Qabiilka ayaa qabyaaladda dhala W/Q Faysal Xuseen

Faysal

Qabiilka ayaa qabyaaladda dhala. 

Qof kasta miruhuu abuurto ayuu goostaa, beer waliba iniinta lagu beero ayay soo bixisaa, ummadd walibana tacabkay dhalaankeeda gashato ayay gurataa, ubadkuna waxa lagu barbaariyo ayuu la weynaadaa.

Silica iyo saxariirka maanta soomaali heystaa waa miraha mililkii iyo waabaydii ay ubadkeeda kusoo barbaarisay “qabiil/qabyaalad” ballaayadii ubadka lagu soo barbaariyay bamkii ka dhashay wataa maanta meel walba ba’a iyo baroortu ka taagantahay.nasiib darro wali isla wadadii ayaa lagu socdaa, wali ubadkeena bambooyinka ayaynu isugu dhiibnaa. Haa qabyaaladu waa bam xilli walba qarxi kara.

Gurigu waa halka bulshada laga soo saaro,ummad waliba siday guryaheedu u yaalaan ayay bulshadeeduna u ekaataa. Guryaha soomaalidu siday u egyihiin? Inta badan guryaheena habeenkii markuu reerku soo wada hoydo ubadka waxaa lasiiyaa casharo lagu barayo oo waliba lagu xafidsiinayo raaska uu yahay, reerka uu kasiiyahay iyo qabiilkiisa,waa loogu soo cel celiyaa casharadaa ilaa uu ilmuhu ka qaybo oo uu dusha ka akhriyo sida faataxada!,  waxaa loo raaciyaa,  erayo gubaabo ah” Iska celi,  iska dhici,   hebel waa inaadeerkaa ee u hiili, maxaad walaalkaa inuu  gardarnaa u sheegtay  doqonyahay aan dhiiga lahayn” Doofaar  ficil(Hiil) la’aantaa lagu cadaaba”  Dhammaan  tabobarkani waa kan keena inuu  nin jeclaysiga iyo macangaga oyo garmaqaataha noqdo,  waayo  lama barin”  U dulqaado,   iska illow,  waxba malaha,  haddaad been sheegto waxaad noqonaysaa qof xun,  qofka  gardaran lama qariyo,  dadkoo dhami waa siman yahay,  walaalkaa hadduu xun yahay xumaanta laguma taageero, kuwan waxaa loo tusay inay liidnimo tahay.

Marka mirihii waabayda ahaa soo go’aan ee bulsho noocaa ah bannaanka usoo wada baxdo ee balaayo iyo baas dhigaan inaynu baroorano maaha.
Waxaad arkaysaa oday weyn oo tiifii intuu soo fariisto calyada dhankuu doona u tufaya,” Nimaan xishooni xil ma qabto

Waxay ishaadu qabanaysaa mid aqoon lagu tuhmayo, wadaad diinta daldalinaya iyo dad wax gal ah oo qabyaaladu qalbiyada fadhiisatay. Dadku waxay is weydiinayaan qofka aqoonta leh maxaa qabiilka daba dhigay muxuu qabyaalada isaga deyn waayay? Mushkiladu waxa weeye qabyaaladu waxay ahayd wixii ugu horReeyay ee qofkan qalbigiisa fadhiisatay.
Baraha bulshadu ku kulanto waxaad ku arkaysaa wiilal iyo gabdho yar yar oo qabyaalad ku murmaya, isugu faanaya oo isugu hanjabaya, iyagu eed maleh,waayo? Wixii lasoo baray ayay bannaanka ula soo baxeen,u fiirso,hadaad aragto qof aan qabyaali ahayn waa qof aan gurigooda cashiradaa naxliga ah lagu dhigin oo aan lagu soo ababin.

Haddaanu doonayno in bahashaa qabyaalada laga gubdo waa in la joojiyaa ilmaha yar ee boqolka oday ee xilli hore geeriyooday guryaha lagu soo barayo, Odayaal xilli hore silic iyo gaajo u dhintay oo lafahoodiiba wax u tari waayay barashadooda iyo ku faanidoodu dhib mooyee waxba u tari mayso ubadka maanta nool,Hadii kale miyaa? Sidaa giraantu haysaga daba wareegto.

“Uf Qabiilka Anaa Leh,
Wuxuunbaa Ku Adeegta
Nin Iskii Kartidiisa
Isagoon Cid Ku Tiirsan
Isku Taagi Karaynin”

“Gaarriye (AHUN)”

W/Q faisal hussein
Faisalyacni07@gmail.com

Barta facebooka ee Faysal Xuseen

SHEEKOOYIN