WAA MAXAY MIDNIMO? W/Q: Asiyo Abdirahmaan Abdisamed Dawaarig.

mid

WAA MAXAY MIDNIMO?

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka Soomaliyeed oo dhan meel kasta ay joogaan salaan kadib, wuxuu Maqaalkan kooban ku saabsanyahay Midnimada iyo Faaidada ay leedahay.

Waxaan usoo bandhigayaa Shacabka Soomaliyeed si ay u gartaan Midnimada ka maqan faaidooyinka ay leedahay, waxaan filayaa in maqaalkan kaga bogon doontaan Midnimada iyo faaidooyinkeeda iyo markaan weynay waxa inoo beddelay.

Haddaba sidaan lasocono markii uu dhacay burburkii Dowladnimo ee Soomaliya 1991 waxaa meesha ka baxay hannaankii Dowladnimo ee soomaliyeed, halkaasna waxaa lagu waayey Midnimadii.

Haddaan halkaas kaga gudubno hordhacaas waxaan u guda galaynaa Nuxurka Maqaalka Midnimo. WAA MAXAY MIDNIMO? Midnimo waa hal Eray oo ka kooban Xarfo isku tagey, balse, waxaan oran karnaa waa eray micno mug weyn xambaarsan marka loo eego fasiraadiisa mana ahan wax hal meel lagusoo koobi karo.

Haddii aan muhiimadda macnaha Erayga Midnimo ugudbo wuxuu noqonayaa (hal ahaansho) waxaan kaloo dhihi karnaa Midnimo waa sababta keenta Midowga Caqliga iyo xooga, taas oo dhex marta Aadanaha iyo Xayawaanka kale ee noolba.

Midnimo waa asaaska horumarka Aadanaha, waxayna Tiir iyo Udub dhexaad u tahay Caddaaladda iyo Sinnaanta taas oo mar walbo diinteena nafareyso.

FAAIDOOYINKA MIDNIMADU LEEDAHAY, faaidooyinka midnimadu ay leedahay waa mid aad u ballaaran aan lawada soo koobi Karin, balse haddaan wax ka xusno kuwa uga muhiimsan waxaan oran karnaa sidan.

Midnimadu waxay Noolaha oo dhan u horseeddaa Barwaaqo iyo Nabad, waxay sabab u noqotaa in laguwada noolaado si xasilooni ah oo colaaddu ka marantahay, waxay Soomaalidu ku maahmaahda “Gacmo wadajirbey wax ku gooyaan” maahmahdaas waxay na tusaysaa in qof keliya uusan guul dhalin karin.

waxaa jira tusaalooyin lagu soo koobi karo faaidada Midnimada sida, Aboorku wuxuu ku jiraa Noolaha Eebe abuuray kuwa ugu tabarta yar, balse, Midnimo darteed waxa uu suura gasha in uu dhisto (Dudun ).

Abwaan Xaaji Aadan Af Qallooc ayaa yiri”Haddiiba Aboor oo tabartaas leh uu Dudun dhisto, maxaad moodaa Aadame isku biirshay awooddiisa iyo caqligiisa”. Hadaba jawaabtu waxay noqon kartaa hadii aan Midowno waxaan gaari karnaa Hadaf kasta oo aan leenahay si la mid ah sida aboorkuba hamigiisa u gaaray.

Haddaba waxaan ka fahmaynaa Midnimadu in ay tahay Laf-dhabarta Noolaha nool ee Eebe weyne abuuray. WAXYAABAHA LAGU MIDOOBO WAXAA KA MID AH, haddii Ummadi meel wada dagaan waxa laga maarmaan ah in ay midoobaan si ay u helaan Amaan iyo Barwaaqo una xaqiijiyaan hadafkooda nololeed iskagana difaacaan Cadow kasta oo soo weerara.

Waxaa saldhig uga dhigi lahaa afatan qodob ee hoos ku xusan in haddii si dhab ah loo fahmo loona qaato ay Umaddu wax badan gaarayso, wax badana ay u hagaagayaan, wax badan oo dhibkooda ahaa lahaana ay kaga gudbayaan Midnimada ay haystaan darteed, hadaba qodobadaas waa maxay?

1.Diinta 2.Afka 3.Dhaqanka 4.Nabada oo la taageero Colaadaha oo laga hortago,waxaa runtii Shaki la’aan ah, haddii Ummaddu dhowrkaa qodob aan kor kusoo xusnay ku Midowdo in ay gaari karaan Midnimo waarta.

Hadiise la waayo xasiloonidii nabadeed ayaa meesha ka baxaysa, waxaana Ciriiri galeysa sidii loo noolaan lahaa, hadaba waxaa mudan in aan is waydiino sida aan ku gaari karno Midnimo waarta, sideese lagu gaari karaa.

MIDNIMADA WAXAA LAGU GAARI KARAA, Midnimada in lahelo way fududaaneysaa haddii la helo sharuudahan

1 lLaahay dartiis oo laysku jeclaado

2 wax wada qabsi midnimo ku dheehantahay.

3.isu dulqaadasho

4 is aaminid

5 isu tanaasul

6 isu naxariisasho

7 Danta guud oo laga wada shaqeeyo

8.cadowga oo hal dhan looga soo wada jeesto,waa hubaa in Midnimo la helayo hadii intaas la helo, hadaba maxaan ka dhaxalnay midnimo la’aanta nagu dhacday ma tahayse mid aan wada fahamsanahay saamaynta ay nagu yeelatay is waydiin ahaanse wali ma is waydiinay waxa aan ka dhaxalnay midnimo la’aanta.

WAXYAABAHAN KA DHAXALNEY MARKAAN WEYNAY MIDNIMADII, markaan weynay Isku duubnidii, wax wada qabsigii, waxaan meeshaas ku weynay Midnimadii iyo wadajirkii, wax wada qabsigii naga dhaxeeyay haddaan nahay shacabkii Soomaliyeed waxaana Midnimadeenii inoo bedelay in qof walba meesha uu deganyahay uu ooto (xirto) isagoo inta kale u arka cadowgiis hadde ogow waa dadkiisa soomaaliyeed.

Ma yara Midnimada inaga luntay dhaawaca ay inoo geysatay, waxaa kaloo ka dhalatay kolkaan Midnimadii weynay in dadkii akhyaarta ahaa ay dalka guduhiisa isaga baxeen markiiay arkeen in aan Soomaalinimo la isku tixgelinayn.

Midnimo la’aantii waxay kaloo inoo horseedday horumar la’aan iyo xasilooni darro siyaasadeed oo qof walba uu u jeedo dantiisa gaar ahaaneed kaliya, hadaba gabagabada Maqaalkan waxaan kusoo gabagabeynayaa “Midnimo waa la dhalshaa ee looma dhasho.

W/Q: Asiyo Abdirahmaan Abdisamed Dawaarig.

SHEEKOOYIN