MAXAA MUSUQAY MADAXDA MUSLIMKA? Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

abu

 MAXAA MUSUQAY MADAXDA MUSLIMKA?

Musuqmaasuqa wuu ka jiraa dunida oo dhan, hadana iyada oo sidaa ay tahay waxaa jira is tixraac ama is daba gal lagu ogaan karo qofka wax musuqay kadib talaabada laga qaadayo sida ay doonto ha noqoto.

Dunida waa mid soo martay Waddooyin badan oo isla xisaabtan ah, hadana marka uu qof wax qiimaynayo waxaa wanaagsan in uu wax ku qiimeeyo khibradda waxa uu arkay ama uu aqoontooda iyo ogaalkooda leeyahay.

Dulucda qoraalka waxaan uga jeedaa in musuqa uu aad ugu badan yahay dunida Muslimka ah, hadana isla xisaabtanka uu aad ugu yar yahay oo qofka hogaanka ah ama Musuqa ah sida lagu soo qabto ay aad u yartahay rajadeeda.

Marka aad dhan walba ka eegto Dunida Islaamka maanta ma jiro Dal Muslim ah oo la oran karo dadkiisa waxay ku naaloonayaan Caddaalad iyo dhaqaala san, marka dhinac walba laga eego.

Musuqa ama caddaalad darrada waxaa laga dhexlaa Colaad, Gaajo, Barakac, Dullinimo dooransiisa dadka dhibaatada ay ku dhacday in ay qaataan wax aanan u cuntamayn, amase aysan mudnayn, intaas oo dhana waa mid astaan ahaan aan ugu aragnay dalalka muslimka ah.

Waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago Dal ka mid ah dalalka Islaamka ah oo dhawaan soo saaray Qarashka ku baxay Hogaanka dalkaas, kaas oo marka aad aragtaan laga yaabo in aad is waydiiysaan dalkaas muslimka ah ee ilbaxnimadaas leh haddiiba ay madaxdiisa sidaas u isticmaaleen hantida dadkooda, xagee joogtaa umaddeena soomaaliyeed iyo hogaankooda oo wax isla xisaabtan ah uusan ka dhaxayn?

Dalka Pakistaan Raisul wasaarahooda Nawaas Shariif ayaa dhawaantan waxaa lasoo daabacay ama lasoo bandhigay qarashaadka ku baxay safaradiisa dibadda kuwaas oo lagu qayaasay  2.2$  Miliyan Dolar.

Nawaas shariif ayaa galay 65 Safar ilaa maalintii uu qabtay xukunka dalkaas oo ku beegnayd Jun 2013.

Qarashka ku baxay isaga iyo saraakiishiisa  185 maalin ayaa gaaraya in ka badan  ilaa 6000000$ Milyan oo Doolar, ama si kale haddii lagu qiimeeyo bishii 187000  boqol siddeetan iyo toddobo kun oo doolar.

Warbixintan ka hadlasay qarashaadkaas la isticmaalay ayaa Wasaaradda Arrimaha dibadda ay usoo bandhigtay usbuucii lasoo dhaafay Golaha Baarlmaanka dalkaas, taas oo fajiciso ku noqotay xildhibaanada dalkaas.

Qiimayn lagu sameeyey qofka shaqaalaha ah ee dalkaas u dhashay isku cel celis ahaan mushaarkiisa ayaa lagu sheegay 116 doolar bishii, warbixintaas xaga qiimaynta mushaaraadka dalalka dunida ayaa kasoo baxday xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan shaqaalaha dunida ee lagu magacaabo U.N.’s International Labor Organization.

Mushaarka rasmiga ah ee Raisul wasaaraha dalkaas ayaa lagu sheegay in bishii 1600$ kun iyo lix boqol oo doolar, mushaarkaas oo Nawaas Shariif mar hore uu iclaanshay in uu ugu deeqayo mushaarkiisa barnaamijyada waxbarashada ee dalkiisa Pakistaan.

Nawaas Shariif waa Bilyuuneer ka tirsada bilyuuneerada dalkaas pakistaan, sidaas darteed lama yaabayo in uu ugu deeqo mushaarkiisa shaaha u ah qaybaha waxbarashada ee dalkaas, balse waxaad ka garan kartaa isticmaalka hantida qaranka qaabka uu isticmaalay, marka in pakistaan aad madaxweyne ka noqotaa ma ahan mid aad dhaqaala ka sameynaysid balse dhinaca qarashaadka qaranka ayaa laga fahmayaa in maslaxadda siyaasiyiintu ay tahay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas dhawaan warbixin ay soo saartay ayaa lagu qeexay in shariif uu booqday dalka ingariiska 17 jeer labadii bil ee ugu dambaysay, sidoo kalana afar jeer uu booqday dalalka Mareekanaka  iyo Shiinaaha.

Nawaas shariif ayaa lagu eedeeyey in uu ka qayb galay oo kaliya 36 jeer 256 kulan ee ay yeesheen Baarlamaanka dalkaas tan iyo intii uu xafiiska qabsaday jun sanadkii 2013.

Nawaas shariif oo ah Nin Qani ah, isla markaana Warshado fara badan ku leh dalkaas ayaa hadana haya Jagada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, waxeyna dadka dhaleeceeya siyaasadihiisa ku eedeeyeen in uu aad u badan yahay bixitaankiisa dibadda isla markaana ay yartahay inta uu waddanka joogo.

Saadaalin dhinaca fakarka shacabka ah oo ay sameeyeen qolo lagu magacaabo A Gallup poll  ayaa lagu sheegay in shacabka dalkaas ay badidooda aaminsan yahay in uu raysul wasaarahooda ku qarash gareeyo waqtigiisa inta badan safarada uu dibadda ugu baxo.

Dhibaatooyinka waddankeena ayaa ah gudaha buu yiri Shafqat Mehmood oo ah mucaarad ka tirsan xisbiga Tahreek-e-Insaf party ee aadka uga soo horjeedo siyaasadda raysul wasaare nawaas shariif.

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri” dhibaatooyinkeena waa Argagixisda, Maamul xumada dhanka Hayadaha dowladda, amaan xumida dhanka iskuulada, markaas ayuu 6milyan oo doolar ku qarash gareynayaa safarro dibadda ah oo wax dan ah aysan noogu jirin”

Dhinaca kale Sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha aadka u taageersan Raysul wasaare shariif ayaa sheegay  in qarashka uu isticmaalay raysul wasaaraha uu yahay mid laga bad badshay ama six ad dhaaf ah oo aan mudnayn Danta Qaranka loo isticmaalay.

Sarkaaka oo sii hadlayaa ayaa yiri “haddii lala bar bar dhigo shariif oo marka uu baxayo aan wadan koox ka badan 17 Qof, halka raysul wasaarayaashii  hore ee Yousaf Raza] Gilani ama [Raja Pervaiz] Ashraf, ay markiiba la bixi jirieen koox ka kooban 100 Xubnood, aad ayuu Xisaab ahaan uga Qarash yar yahay ayuu kusoo koobay warkiisa”

Isbahaysiyada dhainaca siyaasadda ee raysul wasaaraha dalkaas ayaa ku doodaya in safarrada dibada ee uu ku baxo ay yihiin kuwa si fiican loo agaasimay isal markaana qarasha ahaan aad loo shiilay.

Waxay kaloo sheegeen in aan la eegin oo kaliya dhinac qarashka ku baxay raysul wasaaraha ee la eegaa qarashka iyo maal gashiga Waddanka soo galay kuwaas oo ay ku sheegeen in xisaab ahaan ay gaarayaan $47.5 billion, waana sababtaas ayey dhaheen sababta ay u badatay Safarrada Dibadda.

Warbixinta sanadlaha ah ee uu daabacay  World Bank ayaa lagu sheegay in Paksitaan ay tahay Waddanka 37aad ee dadkeeda dhaqaala ahaan ay aad u hooseeyaan, iyada oo qiyaastii la sameeyayna lagu sheegay in Dakhliga soo galay qof walba oo Pakistaani ah sanadkii 2014 in ay tahay 1316$ isku cel celis ahaan sanadkii, ka waran marka lala bar bardhigo Dalka Mareekanka oo dadkiisa dhaqaalaha ahaan qofkiiba uu sameeyo isku cel celis  $54,629 sanadiikba.

Nawaas shariif ayaa ah mid ka mid ah Raga waddanka Pakistaan ugu taajirsan, waxaana dhaqaalihiisa lagu qayaasay in uu kor u dhaafayo ilaa $1 billion.oo doolar.

Pakistaanba haddii qiimaynta dhaqaalaheeda uu sidaa noqday aqriste xisaab ahaan xagee galin lahayd Soomaaliya, maxaase ku qayaasi lahayd dhaqaala ahaan inta ku baxda safaradda dibadda ee ay Madaxdeena galaan, ka bilow min Madaxweyne ilaa kan ugu jagada hooseeya.

Haddiba dhaqaala ahaan isku cel celis uu helo sanadkii qofk pakistaaniga ah 1316 dolar oo kaliya, imisa ayuu heli karaa qofka soomaaliga ah? xisaabtaas sida loo sameeyey ayaa ah in dhamaan inta uu mushaarka u heli karo qof walba iyo waxa waddanka uu dhaqaala ahana u suuq geeyo dunida marka intaas la isku daro ayaa loo qaybinayaa tirada dadka ee uu waddanku ka kooban yahay.

Tusaalaha qormadan ma ahan in aan idinku barayo ama tilmaan kale idinkaga bixinayo Waddanka paksitaan oo kaliya ee waa tusaala aan idinku tusayo heerka uu Waddan kasta oo Muslim ah ka taagan yahay Maamul ahaan iyo dhaqaal ahaanba Dunida kale.

Hadaba haddii aad tahay qof xisaabtamaya waad fahmi karta Dulucda Maqaalka ee maxaa musuqay Madaxda Muslimka? Waa su’aal runtii jawaabteeda laga doonayo qof walba oo Muslim ah.

Tan macnaheeda ma ahan in aan beri yeelayo Waddamada aan muslimka ahayn, ayaga naftooda waa ku jiraan Musuqa, balse, sida Bulsha ahaan ay umadda muslimka ah uga baaba’day dhan walba ugama baabi’in Bulshooyinkooda.

Hadaba is waydiintaada mar walba waa in ay badataa, qasab ma ahan in aad xalka heshaa, balse ogaalka waa muhiim, in aad ogaataa heerka aad Caalamka ka taagantahay waa mid ka mid ah jawaabaha xalka aad raadinayso, maxaa yeelay barrito waxaad noqon kartaa Hogaanka Xalka laga doonayo, sidaa darteed, waa muhiim in aad ogaataa xaalad walba adiga oo ka eegayn danta kuugu jirto shaqsi ahaan,

Dunida waxaa midaysa Dan guud ee diin gaar ah ma midayso, dadkuna waa wada hal, Danta ayaa isku keenta ee Diin iskuma keento, danta waa midda maanta ka dhigtay walaalaha kuwa soomaalida ah ee isku hadafka ah iyo waddamada dariska ah iyo kuwa u nasab sheegta Galbeedka.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN