Dood Shirib ah oo dhex martey Laashin Ibraahin iyo Afhayeenka Alshabaab

quotescover-JPG-80

Waxaa caawa jilibka isu laabay, Laashin Ibraahin Cali iyo Afhayeenka Kooxda Alshabaab, doodan iyo garnaqsigan oo qaab Suugaaneed godka Shiribka ku baxaya, ayaa laysku weydaarsadey qaabka loo kala aragti duwan yahay. Laashin Ibraahin oo ah Afhayeenka dadweynaha ayaa inta badan ku soo gudbiya dareenkiisa suugaaneed, guuxa bulshada iyo hadba xaalka lagu jiro. Bogasho wacan.

 

Laashinka.

  • Qareenka qarax sheegadow
  • Iqaabilaan Ku qaabilee

AFayeenka Alshabaab

  • Qof oona lama qaabilee
  • Xaa qaldan xaansa kuu qabdhaa?

Laashinka

  1. Minaana qaldaneyn qareen
  2. Qodobo dhowr ah ii qiseey?

Afhayeenka Alshabaab

  • Soo qadim qaladniiga dhowr
  • Qowleyda waala qaariyee(midi)

Laashinka

  • Qowlka illaahya qowl Rasuul
  • Qofku su aalay ma qalee?

Afhayeenka Alshabaab

  • Qodobo noogu yaal qardhaas
  • Wixi qilaafa waa qalnaa

Laashinka

  • Qofku su aalay qowl illaah
  • Inaad qashiin miyaad qa tiin?

Afhayeenka Alshabaab

  • Qur’aanka Rabigey qofkii
  • Qaamuuska doortay waa qalnaa

Laashinka

  • Isqarxiskaan qof loo dayeyn
  • Intaa qabtoood ka qaadateen?

Afhayeenka Alshabaab

  • Qoom gabre qodobuu dhigoon
  • Qarxinay maad igu qabsee?

Laashinka

  • Qabuurahaan lasoo qodaa
  • Intaa qabtood ka qaadateen?

Afhayeenka Alshabaab

  • Qaali fadwoodayaa qodee
  • Xaa kaa quseeya ii qasbee?

Laashinka

  • Qooleey sideer dadloo qalaa
  • Intaa qabtood ka qaadateen?

Afhayeenka Alshabaab

  • Inow qalqalyo qof danbow
  • Ku quusyaan dadkuu qalnaa

Laashinka

  • Qaaliga xukumaa qofkaas la qalay
  • LA qalay ma qisey kartaa?

Afhayeenka Alshabaab

  • Waa qandac hadalkaad qortee
  • Qabooji ama waa qaliin

Laashinka

  • Qeynuunya diin intaa qabtood
  • Ka qaadateen maley qalaa?

Afhayeenka Alshabaab

  • Waxaan qabno qof diidanoon
  • Qosleynin qalidaa u taal

Laashinka

  • Qareenow qabriya su aal
  • Qiilmuu helee waxaad qabtiin?

Afhayeenka Alshabaab

  • Qoomkeenu ma qasaarinaan
  • Qabnaahe qalqalkiiga laal

 

Curiye,  Laashin Ibraahin Cali.

SHEEKOOYIN