is waydiiyay in marka hore la hubiyo jiritaankeeda, waayoo Alitaay lagaray waa wiilka Adeer Maglika, laakiin Hoorshe ayaa la garan waayay sida uu uga soo tegaayo Ina Adeerkiis Zamuhaa.

Maalmo kadib ayuu Horshe u yimid Tiimojeen oo ay la joogaan saraakiishiisi hogaanka, wuxuuna ku yiri: “waxaan filaa in aad ka fikireeysaan sababta aan dhankiina u soo maraayo, weliba anigoo ah nin ku dhow Zamuhaa, waxaan aaminsanahay in aan laba Qabiil oo kala duwan aan ka kala dhalanay, laakiin isku sinji in aan nahay, waxaan ku riyooday riyo ah Sac guduudan oo geesa weyn oo ku agwareegay Zamuhaa, ka dibna herti ku qaaday, markaa intuu Sicii soo baxay ayuu Tiimojeen ag fadhiistay, taasina waxay i tustay in aad Imbaraadoor xoog leh noqoneeyso, sababtaas ayaan u imid in aan kuu sheego, marka Sayidii haddii aad noqoto maxaad ii ballan qaadee in aan noqdo”.

Tiimojeen ayaa yiri: “waxaan kaa dhigaa madaxa 10,000 oo Guri” Zabi ayaa yiri: “taasi waa mid ku dhow Khaan” Horshe ayaa raacsaday: “iigu dar in aan 30 naagood guursado, anigana aan soo xusho” Tiimojeen waa u raaciyay dalabkiisi.

Horshe intuu fadhiga ka kacay ayuu noqday ninkii ugu horeeyay oo Tiimojeen ku yiraahda Khaan Tiimojeen, arrinkaasba Tiimojeen wuu ku farxay, waayoo waa kalmad lagu farxo oo afka Horshe ka soo yeertay.

Wuxuu yiri: “ballanteena waxaa markhaati ka ah dadka inta jooga, anigana igu halee in aan tayda ka soo boxo, haddana ku dhaqaaq sidi aad martabadda Khaan ku fuuli laheyd” ayuu Horshe ku soo gabagabeeyay hadalkiisi iyo danta uu lahaa.

 

11.

Tiimojeen iyo Walaalihiis waxay qabsadeen Shir khaas ah, waxayna isla meel dhigeen in ay shacabka Maguul Khaan u baahan yihiin, Tiimojeen ayaa yiri: “waa in aan u wada yeernaa dhamaan Zaciimyada Qabiilada si ay u sugaan doorashada Khaanka, taas micnaheeda waa in loo helo Kooram dhan, laakiin su’aashu waxay tahay ma u soo wada dhamaanaayaan in ay aniga i doortaan?”.

Waxaa loogu jawaabay: “ina adeerkaa Hoshaar iyo Adeerkaa Dalitaay isku reer ayaad ka soo jeedaan, taasoo ah qoyski Itolik Khaan Curadka u ahaa, Sakabiiki iyo Kambahaar oo kaliya ayaa kugu qabsan kara, waxaana rabaa in aan idiin taxliilino qofka aan u maleeynaayo inuu kugula tartamidoono oo ah Sakabiiki” muddo 10 bilood laga joogo Sakabiiki wuxuu gacansaar la yeeshay Talihotaay, arrintaana waa mid lawada ogsoon yahay, sidaa daraadeed waxaa la jeexay Kaartadi Khanka loogu dooran lahaa Tiimojeen, waxaana leysla gartay inuu marka hore soo sharaxo Adeerkiis Dalitaay, ka dibna ay dhaartaan Adeerkiis Alitaay iyo Hooshaar oo ay ballan lagalaan Tiimojeen.

 

Habeenkaas waxaa iyagana wada shiraayay Zamuhaa, Talihotaay, Sushitaay iyo Maglika oo ku shirsanaa Zamuhaa agtiisa, taasoo uu Adeer Maglika ugu tegay Zamuhaa, inuu xasuusiyo in ay seddex jeer isu dhaarteen isaga Tiimojeen, maantana uu isbaheysi la noqday Talihotaay oo ilaa yaraantiisi cadow u ahaa Tiimojeen, balse Zamuhaa wuxuu ku yiri: “ma ihi mid iloowsan wacadki aan Tiimojeen la galay, waxaana 40,000 kun ku saaciday inuu soo furto Xaaskiisa, laakiin muxuu igu sameeyay oo aan aheyn inuu iga tego, xitaa isagoo aan i macsalaameyn, maxayse ka dooneen Adeerkeey Alitaay iyo Inadeerkeey Horshe”.

Sushitaay ayaa yiri: “haddii uu khalad kaa sameeyay, maaha in aad khayaano ku kacdo” halkaas ayuu warkii uga jaray zamuhaa oo yiri: “aniga madilo martideeyda ee nabad ku baxa” waxayna shirka ka bexeen iyagoo uu ku jeesteeynaayo Talihotaay.

 

Xeeladi la dejiyay waxay u dhaqan gashay sidii loogu tala galay, ka dib markii ay ku dhaarteen in ay Tiimojeen axdi la gelaayaan, Hoshaar, Dalitaay, Alitaay iyo Sakabiiki, waxaana lagu wada dhawaaqay [KHAAN TIIMIJEEN].

Dhaarti ballanqaadka axdiga waxay u dhacday sidaan: “waxaan la baayac tameeynaa Tiimojeen inuu Khaan noo ahaado, waxaan noqoneeynaa kuwa ku gargaara Tiimojeen dagaalada, wax kasta oo fiican waxaan siineeynaa Khaan Tiimojeen, waxaan cadeeneeynaa haddii aan diidno awaamiirta Khaan Tiimojeen inuu nagala wareego xooleheena, naagaheena, carruurteena iyo wax walba oo aan leenahay iyo inuu naciqaabo Khaan Tiimojeen marki uu doono, anigu waxaan ahay Hooshaar waxaan beec la galay Khaan Tiimojeen, anigu waxaan ahay Dalitaay waa la beectamay Tiimojeen, anigu waxaan ahay Alitaay waa la beectamay Tiimojeen, aniga waxaan ahay Sakabiiki waa la beectamay Tiimojeen”.

 

Heshiiskaas baycada wixii ka dambeeyay, mucaarad badan ayaa ku soo baxay magacaabista Khaan Tiimojeen, Alizaan oo ah Sakabiiki Hooyadiis waxay tiri: “waxa u dhaartay waa dadkiisi oo kali ah, waana Kaarto uu Tiimojeen dejiyay, saldanada yaa wiilkeeyga Sakabiiki uga xaq leh” Sakabiiki ayaa hooyadiis ku yiri: “Hooyo maka guurnaa?” Alizaan waxay tiri: “maya, oo haddii aan tagno yaa shacabka Khaan u noqonaaya, aan wakhti yar u kaadino”.

 

Zamuhaa ayuu Taligotaay soo gaarsiiyay inuu walaalkii Khaan noqday, Ditaar (Tashaar) ayaa ku yiri walaalkii Zamuhaa: “markii uu taagta darnaa waatii aad kaalmeeysay, haddana waa kan aan kuu soo sheegin inuu Khaan noqonaayo, asagoo ku soo baxay awooda Zaadalambuu ayuu reerkiisa helay oo xoog yeeshay taasi ma ixtiraambaa?”.

Talihotaay oo ka faa’iideeysanaaya ayaa yiri: “waa kheyr fal ee shar halaguugu abaalgudo” ujeedada Talihotaay leeyahay waa isku jebi Tiimojeen iyo Zamuhaa si aad dhexdooda uga qaadato Khaannimada oo hadda waa iskaashidoon, waxaa Zamuhaa la soo gaarsiiyay inuu Khaan Toliin aqoonsaday Khaan Tiimojeen, arrintaas oo uu Talihotaay ka yiri: “Toliin maaha shacabka Maguul, wuxuuna saaxiib la’ahaa Yasogaay oo kali ah”.

Sushitaay ayaa yiri: “Talihotaay soow tii aad rabtay in aad disho Tiimojeen, marki aad naga soo agrartay” ka dib Maglika ayaa yiri: “shacabka Maguul midnimo ayay u baahan yihiin ee uma baahna dagaal ahli ah oo sii socda, runtii Imbaraadooridda Jiin oo kaalmeeysa Tataarka wax raxmad ah oo ay noohaayaan majirto” Zamuhaa ayaa warkii ku soo xiray: “waxaan rabaa ergay ka socda walaalkeey Tiimojeen”.

Zamuhaa waxaa loo soo diray seddex nin uu hogaaminaayo Tiimojeen walaalihiis Hazaar iyo Biligotaay wuxuuna raaciyay Zebi, markii ay soo galeen Teendhada Zaciim Zamuhaa ayuu Hazaar yiri: “Zucamaada Qabiilka Kiyaan iyo Qabiilada kale oo kala duwan waxay u doorteen Tiimojeen Khaanka Kiyaan oo dhan, waxaana u nimid in aan ogeeysiino Qabiilka Zaadalambuu arrintaas, walaal Zamuhaana nagu taageero”.

Zamuhaa ayaa yiri: “waxaan dhaho ma’aqaan, midki aan runta ku wada dhaaranay (waa Tiimojeen) waxaan rabaa in aad mid iga gaarsiisaan, oo ah Horshe, Alitaay iyo Dalitaay, waxay Dab naga dhex shidaayaan aniga iyo walaalkeey Tiimojeen” Hazaar ayaa yiri: “iga raali ahaaw, waxaadna ii sheegtaa sida aan ku ogaan karo arrintaas?” Zamuhaa ayaa yiri: “seddexdaasi qofood waxay gadaasheena ka wadaan in ay nakala geeyaan aniga iyo walaalkeeyTiimojeen”.

Hazaar ayaa yiri: “ma waxaad rabtaa in aan Tiimojeen u gudbino eedeeyntaas?” Zamuhaa wuxuu yiri: “maya, laakiin ogeeysii oo kali ah, waayoo in ay daacad u noqdaan walaalkeey Tiimojeen oo aanay gadaal uga laaban ayaan rabaa, Qabiilka Kiyaan way u baahan yihiin Hogaamiye sida Khaan oo kale ah” Hazaar ayaa yiri: “nagu kalsoonoow maadaama aan annagu mideysannahay, adiga oo walaalkiis ahna aad nagu kaalmeyneysid waa mustaxiil in aan liicno”.

Zamuhaa intuu qoslay ayuu yiri: “fadhiista oo wax caba” Fadhigi ayuu Talihotaay ka yiri: “Maguul waxay u baahan yihiin Khaan ka wada siman” Ditaar (Tashaar) ayaa yiri: “ma waxaa laga dhigaa Zaciimka Zadalambuu?” Talihotaay ayaa ugu jawaabay: “weeydii seddexda ergo ee uu soo diray Tiimojeen”.

Zebi ayaa yiri: “Zaciim Zamuhaa maxaad ugu ogolaatay Eey inuu ka qeeyliyo meesha ay joogaan dadka sharafta leh?” asagoo ula jeeda Talihotaay, markaa ayuu Ditaar yiri: “maxaad uga jeedaa taas?” Hazaar ayaa yiri: “kan dhinacaaga fadhiya, ayaa loola jeedaa” Talihotaay ayaa la soo booday: “waxaan ahay adeerkaa soow sidaa uma ogid?”.

Zebi ayaa yiri: “Zaciim Zamuhaa muxuu yahay ninkaan nala hadlaayo?” Talihotaay ayaa yiri: “Talihotaay ayaan ahay” Zebi ayaa yiri: “ma ninki Reer Olijinsi ee uu Zaciim Yasogaay yiri waa fulay bakhiil ah soow maahid?”.

Ditaar ayaa yiri: “qabiilkiisa waa qabiil karaama leh” Zamuhaa ayaa gooyay hadalki oo yiri: “qofki gurigeeyga nabad ku soo galaa waa inuu helaa nabad” sidaas ayay ku kala tageen, inkastoo uu rabay walaalkii Ditaar in la laayo wefdiga u badan Tiimojeen walaalihiis.

 

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN