Halgankii Kagame iyo Hoggaamintiisi Q3AAD W/Q: Maxamed Axmed Cali Royal

 

 

pizap.com14549249134861

Halkan ka aqriso:-  Qaybtii Koowaad iyo  Qaybtii Labaad

Halgankii Kagame iyo Hoggaamintiisi Q3AAD

 

Dowladda Tanzaniya oo dadaal badan ku bixisay sidii meesha looga saari lahaa xukunkii Millaterigaa ahaa ee Idi Amiin, uguna ilaaliso maamulkii ku meelgaarka ahaa, ee cusbaa kursiga, ayaa tababbar basaasnimo ugu qaaddey dalkeeda Paul Kagame, in kastoo uu saameyn badan ku lahaa Saaxiibkiis Gisa, oo asna halkaas ku soo tababbartay. Dowladdii ku meel gaarka ahayd markey muddadii u dhammaatay ayaa doorashadii lagu ballansanaa loo dareeray, waxaana ku guuleystay madaxweynihii uu horay u afgambiyey Idi Amiin, Milton Obote, laakin natiijadaas waxaa qaaddacay Musaveni, wuxuuna billaabay inuu aas aaso Jabhad cusub waxaana lagu billaabay jabhaddaas Kagame iyo saaxibkiis Fred Gisa iyo ciidan yar oo millateriga ka soo gadooday.

Dagaal dhiig badan ku daadatay, oo muddo shan sano ah socday ka dib, kursiga ayaa laga tuuray madaxweynihii la doortay, waxaana markaas madaxweyne is ku magacaabay, Musafeni, markuu dalkii qabsadayna, Kagame waxaa loo magacay Talliyaha nabad sugidda, halka saaxibkiisna laga dhigay Wasiir ku xigeenka Gaashandhigga ahna Talliyaha Ciidanka xoogga dalka Yugandha.

Muddo gaaban markey xilalkaas hayeen, waxaa ku kacay madaxweyne Musafeni, dadkii reer Ugandha oo ku andacooday sidee xilalkii qaranka ee ciidanka ugu sarreeyey loogu dhiibi karaa, dad aan waddan ka u dhalan,  taas oo sababtay, in xilalkii laga qaaddo labadaba. Ku biiritaankii Jabhadda Musaveni ee Kagame iyo Gisa, mar waxaa dhiirrageliyey gabood fallo dhowr ah oo ay u geysteen dowladihii Idi Amiin iyo madaxweynihii ka dambeeyey qaxootigii faraha badnaa ee rer Rwanda, sidoo kale, waxey lahaayeen hammi fog, oo ah sidii ay mar uun qaxootigaan ugu celin lahaayeen dalkoodii.

Waxaa soo dhawaaday hankii iyo himmaladii ay ku taami jireen Kagame iyo saaxibkiis Gisa, oo ay u galeen Jabhado iyo dagaallo badan. Waxaa la gaaray waqtigii Musafeni uu u abaalgudi lahaa raggii u rumeeyey riyadisii, sababtana u ahaa, inuu wiiqoo awooddii kaligii taliyihii dad cunka ahaa Idi Amiin, mar kale raggii ka caawiyey inuu xukunka ka tuuro madaxweynihii la doortay iyo dowladdii midowga, kursigana ku fariisto. Waxaa la gaaray waqtigii ay rajadoodii soo laaban lahayd, kuna hammin lahaayeen qaxooti halmilyan ka badan, oo rer Rwanda ah sidii ay maalin maalmaha ka mida dalkoodi ugu laaban lahaayeen.

Waxaa la aas aasay Jabhaddii ugu horreysay, ee la dagaallanta dowladdii Rwanda ka jirtay, ee ay Huutugu dhisteen markii gumeystihii dalka ka baxay, Tuutsiguna badi dalka ka carareen. Waa dowlad isir ku dhisan, waa dowlad aysan wax xil ah oo muuqda ku lahayn Tuutsigu, waa dowlad ka sokow, in ay tahay dowlad kaligii talis iyo xukun jacayl ku dhisan, haddana, si gaar ah u beegsaneysa dhammaan dadka la la xiriiriyo isirka Tuutsiga.

Jabhaddii lagu aas aasay xudduudda u dhaxeysa Yugandha iyo Rwanda waxaa loo bixiyey Rwandan Patriotic Front, waxaana lagu billaabay 4kun oo askari, si fiicanna loogu tababbaray gudaha Yugandha, lagana qoray xeryihii qaxootiga, hoggaamiyana waxaa looga dhigay Fred Gisa Rwigema. Tababbarka ciidanka iyo qibradda dagaal, ee hoggaamiyahooda oo aad sareeyey, waxey u sahashay, in seddexdii howlgal ee ugu horreeyey, oo ay ka fuliyaan xudduudda, ay dhaawac weyn ku gaarsiiyaan dowladda Rwanda, kuna gubeen talisyo ciidan oo badan muddo yar, walow dagaalkoodu ku saleysnaa, ku dhifo oo ka dhaqaaq.

Markii jabhaddii ka soo laabatay howlgalkii seddexaad, waxaa xeeradii Jabhadda lagu toogtay hoggaamiyihii Jamhadda, Fred Gisa. In kastoo meesha lagu toogtay ahayd xerada oo ku taal meel duur ah, dagaalna uusan socon, haddana, waxaa la sheega, in Jabhadda dhexdeeda dishay, oo nin ay maalmo ka hor is qabteen howlagalladii ka hor toogtay. Kagame oo markii Jabhadda la aas aasay tababbar ciidan u aaday dalka Mareykanka, ayaa ka war helay dhimashada saaxiibkiis iyo hoggaamiyihii Jabhadda, halkaasna si deg deg ah uga soo laabtay. Kagame wuxuu u yimid ciidankii waqtiga badan iyo tababbarka la galiyey, oo ka la shakiyey, ka lana firxaday, markii la dilay hoggaamiyihoodii, niyadjab badanna ka muuqdo intii hartay, halkaas ayuuna dib isugu soo aruuriyey ciidankii, isaga ayaana galay booskii saaxiibkiis oo hoggaamiye ka noqday jabhadda.

Sidii si la mid ah markey jabhaddii seddex howlgal oo ah deg deg ah qaadday, waxey waxyeello badan gaarsiyeen talisyadii ciidamada dowladda, deegaanno badanna wey ka fuliyeen oo xudduuda iyo gudahaba ah, taasina waxey keentay dowladdii Rwanda in ay codsato iney wadahadal la gasho jabhadda uu hoggaamiyo Kagame, waxaana wadahadalkii ugu horreeyey lagu qabtay Caruusha, Tanzaniya.

Waxyaabihii lagu heshiiyey waxaa ka mida ahaa;- in dowlad ku meel gaar ah oo wadaag ah la dhiso, madaxweynahana ay qaataan huutuga, halka madaxweyne ku xigeena la siiyey tuutsiga, sidoo kale, waxaa heshiiska ku jiray in dalka ciidamo nabad ilaalin ah oo qaramada midoobay ka socda la keeno, sidoo kale, in ciidamada jabhadda ee xuduuda ka dagaallamaya gudaha la soo galiyo, oo caasimadda laga dajiyo meel, waxaana loo oggolaaday, iney dagaan aqalka baarlamaanka.

Heshiiskii markii la ka la saaxiixday ka dib, waxaa la dhaqangaliyey qeybihiisi u horreeyey, sida in ciidamadi ka socday qaramada midoobay qaarkood dalka yimaadaan, in ciidamadii jahadda qeyb ka mid ah la dajiyo aqalka baarlamaanka iyo in dadkii Tuutsiga qaarkood ku soo laabtaan dalka lana ammaangaliyo. Waxyar ka dib markii tilaabooyinkaas horay loo qaaday, 6-dii April 1994, waxaa dil qorsheysan lagu dilay madaxweynihii dowladdii heshiiska la gashay jabhadda Kagame, Juvenal Habyarimana iyo madaxweynihii dalka Burundi Cyprien Ntaryamira, oo ka soo dagayey garoonka diyaaradaha ee caasimadda Rwanda ee Kigali iyo afar nin oo Faransiis ah.

Dilkaasi wuxuu sabab u noqday inuu billowdo xasuuqi lagu hoobtay. Dadkii ehelka lahaa madaxweynaha, taliyaashi ciidamada iyo shaqaalihii madaxtooyada ee ku dhawaa madaxweynaha la dilay, waxey billaabeen, iney beegsadaan dadkii Tuutsiga ahaa iyo dadkii dhexdhexaadka ahaa Huutuga ahaa, iyagoo iyagoo weliba beegsanaya dadka wax galka ah ee ka soo jeeda bulshadaas. Waxey baangad madaxa uga goynayeen macallimiintii jaamacadaha, siyaasiyiintii, aqoonyahannadii iyo dadkii ganacsata ahaa, ee u dooddu jiray, in Tuutsiga wax laga siiyo maamulka dalka iyo kuwii Huutuga ahaaba, dadkii sidaas ku dhintay ee waxgalka ahaa waxaa ka mida Ra’iisulwasarihii dalka, oo ay kooxdaasi sidaas ku dileen. Kacdoonkaas waxaa lagu laayey dad badan waxaa 90 maalmood gudahood lagu dilay “Shan kun oo qof illaa hal malyan” badina dadka waxaa laayey ciidamadii millateriga iyo shacabkii Huutuga. Kacdoonkii lagu laynayey Tuutsiga iyo qeyb Huutuga ka mid ah markuu billowday, guud ahaan waxaa burburay heshiiskii Caruusha, Kagame iyo jabhaddiisiina, waxey ka soo biilaabeen xudduudaha dagaalkoodii jabhadeysnaa, waxey qabsadeen dhul aad iyo aad u fara badan iyagoo sharuud u dhigay joojinta dagaalkooda in la joojiyo xasuuqa lagu hayo dadka shacabka ah ee gudaha ku jira.

