Agoonkii hooyadii illaaway, Q5AAD W/Q; C/fitaax Maxamed Xaambe

 

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

Agoonkii hooyadii illaaway, Q5AAD

Abyan waxay dib ugu soo laabatey Hoygii ay ku nooleed, waxay soo dul istaagtay Odawaa oo daahsanayey waxa ay la soo guryo noqo doonto hooyadi. Waxayna si deg deg ah ku tiri ” abshir/bishaaro, hooyo arrintii waan soo dhammeeyey, waana dhoofeysaa haddii EEBBE idmo”.

Odawaa oo dareenkiisu isku baddaley Obsi iyo nayaayir ayaa si hal-haleel ah u istaagey oo hab siiyey hooyadii, halkaas oo ayaduna ku sigatey in ay ilmeyso. Waloow goorta ay ballameen Abyan iyo dad dhoofiyihii dilaalkii( Muqalas) ayna aad u fogeyn, haddana Odawaa iyo hooyadii waa dhararayeen waqtiga, waxaana la dhihi karaa saacaddii ayaa maalmo la noqotey, halka maalintii ay kala dheeraatey bil.

Dhanka kale markii laga eego Abyan waxayba u noqotey fursad kale, waxayna har iyo habeen dardaaran, ballan, waano, wax xasuusin iyo hoga tusaaleyn ku waddey Odawaa.   Dadaal intii ay kari kartey waxba lama aysan harin. Abyan loogama baran in ay suugaan curiso, laakin marbaa howli ka keentaa dadka qaar suugaanta Haddii aan wax ka xusno meerisyadii ay Odawaa dhagahiisa ku dhibcisay,

 

  • Ubacda iyo beerkiyo
  • Uurkayga wiilkii
  • Allahay ku baree
  • Odawaa ahaayoow.
  • Aayadaha qur’aankiyo
  • Al-baqra iyo Yaasiin
  • Afar faatixaadkiyo
  • Inta Isim eebbahay
  • Alle lagu addeecaan
  • Idil kuu akhriyayee
  • Aadmiga wax dhiba iyo
  • Inta xumaha unugtiyo
  • Aallado wax yeeliyo
  • Duufaan Ibliisiyo
  • In xun Weyne owd.
  • Ubaxii indhaha iyo
  • Ililaha Wadnahiyo
  • Beerka unugyadiisiyo
  • Ooga dusheedaba
  • Waxaad tahay asluuboow
  • Ubadkayga dunidaan
  • Aan ka eeganayee
  • Ifka ugu jeclaayee
  • Anfac aan ka sugaye
  • Rabi Arrimi kaa hay.
  • Alle waxaan ka tuugaa
  • Inaad nabad ahaatoo
  • Aflax nolol ka gaarto
  • Asagaaga dhaaftoo
  • Aqal reer yagleeshoo
  • Ubad yeelataayoo
  • Ayeeyoow dhahaanoo
  • Ardaay ii firaashaan
  • Ani ii adeegaan.
  • Adduunyadu sideedaba
  • Waa ayaamo dhawroo
  • Aakhiraa dambeysee
  • Ha illaawin Guulllaha
  • Ku adkeyso diintoo
  • Oog salaadda faralka
  • Waa Aayad diineee
  • Addeec waalidiintana.
  • Adoow aayi doonee.

Waxaa la gaaray goortii la madalsanaa, ballantuna waxay ahayd in la isugu yimaado xarunta gawaarida laga raro (Busteejada/istaanka). Inkastoo ay saacado ka sii hordhaceen Abyan iyo wiilkeedii oo hammuun u qabey socdaalka, waxaa soo gaarey dilaalkii”Muqalaski” iyo dhowr qof oo kale oo ayaguna ku muddeysnaa arrin la mid ah midda Odawaa. Jaamac( muqalaskii) ayaa yiri “Abyan waan dhaqaaqeynaa, wiilku gaariga ha koro”. Abyan oo illinu soo dhaaftey labadeeda indhood ayaa daamanka ka dhunkatey wiilkeedii ayadoo u raacisey ” Dadka odey iyo aabbe Allah ha kaaga dhigo, jidku taako taalo, qoraxdu dallaalimo wax ku dhibana kaa haay“. Odawaa oo ka xun in ay kala dheeraadaan hooyadi oo ayna habeen horey u kala dibban ayaa cod hoose ku yiri ” Amiin hooyo”.

Abyan kama aysan dhaqaaqin halkii ay taagneyd, si ay u hubiso dhaqaaqista gaarigii Odawaa qaadayey, isha ayey la sii raaceysay gacantana waa lulayeen iyada iyo wiilkeedaba taniyo intuu ka mirqayey/libdhayey. Dhabtii waxaa labadooda ka muuqday, boholyoow iyo laxaw wiil iyo waalid aan weligeed habeen meel ku kala maqnaan, Socdaalkani waa mid ay noloshu sababtey, oo aysan dooran, haddani dani waa seeto meel loo dhaafin ma jiro, maaha wax faallo lagu soo koobi karo qaabku siduu ahaa dharaartaas.

Abyan hurdo waa kala irdhoobeen habeenkeedii koowaad ee Odawaa ka dhaxay, meel walba waa la mugdi, qajaftii yeertana waa u baqdin, isla hadal uma yara, kamana marna in ay mar mar nafteeda ku canaanato, cakuye adiga maxaa cidladaan isku dhigtey oo curadkaadii carro kale ugu dirtey? Haddana dhanka kale iyo dhibtii jirtey ayey qalbiga ku dajisaa.

Heerka isgaarsiineed ee Dunidu haatan gaartey ma jirin, mana ahayn wax fudud, in qofka maqan ee socdaala si dhakhsiiyaha war looga helo, illaa ay sal dhigtaan halkii majiirahoodu ku jeeday ama Magaalo kale, oo Taar iyo Aalado isgaarsiin leh. Abyan dhagta ayaa u taagaan waxayna sugeysaa in dhawaaq farxad leh u soo yeero, mase mooga in muddo lagu sii jirayo, inta u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, oo waliba dhuumaaleysi ah.

Waxaa soo dhacay Taar, ma ahayn midkii Abyan ay sugeysay, mana farxad galin, laakiin wuxuu ku soo kordhiyey mowjado welwel ah. Waxaa la soo gaarsiiyey in wiilkeedii lagu xirey gudaha Kenya, lagana rabo lacag madax furasho ah, haddii aan lacagtaas la helinna, inuu xabsigu hoy u noqon doono.

Abyan waa hooyo wiilkeedii madiga ku ahaa oo ay la dooneysay badbaado uu gacan cadow ka galay.Googo’ lacageed, guriga kuma oga, hanti ma guurtaa oo loo gadana gacanteeda kuma jirto markaan.

Waxay gataati dhacdoo hadba qof ugu galliintaba waxay ku guulaysatay in Odawaa godka laga saaro, dibna u milicsado fallaaraha cadceeddu bixinayso. Wuxuu sii watey hayaankii geeddiga, kamana hammi dhicin inuu horey u socdo. Balse wuxuuba ka qaadey Xabsigii dhiiranaan iyo adkeysi dheeri ah. Haraad, howl badan, hadimooyinka iyo hantaaturood aan hal iyo laba ahayn ka dib wuxuu soo caga dhigtey halkii hooyadi la dooneysay habeenno badanna ay ku qarwayeen, waa Holland.Horaa loo yiri “Dadaalaa wuxuu gaaraa”.

Odawaa wixii koowaad ee uu codsadey markuu hubsadey inuu Holland joogo waxay ahayd in la geeyo rug isgaarsiineed si uu hooyadi ula hadlo.

Abyan waxaa looga yeeray Taarka magalaaddii ay ku nooleyd, waxaana loo sheegay in Odawaa doonayo. Orad ayey isku taagtey, daqiiqado gudahoodna waxay taagneed Taarkii.

Dhagaheeda waxaa ku dhacey dhawaqa wiilkeeda oo leh “May maqashaa, hooyo?”

Ayada oo aan dareenkeeda farxada iyo filanwaaga ah la qiyaasi Karin ayey ku war celisay “Hooyo waan ku maqlaa, xagee joogtaa?”

Odwaa “ Hooyo waxaan hadda imid Holland, waan bad qaabaa”

Owadaa wuxuu hooyadi ku war galiyey in uu guda galayo qorshihii uu daganaasho ku dalban lahaa, wuxuuna ugu laab qaboojiyey in arrimuhu meel hagaagdan marayaan.

Qaybihii ku dhaafay  halkan ka aqriso.  Q1AAD   Q2AAD   Q3AAD  Q4AAD

La soco qaybaha dambe.

W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

xaanbe@hotmail.com

SHEEKOOYIN