Hobyo aan u Hambalyeyno: W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

1264201_231557887002179_696387047_o

Hobyo aan u Hambalyeyno:

Hobyo waa degmo ka mid ah degmooyinka gobolka Mudug, waa magaalo facweyn, kana mid ah degmooyinka ugu qaddiimsan Soomaaliya. Magaca HOBYO, sida uu ku baxay cilmi baaris kuma sameyn – ujeeddada qormaduna ma aha – ha yeeshee, waxaa la ii sheegay, in magucu ka yimid, laba eray oo la isu geeyay, oo kala ah: (Hoo & Biyo), maxaa yeelay, dhulka xeebta ahi, waa mid biyaha si fudud lagu gaari karo. Hobyo waxay leedahay deked dabiici ah, oo ganacsi iyo xiriir dheer la lahayd waddamada kulaala badweynta Hindiya iyo Khaliijka, waa magaalo qarniyo dhisnayd, lehna dhismooyin aad u facweyn. Dekedda Hobyo howl gab ayay noqotay dagaalladii sokeeye kadib, wayna iska xirantay, maadaama uu san halkaa ka jirin maamul suubban oo ay dadka deegaanku ku midaysnaayeen.

Maalmo ka hor ayaan maqlay, in si rasmi ah loo furay dekedda Hobyo, hadal aan aad ugu farxay ayuuna ii ahaa, waxaanna filayaa, in farxaddaas ay ila wadaagayaan dad badan oo Soomaali ahi, gaar ahaan dadka gobollada dhexe arrintaasi aad ayay u taabaneysaa. Dekedda Hoybo waxay noqon dontaa lafdhabarka dhaqaalaha gobollada dhexe, haddii dekeddaasi shaqeyso waxay ka dhigantahay, in Galmudug ay heshay deked ay wax kala soo degto, kana dhoofsato, sidoo kale, waxay noqon doontaa mid ay ka faa’iidaystaan maamullada deriska la ah Galmudug.

Sida lawada ogyahay, dekeduhu waxay ka mid yihiin, kaabayaasha dhaqaalaha ee uu dal/gobol leeyahay; dekedda markii la furo waxay magaaladu soo jiidan doontaa ganacsi baaxad weyn, waxaana imaan doona dad cusub, waxaa ka furmi doona hoteello, maqaayado, suuqyo waa weyn oo wax laga gato laguna iibiyo, supermarket-yo, iskuullo, isbitaallo IWM, qaybahan aan soo sheegay, midkasta dad ayaa ka shaqeyn doona, sidoo kale, dekedda waxaa ka howl geli doona shaqaale xoogsato ah, shaqaale maamul, ciidan nabad gelyo iyo baabuurta badeecadaha udaabbuli doona deegaannada kale, sidaas awgeed, dekeddu waxay abuuri doontaa fursado shaqo oo aad u badan. Magaaladu markii ay hesho adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha, ayay dad badani soo degi doonaan, kuna soo kordhin doonaan shaqo iyo dhaqaale cusub qiimo leh. Dekedda Hobyo oo si dhab ah u shaqeysa waa dadka gobollada dhexe oo ka gudba dagaallada qabiilka, saboolnimda iyo burcad badeedda. Hobyo markii ay noqoto deked shaqeysa, waxaa looga imaan doonaa dhammaan gobollada deriska la ah Galmudug iyo xitaa Itoobiya, waxayna dekeddu faa’iidayn doontaa is dhexgal bulsho oo ballaaran. Dekedda Hobyo waa il dhaqaale oo weyn, oo uu maamulka Galmudug kaga faa’iideysan karo, maalgelinta mashaariic horumarineed oo ballaaran, kuwaas oo ay dadka deegaanku uga fadhiyaan.

Caqabado badan ayaa ka hor imaan kara furitaanka dekedda Hobyo, waxaanse si dhab ah u aanminsanahay, in dadka deegaanka uu wacyigoodu is beddelay, maamulka cusubna ay u tahay fursad uu dadka ku howl gelinkaro. Haddii ay maamulka ka go’an tahay, in uu howl geliyo dekedda Hobyo waxaa habboon, in uu si qota dheer uga baaraan dego arrinkaas, beelahana uu u kala tixgeliyo sida ay u kala mudanyihiin deegaan ahaan, waana in uu holw geliyaa dad u fara dhuudhuuban arrinkaas, oo ay ugu horreeyaan: odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culimada iyo dadka aqoonta u leh horumarinta dhaqaalaha.

Beeluhu waa in ay ka fekeraan waxa ay dekeddu u soo kordhin doonto mustaqbalka dhow iyo kan fog, waana in aysan fiirin waxa hadda la sameynayo, ee ay kamid yihiin, maamulka lagu billaabayo iyo shaqaalaha ka howl gelaya dekedda.  Odayaasha beeluhu, waa in ay muujiyaan isu tanaasul iyo is texgelin, si arrintani u hirgasho.

 

  • Dekedda hobyo oo  howl gashaan higsanayaa.
  • Iyada lagu hirtaan higsanayaa.
  • Maraakiibta oo hogata ban higsanayaa.
  • Doomohoo hirqanayaan higsanayaa.
  • Hobyo oo horumartaan higsanayaa.
  • Da’yarta oo u hayaanta ban higsanayaa.
  • Oo howl kawada helaan higsanayaa.
  • Ummadda oo horumartaan higsanayaa.
  • Maamul howl kara baan higsanayaa.
  • Heshiis iyo horumar ban higsanayaa.

F.G: Qormadan, markii u hurraysay waxay ku soo baxday wargeyska Gobollada Dhexe
W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN