Hoggaamiye wanaagsan ayaan u hamuunqabnaa! W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

1264201_231557887002179_696387047_o

Hoggaamiye wanaagsan ayaan u hamuunqabnaa!

 

Marka aan arko, waddanka Soomaaliya oo lagu sheegayo, in uu yahay, dalka dunida ugu xun, marka sannad kasta Soomaaliya laga dhigo, dalka dunida ugu faqrisan, uguna musuqmaasuq badan, markii aan maqlo iyada oo dalkayga lagu tilmaamayo ummad fashilantay (Failed Nations), marka aan arko dacdarrada iyo silaca haysta dadka Soomaalida ah, marka aan fiiriyo sidaa aan hadda ugu oommanahay, in aan isu ka la qaybinno maamul goboleedyo col isu ah. Markaas yaan is iraahdaa, waddanku wuxuu u baahanyahay hoggaamiya badbaadiya.

Laga soo billaabo xorriyaddii, dalku ma helin, hoggaan suurtageliya himilada dadka, hashii Maandeeq ee 60kii la hantayna, caanaheedii weli laga ma dhergin.

Waxaan ka soo daalnay, maamul rayid ah oo taag daran, dowlad mellateri ah, oo wax muquunisa. Dalku wuxuu aad god dheer ugu sii dhacay 1991dii ka dib, dagaallo qabiil ayaa dhacay, wax walba oo xun waa la bannaystay. Si dhibka looga baxo, waxaa la raadiyay xal, welise waxaan ka doodaynaa calaamadihii cudurku keenay, innaga oo illowsan, in aan daweyno sababihii! Dad badan ayaa la boqray, si ay noo hooggaamiyaan, waxaan u wada sacbinnay, hoggaamiye kooxeedyo dhiigya cab ah, odayaal dhaqameedyo siyaasad ku milmay iyo wadaaddo Diinta ka been sheegay, oo damacooda ka hormarshay.

Hadda waxaa nugu cusub, maamul beeleedyo is doortay, oo midba xudduud calaamaystay; qaarkood waa kuwo aad u taya xun, dibad jooga ah, kuwo kalena waa maamullo aan adeegyada asaasiga ah gaarsiin dadka ay sheegtaan, in ay u taliyaan, qayb maamul beeleedyadaas ka mid ahi waxay la tirsadaan dowladda dhexe, iyaga oo weliba iska waynaysiiya, qaarna waxayba sheegteen, in ay goosteen, oo dal madax bannaan ah yihiin!

Hoggaamiyuhu, waa in uu ku sifoobaa cilmi iyo caddaalad, climiga hoggaaminta waa in uu si gaar ah u yaqaannaa, waana in uu leeyahay hibo hoggaamineed. Noocyada hoogaamiye waxaa ka mid ah:

 

  • Kaligi taliy, wuxuuna caan ku yahay:
  • In yar oo ay dan wadaag yihiin ayuu ka ta la qaataa, kuna kalsoonyahay.
  • Dhaqaale ayuu ku qanciyaa mucaaradkiisa, ama xoog ayuu ku muquuniya.
  • Wuu ammaan jecelyahay, la mana dhaliili karo
  • Go’aammada uu soo saaro, waa kuwo uu san cidna ka la tashan.
  • Dadkiisa iyo dalkiisa wuu hoojiyaa.

 

  • Talowadaag, waxaa lagu gartaa:
  • Dadka ayuu talada la wadaagaa.
  • Wuu dhegeystaa ummadda uu hoggaamiyaha u yahay.
  • Waa la naqdin karaa, waana la ammaani kara- si caqli gal ah –
  • Dadkiisa ayuu u cudurdaartaa, haddii uu qalad galo ama uu fashilmo.
  • Dadkiisa ayuu la jecelyahay horumarka iyo wanaagga.

Soomaalidu marka ay dooranayaan hoogaamiyahooda dhaqanka, waxay ka duule jireen, waynna u tixgelin jireen, murtida soo jireenka ah ee oranaysa: Tol waxaa u talin kara nin Kurtun qorrax uga adakeysi badan, Dhagax qabow uga adkeysi badan, Kudkudena gaajo uga adkeeysi badan.

 

Mahatiir Maxamad:

 

Waa raysal wasaarihii hore ee dalka Malleesiya. Wuxuu xilka qabtay iyada oo dadkiisa 50% in ka badan ay yihiin faqri. Malleesiya markaas waxay ahayd dal ku tiirsan beeraha oo kali ah, mana lahayn wershedo. Wuxuu kasbaday qalbiyada dadka uu madaxda u yahay, wuxuu Malleesiya ku hoggaamiyay waddada toosan, wuxuu majaraha u qabtay maamul wanaagsan, dalkana wuxuu ka dhigay mid wax soo saara. 2002 dii 5% in ka yar ayaa faqri ahaa dadka Malleesiya. Waddanka Malleesiya waxa uu noqday mid dunida wax uu iib geeya, tusaale ahaan, baabuurta lagu wato dalka Malleesiya, 80% in ka badan waxaa lagu sameeyaa waddanka gudihiisa.

Mahatiir Maxamed, 2003dii ayuu xilka ka degay, iyada oo ay dadku jecelyihiin, markii uu ogaaday baahida loo qabo, in la helo rag kale oo sii wada geeddi socodka horumarka Malleesiya.

Tilmaamaha aan ka rabno in uu yeesho hoggaamiyeheenno:

  • In uu si dhab ah u aaminsanyahay Diinta iyo dhaqanka aan haysanno.
  • In uu yahay talowadaag, lana tashta dadka caqliga u saaxiibka ah.
  • In uu yahay qof nadiif ka ah: musuqmaasuqa iyo qabyaaladda.
  • In uu yahay mid dadkiisa u jilicsan, isuna soo duma.
  • In uu yahay mid aan u hoggaansamin shirqoollada shisheeye, lana jaan qaadi kara siyaasadda adduunka.
  • In uu yahay geesi u babac dhigi kara qatar kasta, oo soo wajahda dalka iyo dadka.
  • In uu yahay mid danta guud ka shaqeeya, ee aan tiisa gaarka ah raadin.
  • In uu yahay mid ku tiirsan runta, uu sanna rumeyn waxa ay u sheegayaan kuwa ku hareeraysan, ama cid gaar ahi uga sheegayso dadka iyo kalkiida, waana in uu wax walba u kuur gala, si uu dhabta u ogaado.

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN