XAQA AAD U LEEDAHAY NOLOSHA IYO NABADDA. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

XAQA AAD U LEEDAHAY NOLOSHA IYO NABADDA.

Dunida Alle uma abuurin in la qarribo oo xaq lagu kala galo, sida dhabta ah marka diinta loo eegana waxaad ogaanaysaa in Qof walba ama Nafley walba xaqeeda uu Alle si gooni ah u siiyey una qeexay.

Bani aadamka ayaga ayaa Madax looga dhigay inta dunida ku neefsata Nuuc walba ay yihiin, isla ayaga ayaana qaaday masuuliyadda Amaanada Cirka iyo Dhulka marka wax walba oo Alle abuuristiisa ah ay iska diideen qaadidda amaanadaas.

Qof walba dunidan sabab ayuu ku yimida sida ay doontaba ha ahaato sababtaas, hadana waxaa la saray qof walba Mas’uuliyad u gaar ah isaga iyo mid kala dhaxaysa dadka kale.

Haddii aan si nafsaani ah oo caafimaad qabto u fakarno waxaan ogaan karnaa waxa aan Xaqa u leenahay iyo waxa xaqa naloogu leeyahay, balse taas ma ahan mid hadda ka suura galaysa dunida aan ku noolnahay.

Sababta aysan uga suura galayn ayaa ah in dadka qaar ay xaqooda aaminsan yihiin in ay ku heli karaan dulminta ama ku tumashada xaqa dadka kale, waana middaas midda aysan ku suura galayn in la helo duni caafimaad qabta oo dadka qaar ay ku garan karaan waxa xaqooda ah iyo waxa aan ahayn.

Qof walba oo Soomaali ah xaq ayuu u leeyahay in uu ugu noolaado dunidan si nabad galayo ku jirto Nolol wanaagsana leh, waasa goormee? waa marka si wanaagsan uu caqligiisa u isticmaalo qofkaas.

Qofka doonayo nolol wanaagsan iyo nabadba waxaa la gudboon marka hore in uu garto waxa xaqa loogu leeyahay iyo waxa uu xaqa u leeyahay, haddii qofku intaas garto hubaal in uu fahmi karayo qiimaha macaan ee Nolosha.

Qaabka dunida uu Alle u jideeyey ayaaba iska ah in nooluhu ayaga isku maqnaadaan oo qof walba qofka kale uu ku maqnaado, hadana taas macnaheeda maahan in uu Alle raali ka yahay in umaddiisa ay isku xad gudubto, balse, waa in uu  inaga nagu imtixaanayo Caqliga iyo Garaadka uu nasiiyey, si aan wax ugu garano.

Alle waa Caddaalad fale mar hore ayuuna u ballan qaaday khalqigiisa in dhamaantood ay caddaalad helayaan qof walbana xaqiisa uu heli doono, Khalqiga allena waxaa ka mid ah Jannada iyo Naarta oo mid walba goonidiisa loogu ballan qaaday in la buuxin doono lana kaamili doono baahiddooda.

Dunida waa goob shaqo oo lagu shaqaysto waxa mustaqbalka Aakhiradaada uu noqon doono, hubaal in maanta Munkarka iyo Manfaca dhacayana uu ku biyo shuban doono abaal marintiisa Jannada iyo Naarta uu Alle ballanqaadkooda in uu oofinayo inoo sheegay.

Hadaba adiga Soomaaliga ah miyaadan xaq u lahayn in aad ku noolaato Nolol Nabad galyo leh oo hadana Raaxo Qalbi iyo mid jismiba yeelan karta adiga oo qofna ku xad gudbin?

Jawaabta waa haa, xaq waan u wada leenahay middaas dhamaanteena waanu wada doonaynaa, balse waxaa inaga maqan qaabkii aan u garan lahayn iyo waddadii aan u mari lahayn.

Waxaan dareemi karaa waddada aan u mari lahayn waan heli karnaa hadaan marka hore si dagan isku waydiino waxa xaqeena ah iyo sida aan ku heli karno iyo waxa xaqa naloogu leeyahay iyo sida aan isaga oofin karno.

Garashadaas waxaa lahaan kara qof caafimaad qaba, misana aan ku noolayn Mugdi, aana harsanayn Dhul Harraad iyo Olol ka baxayo, oo tallaabtii la qaadaba ay tahay mid qof lagu dulminayo ama uu isla qofkaas naftiisa ku halligayo.

Waa in aan garana qiimaha nolosha ee ah, in aan dunidan u iman in aan ku noolaano qalalaaso iyo qarribaad aan nafteena u gaysano, garashadeenana waa in aan ku darnaa in uu Alle kaliya yahay kan wax kala xukminaya.

Qofka Aadanaha ah waa in uu marka hore ka fakaraa waxa nafsadiisa Maslxad u ah inta uusan ku dag dagin fal galkiisa ku aaddan in uu dhib u gaysto dadka kale ee sida asiga uu u doonayo nolosha u doonaya.

Waxaa haboon in qofku marka hore baahidiisa gartaa, marka uu damcana in uu baahidiisa xalliyo uusan ka eegin Oonka uu u qabo baahida haysata ee uu ka eegaa dhanka qofka uu wax u gaysanayo in uu yahay qof la mid ah isaga.

Hubaal waxaa ah in Qof Bani aadam ah nuuca uu doono ha ahaado haddii aad ku xad gudubto adiga oo nolol doon ah in aadan adigana ku raaxaysanayn noloshaada oo uu Alle kugu sallidayo Qoom kale oo kaa xoog iyo shar badan.

Waxaa kaloo haboon in aad is waydiiso adiga oo ku jira fal aan naftaada hadii lagu samayn lahaa aanan ku farax galshayn aad ku dhimato samayntiisa xaga aad aadayso ama aad u jihaysanayso, is waydiintaasna waxay ka imaan kartaa mar walba Dadka Iimaanka u saaxiibka ah.

Qofka marka uu iimaan leeyahay wax badan oo dadka iimaan la’aanta ah ku dhiiradaan samayntooda ma samayn karo, saa iimaankiisa ayaaba u diidayo, iimaanku waa Quudka Damiirka Qofka, qof walba inta uu iimaan leeyahay ayuu ka dhowrsan karaa Xumaanta iyo waxii la midka ah.

Cabirka naftaada iyo waxa ay jeceshahay marka aad garato waxaa wanaagsan in isla cabirkaas iyo dareenkaas aad u dareento dadka kale oo wixii aad is leedahay waa ku xanuujin karaan aadan kula dag dagin samayntooda dadka kale, markaas ayaad garatay xaqa aad u leedahay nolosha nabadda ku dhisan.

Hadaba waa in aan garanaa in aan xaq u leenahay in aan u noolaano sida ay u nool yihiiin dadka Cilmiga iyo caqligaba u saaxiibka ah, fakarkeenana uu noqdaa fakar saldhigiisu yahay danteena guud iyo middeena gaarka ah ee uusan noqon fakar u adeegaya dad doonaya nolol wanaagsan oo nabad qabta, balse xageena ka ah Nolol Halaag ah.

Kuwa qoryaha iyo mabaadii’da inoo dhiibay waa kuwa ka fakaray mustaqbalka noloshooda, sidaas darteed, ma ahan in aan wax ka eegnaa dhanka ay ayaga doonaayaan ee waa in aan ka eegnaa waxa aan doonayno oo danteena ah.

Qofku wuxuu qof noqdaa marka uu garto qiimihiisa isla markaana uu xambaaraa Fakar fakarkiisa ah oo dantiisa ay ku jirto, saamayn waa nagu yeelan karaan fakarrada kale oo ma lihi hala iska diido, maxaa yeelay dunidan danta ayaa dadka midaysa, hadana, waxaa nala gudboon in aanan qaadan fakarrada liddiga ku ah jiritaankeena nololeed.

Hadaba aan is waydiino, dibna aan ugu laabano ficiladeena qaar iyo mabaadii’da ka dambaysa, haddii aan taa garano hubaal in wax badan oo danteena ah aan garan karno, sidaa darteed Assalka garashada xaqa aan u leenahay Nabadda iyo Nolosha waa in aan is waydiinaa marka hore xaqa aan u leenahay nolosha iyo nabadda iyo midka nalagu leeyahay.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN