Yarkii indha daraandarka igu riday!‏ W/D: Ramla Gobdoon

Ramla

Yarkii indha daraandarka igu riday!

 

Maalinkii ku xigtay tii la inoo sheegay, in wiil cusub uu fasalka ku soo biiri doono, ayuu soo xaadiray. Daqiiqado aan badneyn ayuu xisadda ka soo daahay. Waan maqlayay garaaca albaabka iyo macallinka oo leh “Soo dhaaf”, mase jalleecin cidda soo gashay, sababtoo ah, waxaan ku mashquulsanaa, diyaarinta buugteyda iyo qalimaanta. Safka iga horreeya, oo uu boos ka bannaanaa ayaa loo timaamay, in uu saldhigo, waliba kursiga igu aaddan. Waxaan ka war helay qof si deggan u fariisanaya horteyda. Durba waan gartay, in sii jeedkiisu uu yahay qof cusub.

Wuxuu leeyahay dhirir dhexdhexaad ah iyo midab furan. Timihiisu waa madaw u eg funnaanadda gacma gaabka ah, ee uu xiranyahay, si simanna u jaran oo dhalaalaya. Gacmihiisu waxey u yara ballaaranyihiin inta hore, waxaana ku kor daadsan xaad badan. Jeans leh midab buluug, oo mugdi ah ayuu xiranyahay, funnaanaddiisa waxaa laga dhex arki karaa xariiqmaha garanka uu hoos ka wato. Weli si dhammeystiran u ma arag wejigiisa.

Macallinka ayaa hadalka qaatay oo is baray, ka dibna faray ardayda in wiilka cusub ey is bartaan. Markii la soo gaaray safkiisa ayuu hadalka qaatay, wuxa uu sheegay in uu Soomaaliya ka yimid ka dibna safkeyga u soo jeestay, si uu u arko ardayda dambe, oo ka billabanaya safka aan fadhiyo. Intii uu ku maqnaa daawashada ardayda, waxaan anna ku maqnaa wejigiisa soo jiidashada leh. Sankiisa dheer, afkiisa yar, indhahiisa iyo timaha xaadda ka yar badan, ee kor jiifa faruurtiisa sare waxa ey ahaayeen kuwo aan laga jeesan karin.

Waxaan is dareensiiyay, in ey wanaagsanaan laheyd haddii uusan i hor fariisan laheyn, sababtoo ah waxa uu iga mashquuliyay cashirka. Markii ey xisadda dhammaatay ayaan aaday qaanaddeyda buugaagta, si aan u soo qaato xisadda kale buugteyda, kolkaan albaabka fasalka u dhawaa ayuu igu soo beegmay isagoo soo baxaya, ka dib ayuu gadaal iiga sigtay isagoo si qafiif ah iigu dhoolla caddenaya, quruxdi hore waxaaba ka darran middan uu marka uu dhoolla caddeenayo leeyahay.

Xilliga qadada la cuno, waxey ardayda soomaalidu wada fariistaan hal saf, oo ugu dambeeya hoolka cuntada. Halkaas oo lagu wada sheekeysto, lagu kaftamo, laguna soo dhaweeyo mar kale ardayda soomaalida ah ee cusub. Badanaa gabdhuhu ma jecla buuqa wiilasha, waxey fariistaan saf kale, kulligoodse ma ahan.

Mar labaad ayaa wiilki cusbaa la soo dhaweeyay, oo si fiican la is ku bartay markanna wuu iga soo horjeedaa. Wuxuu inoo sheegay, in uu ka yimid waqooyiga Soomaaliya, qaabka uu u sheekeenayo iyo qosolkiisaba waxey isugu daba dhacayeen, si aan caadi eheyn. Runtii wiilkaas wuxuu nafteyda uga yaabsaday si weyn.

 

W/D: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN