Dashrath Manjhi: Geesigii go’aanka adkaa!W/Q; Maxamed Xaaji Xasan

Dashrath Manjhi: Geesigii go’aanka adkaa!

unnamed

Kartida iyo awoodda Ilaahay aadanaha siiyay qaarna waa ka faa’iideystaan oo loo aayaa qaarna waa qasaariyaan oo ka qoomameeyaan , ka faa’iideysiga awoodahaas waxaa lagu gaaraa horumar iyo tanaadid iyo magac dhaxal ah oo laga tago sida Dashrath Manjhi.

Sidoo kale hal adayga iyo ka midho dhalinta waxaad ku hammido waa guusha dhabta, adduunkan dadka ku reebay raadka iyo magac weyn ilaa iyo haddana magacoodu noolyahay waa dad adkaysi badnaa oo hawlkarnimo iyo go’aan qaaddasho lahaa dhan walba.

Haddaad tahay ruux han jilicsan waxaad noqonaysaa mid mar walba quusta oo guuldarada ka baqa, waxaad noqonaysaa mid aan u lahayn dul iyo gigsi turunturooyinka iyo kacaa kufka gaarista hadafkiisa.Ogoow adduunka ma jiro qof guushiisa si fudud u gaadhay, waa halkay Soomaalidu ka tidhaahdo:

  • Gacmihii qarara(1) Qabowsada
  • Waxaan loo dhididin laguma dheefsado
  • Daal badan ka dib ayaa dan la gaaraa

Hillock_

Geesinnimadii iyo go’aankiisii loo aayay inta aanan guda gelin bal aan ku baro inyar kumuu ahaa Dashrath Manjhi. Darshrath gobolka Bihar ayuu ku dhashay taariikhdu markay ahayd 1934 waxaana uu ku dhintay New Delhi 2007.

Degaankiisu waxaa uu ahaa xaafadda buuraleyda ah ee Gehlaur ee u dhaw magaalada Gaya ee gobolka Bihar ee dalka Hindiya.

Yaraantiisii fursad uma uusan helin waxbarasho, laakiin taas kama aysan dhigin qof  gacnaha hoorsada ee waxaa uu noloshiisa ku kaabi jiray xamaalinimo. Xaafadda uu degenaa iyo magaalada waxaa u dhaxeeyay buur weyn oo dadka deegaankaas ku qasabtay inay meel u jirta 15 km ay ku qaadato 55 km.

Maalin maalmaha ka mida xaaskiisii oo qado u soo waday isaga baa buurihii waaweynaa mid ka mida ku sidbatay ugu dambaynna xanuunkii ay halkaa ka qaaday bay u geeriyootay.unnamed12

Dhacdadaas xanuunka badan ee la soo deristay, kadib, waxaa uu go’aansaday in qof kale uusan buurtaas darteed u dhiman oo uu waddo ka jeexo si ay u sahlanaato tegidda magaalada oo dadku aad ugu dhibbanaayeen. Sanadku markii uu ahaa 1960 buu garweyn iyo faas ula soo kallahay buurtii weyneyd kuna billaabay inuu qodo, isagoo ka sheekeynayana waxaa uu yiri ‘markii aan garaaciiddii iyo qodistii buurtaas bilaabay dadku waxaa ay ii heysteen ama igu tilmaameen inaan ahay qof waalan. Hawshii buurtaas waxay ku qaadatay 23 sano, ugu dambeynse waddo ayuu ka dhambalay oo illaa maanta dadku anfacsadaan, isagiina u noqotay magac iyo dhaxal ma guuraana oo lagala haray.

Haddaba, maxaan ka baran karnaa dhacdadaan?? Aadanaha Ilaahay awood buu la soo saaray waana uu ka mira dhalin karaa haddii uusan awooddas daycin. Qof kaliya meesha uu buur waddo ka jeexay isagoo aan dawlad iyo shacab midna isku halleyn maxay kula tahay hadday toban qof u istaagaan hawl nuucaas oo kale meeqay ku qaban karaan?? Waad dhisi kartaa waddo laba magaalo isku xirta kaligaa waase haddii ay kaa go’an tahay, tusaalena ninkaa odayga ah u qaado.

Isku-halleynta iyo isku-kalsooni la’aanta waa labada shey ee ka hor istaagga noolaha inuu gaaro hammigii uu lahaa kana dhiga mid ku mashquula eedeynta ama raadinta iimo dad kale oo uu ku marmarsiinyoodo. Aadanuhu marka uu go’aan adag la yimaado kuna daro kalsooni nafeed geeri mooyee wax kale oo guul iyo horumar u diidi kara ma jiraan. Dad badan baa jiray oo guul iyo horumarba sameeyay ayagoo eber ka soo billaabay, haddaba ma is weydiisay maxaan ninkan odayga ah ku calmaday??unnamed

Tan koowaad: Waxaan doonayay inaan ku tuso guusha uu qofku sameyn karo kaliya inaanay ku xirneyn in qofku wax soo bartay ama lacag heysto.

Tan labaad: Waxaan doonayay inaan tusaale kaaga dhigo go’aanka markaad qaadato inaysan ku celin agab yari oo ninkaa odayga ah faas iyo garweyn un buu hawshaas ku billaabay. Guusha noloshu waa dedaal, kartidii EEBBE ku siiyay oo la isticmaalo, go’aan adag oo la qaato iyo cabsi la’aan in la wajaho halka aad tiigsaneyso.

  • Kartidoo dedaal lagu dariyo, Kas iyo maan buuxa
  • Kalsoonidu hoggaan ay tahay, Kaarto iyo xoogba
  • Kahashiyo wahsina laga jiraa, Keenta guul badane
  • Kellinimo adoon kaashi helin, Kooxa kula jooga
  • Kun waxbaad kafayn karaheysa, Koonka guradiise
  • Kasha geli go’aan kama dambays, Kaafi buu noqone
  • Kalah iyo carowtiinka galab, Kuudud iyo joogsi
  • Kulayl iyo qaboow cimiladoo, Kala gadoomaysa
  • Keenee naftaadaana ka dhawr, Kaaddin iyo Baajin.

“ Cabdiraxiin Hilowle Galayr”

 sharax erayada.

 1. Qarar= Engag ama qalayl dartiis u dilaaca, 

Xuquuqda sawirada: Gulftimes.

 

Barta facebook ee Maxamed Xasan

SHEEKOOYIN