Dadkii dadkoodii iyo ehelkooda la laayay oo ka soo firxaday meelihi xasuuqu ka socday, wixii xoog lahaa waxey u soo galeen jabhaddii Kagame, iyagoo waqtiyar gudahood yeysanba tababbarnaane ciidan badan ku helay Kagame iyo jabhaddiisii. Ugu dambeyn jamhaddii waxey wada qabsatay dalkii oo dhan iyadaana xasuuqii joojisay, caasimaddii iyo taliskii ciidamada oo dhanna gacanta ku dhigtay.

Markii xasuuqii dhammaaday, Kagame wuxuu ku baaqay, in wixii ka dhaqangali kara, heshiiskii la dhaqangaliyo, waxaana laga billaabay, in dowlad ku meel gaar ah la dhiso, sidii heshiisku dhigayeyna loo qeybsado. Dowladdaas waxaa madaxweyne ku noqday, nin ku jiray jabhaddii Kagame hoggaaminayey, oo Huutuga ka soo jeeday, madaxweyne ku xigeen iyo wasiirka gaashindhiggana waxaa ka noqday Kagame.Dowladdaas shaqooyinka ugu badan ee u yaallay waxey ahaayeen, in ay dalka ka dhaqangaliso afar sano ka dib doorasho xor ah iyo iney sameyso dib u heshiiseen, sidoo kale, iney maxkamad soo taagto dadkii ka dambeyey xasuuqii dad ka badan lagu laayey.

Madaxweyne Kagame isagoo ka faa’iideysanaya madaxweynaha oo ahaa nin uu isagu keensaday, wuxuu u gacan bannaanaaday maamulkii dalka oo dhan. Waxaa la sheega muddadaas gaaban, inuu si hoose uga nadiifiyey dalka wixii siyaasiyiin, saraakiil, wariyeyaal ah ee haba yaraatee si uun uga soo horjeesan karay. Waxaa la sheegay, in muddadaas la xiray dad lagu qiyaasay ilaa 12000 kun oo qof, dadkaasna waxaa xabsiga laga sii daayey 10 kun oo qof oo kaliya, iyadoon intii kale meelna lagu sheegin, markii la dilaayeyna la arag. Sidii lagu ballansanaa afar sano ka dib sanadki 2000, waxaa la qabtay doorasho xor ah, waxaana lagu doortay Paul Kagame. Maadaaba dalka xasuuq badan ka dhacay adduunyadii oo dhan ayaa u soo gurmatay, wixii ka dambeeyey 2000, markii lagu kalsoonaday maamulkii Kagame, isaguna wuxuu la yimid hannaan maamul uu u fududeeyey, inuu ka faa’iideysto deeqihii caalamka, isagoo ka la hormarsaday meelihii ugu darnaa, ee dalku ka burburay sida xarumihii caafimaadka, waxbarashada, abuurkii beeraha iyo waddooyinka.

In kastoo ay ku hareereysan yihiin Kagame eedo, dhaliillo iyo xan badan, oo ay ka mid yihiin inuu wax ka ogaa dilkii saaxibkiis Fred Gisa, maadaaba uu ku soo beegmay markuu tababbarku u dhammaaday, inuu sidoo kale qorshihiisa lahaa dilkii madaxweynaha ee xasuuqa badan dhalliyey, inuu markuu wasiirka difaaca ahaa si hoose u dilay dhammaan saraakiisha ciidanka iyo dadkii siyaasyiinta waaweyna ahaa, ee si fiican u la socday dhaqdhaqaaqiisa, xitaa kuwii jabhaddiisa ku jiray, haddana Kagame badi adduunyadu waxey is la qirsantahay, inuu yahay Halyeey Afrika ka soo baxay, dalkiisana badbaadiyey, mar uu haadaan ka sii socday.

Kagame waxaa sanad walba lagu marti qaada, madasha looga doodo dhaqaalaha dunida ee World Ecomicn Forum, waxaa lagu ammaana, inuu la yimid nidaam maamul oo aan hortiis Afrika ka jirin gadaashiisna imaan illaa hadda. Waxaa la sheega, iney dowladdiisu tahay sida shirkad marka ay timaaddo is la xisaabtanka iyo maamul wanaagga isaguna uu ka yahay sida guddoomiye shirkad, halka wasiirraduna ka yihiin madax waaxeedyo.

 

Dhammaad.

Maxamed Axmed Cali Royal

Business & ICT Researcher

Mogadisho-Somalia

Mohamedmidnimo@gmail.com

Skype Royalmidnimo

 

SHEEKOOYIN