Shirib dood ah maxaa kala qabsaday Laashin Ibraahin iyo Xildhibaankii dowladda?

 

12460072_487965644741741_2033283650_n

Waa shirib dood ah oo dhax maraya Laashin Ibraahim Cali iyo nin xildhibaan ah oo ay Ibraahiim saaxiib ahaayeen balse hadduu xildhibaan naqday ka goostay, laashinka ayaa weydiinaya weydiimo dhawr ah, isaguna waa iska weecinayaa xildhibaanku isagoo una xog warramaya Laashinka Bogasho wacan.

 

Laashin Ibrahim

  • Xogta isii bal xidhibaan
  • Xariirki bulsho waa xirtee?

Xildhibaan.

  • Xiriirki bulsho waa xirmoo
  • Xeyndaabka gaaladaan xigaa

Laashin Ibrahim

  • Xaaraan miyaad xalaashateen
  • Xeyndaabka gaalo xow ahaay?

Xildhibaan.

  • Xayi maaha nin xil qabtayoon
  • Xaaraan dhe dhemin xiligaan

Laashin Ibrahim

  • Xisaabka aaqiroon xirmeyn
  • Xawaal maku xisaabtanteen?

Xildhibaan.

  • Xeer gaalo xar xariiqdayoo
  • Xaaramahaan xalaal dhahnaa

Laashin Ibrahim.

  • Xaashaa liillaahiye xishoo
  • Xeer gaalo looma xaadiree

Xildhibaan.

  • Xabashadaa na xakuntee
  • Xeer gaalo xow naga dhibaa

Laashin ibraahim.

  • Xabasho nama xakuntee
  • Hasoo xad gudbin xildhibaan

Xildhibaan.

  • Ama xanaaq amuu xadrey
  • Xabashaan isku xeernehee

Laashin Ibrahim.

  • Hadii ximaar xalaal naqdey
  • Xabasho nagu xeer naqee

Xildhibaan.

  • Xujaa tehee xagiiga qaad
  • Xeerkaasu mar horow xirmee

 

Curiye: laashin Ibrahim Cali

SHEEKOOYIN