Shiribka Toddobaadka:Maxaa kala qabsaday Laashin Cabdi Nuur iyo Caasimadda Xamar.

 

 

pizap.com14559072676211

Shiribka Toddobaadka:Maxaa kala qabsaday Laashin Cabdi Nuur iyo Caasimadda Xamar.

 

Laashin Cabdinuur oo isaga iyo Laashimada kale toddobaad walba inoo soo bandhigaan, guuxa bulshada iyo dareenka dadweynaha oo qaab suugaaneed weliba Shirib ahaan ku baxaya ayaa caawa waxay   sheeko iyo wada xaajood dhexmaray isaga iyo Caasimadii Muqdisho, Laashinka ayaa wareystay oo ay isla goo goosteen, bal haddaba adigaa heli doona xogtee, Bogasho wacan:

 

Cabdi nuur,

  • Xamar caddey salaan xiskaa
  • Ku soo xulee xogtaada keen?

Xamar,

  • Xanuunya waa jiraa xakaar
  • Xaalkuse waa midaan xumeyn

Cabdi nuur,

  • Xabadi waaba xasishee
  • Xanuunka kale ii xariiq?

Xamar

  • Xoolaya nin qarxaaya xood
  • Oo xaasideey isoo xejeen!

Cabdi nuur,

  • Xabsigi aaway may xiraan
  • Xukunsa may ku xaabiyaan?

Xamar,

  • Waala xiree nimaan xishoon
  • Oo xildhibaanaha xiksaa!

Cabdi nuur,

  • Xeerar miyaan qabayn xertaas
  • Ay xildhibaan usoo xuleen?

Xamar,

  • Xeerka waxaa ka wayn xigaal
  • Iyo anaa ah heer xaraar!

Cabdi nuur

  • Yaa xayawaan ku xuubsahaa
  • Xukun u dhiibay waa xujee?

Xamar,

  • Waa xaal aadune xaasidkeey
  • Oo I xurmeeya waa xasuus

Cabdi nuur

  • Xaqaagi in la xaasidaan
  • Xanteer maqlaye ii xariiq?

Xamar,

  • In lay xaqiray waa xaqiiq
  • Xamarsa kaa xanaaqi mee!

Cabdi nuur

  • Xawaal ninkuu qodaa xanaaq
  • Xamar miyaan ahayn xalkiis?

Xamar

  • Xaashaaye waa xanaaq xalkiis
  • Xumaansa dhali mee xariir!

Cabdi nuur,

  • Xoogya nimaad u yeeshay xayr
  • Inuu ku xanto waa xumaan!

Xamar,

  • Nin xuurshay asigees xiree
  • Xuuraanso mida soo xigee!

Cabdi nuur,

  • Xusul ma gaaryo xays da,ee
  • Xaqiiq ma tahay hee xogtaas?

Xamar,

  • Xamaali waa nin xoogsadee
  • Xarafyadaasu waa xaqiiq

Cabdi nuur,

  • Xanuun lama xigaashadee
  • Xamar amaad is xoojisaa?

Xamar

  • Intaan xallaa xumaatadaan
  • Xanuunka waa xigaashahaa!

Cabdi nuur,

  • Xumaan ninkeedi xildhibaan
  • Lagu xardhaayo maad xallee?

Xamar

  • Xarar magalyo geed xulkee
  • Inaan xallaayo waa xaqiiq!

Cabdi nuur,

  • Xigaalki kaa xanaaqsanaay
  • Xaalkiisu waa sidee xariiq?

Xamar

  • Xanaaq walaal masii xumee
  • Xagayga danbe waa xirmaa?

 

 

Curiye: Laashin Cabdi Nuur Waddani

Barta facebook ee Laashin waddani

 

SHEEKOOYIN