FURSADO IS DIIDDAN! W/Q: Ibrahiim Cisman Afrax

12800365_924568957660562_7977823061446737559_n

FURSADI WAA HAYSKA LUMIN!

Horay ayaa loo yiri FURSADI WAA HAYSKA LUMIN! Laakiin wali maku soo mareen labo fursadood oo is diiddan? Haddii aad tahay qof aan ogahay, wey kusoo mareen.Ma jiro qof u hantiya adduunyada sida uu doono ama sida uu jecelyahay, haddii ay dhacdana waa dhif iyo nadir, ama waa kala dhiman micnaha uma dhammeystirna.

Mar walba waxaad baadi goobeysaa dheef, si aad u heshana waxa kusoo wajahaya caqabado adag, hase ahaatee waxa jirta dheef adiga kusoo raadsata oo aadan u arkeyn mid nuxur leh maxaa yeelay kuma qanacsanid, waxadse ogaan doontaa goor dambe.

Dulucda sheekadu waxa ay ku biyo shubaneysaa labo fursadood oo is diiddan, bal labadan jaanis aan ku tusaaleyno marka la dabaalanayo bad-weynta jaceylka inagoo uga gol leh in faham buuxa laga qaato, rag iyo dumar.

WAA MIDDA KOOWAADE: qof baad jaceyl dhab ah u qaadeysaa waxaadna isku taxalujineysaa sidii aad ku hanan laheyd, waa fursad aad is leedahay naftaada uga faa’idee si ay u hesho farxad joogto ah, balse ma ogid qaddarka ALLE.

WAA TAN LABAADE: isla waqtigaas adigoo ku howlan xiriirkaasi ayaa waxa kusoo mareysa fursad kale oo lid ku ah, waa shaqsi ku jecel balse aadan adigu jecleyn, niyad uma haysid ruuxdaasi kusoo doonatay waxana dhacda inad jaaniskaas beerdareyso.

Dhibta aad u marto ka faa’ideysiga Fursaddan hore waxa aad dib u xusuusaneysaa marka aad ku guul darreysato hanashadeeda, waxa taasi sabab u ah baa la oran karaa rafaadkii kusoo food saaray intii aad ku mashquulsaneyd fursaddii hore iyo dhibaatadii laguu maray markii ay fursad lugo lihi kuu timi ayaa is lahaanaya, markaas ayaad baraarugeysaa.

Waxa laga yaabaa inad ka qoomameyso dheefta kusoo doonatay ee aad iska dhega tirtay, maya ha shallaayin, waayo hadii aad tallaabo yeelmo ah qaaddo adigoo marxalad kale oo doonis ah kujira waxay su’aalo badan oo aan jawaabo laheyn kaaga imanayaan naftaada oo ku maxkamadeyneysa.

Ugu dambeyn waxan kugula dardaarmi lahaa, Wixii daacadnimo kugu seegay dambi kuma lihid, qiyaanaduna qiil malaha.

JACEYLKU HAJIRO

W/Q: Ibrahiim Cisman Afrax

SHEEKOOYIN